HomeMadaxtooyada Somaliland oo wadda Qorshe Weji kale loogu eegayo Arrinta Urur-siyaasadeedyada Hadhay

Madaxtooyada Somaliland oo wadda Qorshe Weji kale loogu eegayo Arrinta Urur-siyaasadeedyada Hadhay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay waddo qorshe dhinac kale looga eegayo Arrinta urur-siyaasadeedyada ku xidhay wejigii hore ee qiimaynta Diiwaangelinta ee Dacwaddoodu ka socoto Maxkamadda Sare.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Siilaanyo kulan xog-waraysi oo keli keliya ugu yeedhay qasrigiisa masuuliyiin ka tirsan garsoorka oo aan ka xusi karno xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aden iyo gudoomiyaha maxkamada sare Yusuf Ismaaciil Cali.

blankTibaaxuhu waxay intaas ku dareen in arrimaha uu Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay masuuliyiintaas ku taxaluuqaan waxa laga yeelayo ururradii siyaasadda ee diiwaangelinta ku hadhay ee weli hadhi la’ ee dacwaddu dhan ka ah gudiga diiwaangelinta ururadu uga socdaan. Gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasada Somaliland oo dacwadan ururadu ku socoto, ayaan iyagu ka soo hor muuqan maxkamadaha sare hase yeeshee uu difaacooda geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay garyaqaanka Guud ee Dawladda Ibraahin Iidle Saleebaan.

Xogaha waxa ay tibaaxayaan in madaxweyne Siilaanyo faray labadaas masuul in dacwooyinka ururrada la reebay wadaan barbar kale loo rogo, ururradana mid mid loo wajaho oo mid walba gaarkii loola kulmo, oo mid walba lagu dirqiyo inuu si hoose ahaaneed u soo dalbado wixii kharaashaad ka fursan-waa ah ama muuqday ee kaga baxay ololihii madax-taabashada kunka qof.

Warku waxa uu intaas ku duray in madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday masuuliyiintan garsoorka inay si degdeg ah uga baarandegaan sidii loo maareyn lahaa xujada ururada, haseyeeshee lama caddayn xaddiga kharaashaadka loo celinayo masuuliyiinta ururrada hadhay.

Dhinaca kale waxaa jira shan urur siyaasadeed kale oo ku hadhay diiwaan-gelinta oo qaarkoodna ururradii guddiga diiwaangelintu ansixiyeen ku biiray qaarkoodna weli ka dhur-sugayaan halka ay ku dambayso iyo natiijada ka soo baxda dacwadda afarta urur ee Jamhuuriga, NDB, Horyaal iyo UDHIS u gudbiyeen maxakamada sare.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories