HomeMadaxtooyada Somaliland oo iska fogeysay gacan-saar ka dhexeeya Urur-siyaasadeedka WADDANI

Madaxtooyada Somaliland oo iska fogeysay gacan-saar ka dhexeeya Urur-siyaasadeedka WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa iska fogeysay wax gacan saar ah oo ka dhexeeya urur-siyaasadeedka WADDANI ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Afhayeenka Madaxtoodayada Somaliland. Axmed Maxamed Saleebaan (Dhuxul), wax aan sal iyo iyo raadtoona lahayn hadallo ka soo yeedhay gudoomiye xigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ku sheegay inay xubno wasiirro ka tirsan xukuumaddu ay dabada ka riixayaan ururka WADANI

blankAfhayeenka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in wasiirrada xukuumadu ku mushquulsan yihiin hagida iyo fulinta xilalka wasaaradaha dalka ee uu Madaxweynuhu u igmaday.

“Runtii waxaan doonayaa inaan jawaab kooban ka bixiyo hadalo aan sal laheyn oo beryahan ku soo baxayey warbahinta qaarkood oo lagu sheegay in xubno ka mida wasiirrada xukuumada hawl aanay ku jirin la doonayo in lagu shaan-badeeyo,arrintaasi oo ah sal iyo raadtoona lahayn,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu markii uu tallada dalka la wareegay fuliyay inuu balaadhiyo saaxadda siyaasada isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Madaxweynaha Somaliland markii uu talladda dalka ku guulaystay waxa uu fuliyay mid ka mid ah balamihii uu ummadda u qaaday oo ahayd in la balaadhiyo saaxadda siyaasadda. Waxaanu furay ururada siyaasadda. Taasina waxay noqotay mid lagu guulaystay.”

Mr. Dhuxul oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa dhacday in gudoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Muj.Cali Maxamed Yuusuf uu beryahan warar uu warbaahinta siinayey ahaayeen xubno wasiirro ah ayaa dabada ka riixaya urur siyaasadeedka WADANI, marka hore waxaa leeyahay musuuliyiintaas wasiirrada ah jid dheer oo mucaaradnimo ah way soo mareen, sabab ay dib ugu noqdaan mucaarid dambe oo ah raadkii ay shalay ay ka yimaadeen sabab dib ay ugu noqdaan mataalo.”

“Waxaanay wasiirradu ku mashquulsan yihiin taa Cali sheegay mid ka duwan oo ah hagida iyo fulinta siyaasada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sidii looga midho dhalinlahaa,”ayuu intaasi raaciyay.

Afhayeenka madaxtooyda Mr. Dhuxul, waxa sheegay inay xukuumada u siman yihiin isla markaana aanay kala xigtaysanayn dhamaan xisbiyada iyo ururda dalka ka jira, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Xukuumadda ururada iyo xisbiyadda mucaaridka ahi way u siman yihiin aragti isku mid ah ayaanan ka qabnaa oo waxaanu u naqaanaa xisbiyo iyo ururo mucaarid ah. Ururka WADDANI ee la sheegayaana waa mucaarid kuwa kalena waa mucaarid. Haddii axsaabta qaarkood ay wax ka qabaan sharci ahaan inuu Guddoomiyaha Wakiiladdu isku hayo laba xil, waxa haboonayd oo daw ahayd inay maraan dariiqa sharciga ah iyo maxkamadaha. Laakiin sabab ay xukuumaddu u taageeri kartaa ma jirto.”

Afhayeenku waxa uu duray siyaasada Cali Guray, waxaanu yidhi “Cali Guray hore waxa uu u ahaa Xisbiga KULMIYE gabo-gabadii guushiina wuu ka baxay oo wuxuu galay UDUB waana laga guulaystay. Ka dibna UDUB-na wuu ka sii baxay oo UCID ayuu galay, UCID-na inuu sii dhaafo waa laga yaabaa. Markaa waxaan leenahay Cali Guray xukuumadda iyo Wasiirradu hawl sidaad u fulayso ka weyn ayay ku jiraan. Qarankani maanta waxa uu u baahan yahay hiilimaad iyo horumarin ayuu u baahan yahay. Waxay maanta xukuumaddu ka fikiraysaa sidii ay waxqabad shacbigu ku naaloodo inay hirgaliyaan. Labadii sanadood ee xukuumaddani xilka haysay wixii u qabsoomay shacbiga Somaliland way ka dheregsan yihiin.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories