HomeMadaxtooyada Somaliland oo ka hadashay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo tuhunno shaki ka...

Madaxtooyada Somaliland oo ka hadashay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo tuhunno shaki ka muujiyey inuu Mar labaad Tartami karo bulshadu shaki ka muujisay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dareen-celisay in warar lagu sheegay inaanu madaxweyne Siilaanyo diyaar u ahayn inuu mar kale u tartamo kursiga madaxtinimada dalka ee muddo-xileedkiisu gabaabsiga yahay isla markaana uu doorashada soo socota u tanaasulay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada iyo Xisbiga Kulmiye, sida warbaahinta dalka qaarkeed lagu baahiyey maanta.

madaxtooyada (1)Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo u taagan yahay una sharaxan yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka 2015-ka, waxaanu been cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warka arrintan la xidhiidha ee la baahiyey saxaafadda dalka.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa warka maanta ay daabaceen wargeysyada Ogaal iyo Geeska Afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharraxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan shabakadda Gudgudenews, isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa caddadyadoodii maanta oo ay warkan ku daabaceen, waxa ay ku sheegeen in madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay loolanka madaxtinimada ee doorashada soo socota isla markaana uu diyaarinayo siyaasigii ku habboonaan lahaa beddelkiisa ee sannadka soo socda doorashada madaxtooyada u meteli lahaa xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ay Wargeysyadu ka magacaabeen Wasiirro ka tirsan xukuumadda Siilaanyo iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories