HomeMadaxtooyada Somaliland oo maamuus sare ku qaabishay Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress

Madaxtooyada Somaliland oo maamuus sare ku qaabishay Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland ayaa saaka si meeqaam sare ah qasriga madaxtooyada ugu qaabbilay Mulkiilaha Shabakadda Wararka ee Somalilandpress.com Maxamed Ibraahim Guuleed oo socdaal hawleed ku ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay Mulkiilaha Shabakadda Somalilandpress.com Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Xaaji Cali Xasan,oo ay wehelinayeen Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa uga mahad-celiyey Mulkiilaha shabakadda wararka Internet-ka Somalilandpress.com oo Luuqadda Ingiriisida wax ku qorta, hawsha qaran ee ay hayso iyo weliba horumarka ay dalka gaadhsiiyey muddadii ay jirtey.
“Somalilandpress.com waa biriijka Somaliland iyo caalamka isku xidha ee ay wararka dalka ka qaataan, waxaanad gudatey xil ku saaran oo Qaran, waayo? Qofkasta oo muwaaddin ah waxa saaran xil-qaran oo ka saaran dalkiisa, dadkiisa iyo horumarintooda.”Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Md. Wasiir Xirsi waxa uu ku boorriyey Maxamed Guuleed inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado oo uu ka midho-dhaliyo himilada Qarankiisa iyo tiisa gaarka ah-ba. Wasiir Xirsi oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Annagu waannu ku og-nahay heerka iyo sumcadda aad waddanka gaadhsiisey, weligaana lagu illaabi-maayo adiga iyo inta kula midka ah.”
Mulkiilaha Shabakadda Wararka luuqadda Afka Ingiriisga lagu qoro ee Somaliland Maxamed Ibraahim Guuleed, ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qaabbilaad heer sare ah ku qaabbilaan Masuuliyiinta dawladda Somaliland, gaar ahaan Madaxtooyada dalka looga taliyo.
Md. Maxamed Guuleed waxa uu ka sheekeeyey horumarka ay ku tallaabsatey muddaddii ay jirtey Somalilandpress.com, isaga oo xusay inuu caalamku wararka iyo xogta Somaliland oo ku qoran Luuqadda caalamiga ah ee Ingiriisida ka helaan. “Wararka aannu turjunno waxa naga xigta Website-yada iyo Joornaallada ka soo baxa dalka Mareykanka ee daneynaya Somaliland. Waxaan hadh iyo habeen aniga iyo inta ila shaqeysaa ku hawlannahay tebinta wararka Somaliland oo ah warar xaqiiqada ku saleysan oo lagu kalsoon-yahay,”ayuu yidhi Maxamed.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inuu imika ku hawlan yahay heerka ay imika marayaan inay kor uga sii qaadaan, isaga oo ku dooday inay arrimo baddan ku soo kordhin doonaan.

Shabakadda Somalilandpress.com ayaa ah Shabakad caalami ah oo wax ku qorta Luuqadda Ingiriisida, isla markaana ah Shabakaddii ugu horreysay ee Muwaaddin reer Somaliland ahi leeyahay ee Luuqadda Ingiriisida wax ku qorta, taasoo meesha ka saartay warar been abuur iyo borobagaando u badan oo ay Somaliland ka tebin jireen Shabakadaha Ingiriisida wax ku qora ee gacanta ugu jira shakhsiyaad Somaliland iyo Qaddiyaddeeda ka soo horjeeda.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories