HomeMadaxtooyada Somaliland oo sannadkan ka baaqsatay Xafladda dabbaal-degga Xuska 18 May

Madaxtooyada Somaliland oo sannadkan ka baaqsatay Xafladda dabbaal-degga Xuska 18 May

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

qaqaHargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa sannadkan Hakisay Munaasibad loogu dabbaal-dego Xuska maalinta Madax-bannaanida Somaliland ee 18-May oo habeenka ka dambeeya maalintan lagu qabto Aqalka madaxtooyada oo ay ka soo qayb-galaan madaxda dalka ugu sarreysa iyo dadweyne lagu marti-qaado, halkaas oo lagu soo bandhigo masrixiyad suugaaneed iyo madadaalo lagaga hadlo qiimaha maalintani u leedahay Qaranimada Somaliland.

Munaasibadda lagu qabto Aqalka madaxtooyada ee lagu weyneeyo maalinta oo si toos ah looga baahiyo Telefishanka Qaranka iyo telefishannada gaarka loo leeyahay qaarkood, ayaa ka sokow Riwaayadaha iyo Suugaanta lagu soo bandhigo, waxa hadallo kooban oo dabbaal-degga maalintan xambaarsan ka jeediya madaxweynaha Somaliland oo shacabka fariin uga dira isla markaana ku hambalyeeya maalintan.

Tallaabadan oo noqonaysa markii u horeysay ee Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka baaqsato in Munaasibaddan lagu qabto Aqalka madaxtooyada, ayaan la garanayn sababta keentay iyo waxa kallifay toona, haseyeeshee, waxa ay madaxtooyadu taas beddelkeeda u xil-saartay wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka gaar  ahaan Waaxdeeda Dhaqanka oo ay hoos-yimaaddaan bahda Fanka ee dowliga ah, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku mashquulsanaa diyaarinta masrixiyado xambaarsan suugaan ka tarjumaysa maalintan iyo Qiimaha ay Qaranka u leedahay.

Bahda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa shalay ilaa maanta ku mashquulsanaa diyaarinta Riwaayado ay ku qabteen xarunta wasaaradda Warfaafinta, kuwaas oo loogu talo-galay in laga baahiyo telefishanka qaranka Habeenka Salaasadu soo galayso, iyadoo dabaaal-degga maalinta 18-May ku beegan tahay maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda. Barnaamijyada diyaarintooda ay ku hawlan yihiin Shaqaalaha telefishanka Qaranka iyo Bahda Fanka ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa loogu talo-galay in baahintooda la sii daayo telefishanka Qaranka isla markaana ay beddel u noqdaan Munaasibaddii lagu qaban-jiray Aqalka Madaxtooyada habeen oo kale.

Tallaabadan, ayaa noqonaysa markii u horeysay muddo-xileedka Shanta Sanno ku dhow ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka baaqsato inay munaasibadda weynaynta maalintan ku qabato Aqalka madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories