HomeMadaxtooyada Somaliland oo Tacsiyaysay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Nool

Madaxtooyada Somaliland oo Tacsiyaysay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo Nool

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa tacsi u dirtay Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo safar shaqo ku joogta magaalada London ee dalka Ingiriiska oo gelinkii hore ee maanta la soo weriyey inay geeriyootay balse haatan nool kuna jirta cisbitaal ku yaalla magaaladaas oo ay xaalad caafimaad ugu jirto.

blankXildhibaan Cibaado oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Gabiley, ayaa ka mid ahayd wefti uu hoggaaminayey Maayarka magaalada Gabiley oo socdaal shaqo ku tagay dalka Ingiriiska iyagoo ku soo beegmay xilli uu dalkaas ku faafay xannuunka Coronavirus. Haseyeeshee, maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Amiin Cumar ayaa isagu dalka ku soo laabtay maalmo ka hor intii aan dalka Ingiriiska lagaga dhawaaqin xaaladda deg-degga ah ee lagu joojiyey duullimaadyada diyaaradaha.

Haddaba, war-saxaafadeed gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha Somaliland oo lagu faafiyey dhambaal tacsi ah oo madaxweynaha Somaliland u diray Xildhibaan Cibaado, ayaa u qornayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/04/2020, dalka Ingiriiska.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golayaasha degaanka ee dalka, gaar ahaana golaha deegaanka ee gabiley oo marxuumadu ka mid ahayd, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska reer Maax Cilmi, meel ay kala joogaanba.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Xildhibaan Cibaado ayaa xaalad caafimaad u jiifta cusbitaal ku yaalla magaalada London, iyadoo wararku sheegeen inay la il-daran tahay Caabuqa Coronavirus.

Qaar ka mid ah Ehellada iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo ku sugan magaalada London oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay, ayaa xaqiijiyey inay nooshahay isla markaana xaaladdeeda caafimaad fiican tahay Xildhibaan Cibaado. Waxa ay sheegeen in sababta uu u soo baxay warka qaldan ee geeridu ahayd kaddib markii  subaxnimadii saaka uu la soo hadlay maamulka cisbitaalka, kuna war-geliyey inay geeriyootay, balse markii dambe ee ay cusbitaalka tageen la ogaaday in lagu qalday Qof haweenay ah oo Muslim ah oo Cusbitaalka ku geeriyooday.

Dhanka kale, suxufi lagu magacaabo Nimcaan Dheeg oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska isla markaana ahaan jiray Weriye warbaahinta Qaranka uga soo warrami jiray Gobolka Gabiley, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku xaqiijiyey inay nooshahay Xildhibaan Cibaado Cilmi xaaladdeeda caafimaadna wanaagsan tahay.


Si kastaba ha ahaatee, Maaha markii u horeysay ee sidan oo kale dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland loo diray qof nool oo loo qaatay inuu geeriyooday, waxaanay tallaabadani muujinaysaa deg-deg iyo hubsiimo la’aan ka jirta waaxda warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories