HomeMadaxtooyada Somaliland oo Hadallo Cadho ka muuqato ugu Jawaabtay Labada Xisbi Mucaarad

Madaxtooyada Somaliland oo Hadallo Cadho ka muuqato ugu Jawaabtay Labada Xisbi Mucaarad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadallo ay culayskooda qaadi kari weyday oo ka soo baxay xisbiyada mucaaradka oo ka hadlay Heshiiska Dekedda Berbera iyo Arrimo kale.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo jawaab u ah hadallada labada xisbi mucaarad ayaa u qornaa sidan:-

Madaxtooyada-SLN“Madaxweynaha JSL meel uu ku siiyey raalli-galin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID haba yaraatee ma jirto. Balse Xoghayaha Madaxweynaha JSL ayaa uu u gudbiyey lifaaq ah jawaab celin ku saabsan raalli-galinta Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabbuuti, kaddib markii Safiirka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ay hadallo isku mariyeen warbaahinta. Qoraalka ka soo baxay Xoghayaha Madaxweynaha JSL waxa uu u dhignaa sidan:

 Mudane Guddoomiye:

 

Aniga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si sharaf iyo qaddarin leh kuula socodsiinayaa in uu Madaxweynuhu helay qoraalka summaddiisu tahay REF/UCID/XDH/428/2018, kuna taariikhaysnnaa 01/03/2018, ujeeddadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.

 

Waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo arrintaa ku saabsan la yeeshay Wakiilka, waxaana uu kaaga mahadcelinayaa sida waayeelnimada leh ee aad ugu soo gudbisay dareenkaaga ku aadanaa hadalladii Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.

 

Sidaa darteed, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalka halkan ku lifaaqan ee raalli-gelinta ah ee uu kuu soo qoray Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabbuuti.”

Waxa nasiib darro ah in Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID kula kaco Madaxweynaha JSL been abuur iyo wanjal aan ku habboonayn mas’uuliyiinta xurmada iyo qaddarinta innaga mudan. Qoraalka loo diray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamayey oo kaliya in warqaddii cabashada ahayd ee Xisbiga UCID soo gaadhay Madaxweynaha, isla markaana halkan loogu soo lifaaqay qoraal kale oo uu soo qoray Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti.

Marka horeba hadalka ka soo baxay Wakiilka JSL u fadhiya dalka Jabbuuti ma uu ahayn hadal laf-jab ah oo mudan in laga bixiyo raalli-gelin, , balse si loo dhawro dareenka masuuliyiinta axsaabta qaranka, ayaa Madaxweynuhu ka dalbaday Dan-jiraha kaddib markuu la kulmay in uu qoraal ugu jawaabo Guddoomiyaha Xisbiga, sida uu ula jeeday hadalkiisana ku caddeeyo, iyo in aan masuuliyiinta kala gaadhin hadallo muujinaya xanaf.

Siyaasadda Xukuumadda JSL waa in shucuubta iyo dalalka Geeska Afrika kuwada noolaadaan nabadgelyo, colaad la’aan, iyo daris-wanaag (Zero Conflict Policy). Cid kasta oo ka hor timaadda siyaasaddaas ku dhisan nabadgelyada, daris-wanaagga iyo isku-dulqaadashada, kuma matalaan Qarankan iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland midna. Balse waxa ay ku matalaan nafahooda oo kaliya.

Sidaas darteed, waxa aannu u soo jeedinaynnaa Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka ee caadaystay wax-ka-sheegga iyo hadallada dhiifta leh ee ka dhanka ah dalalka dariska ah ee aynu leennahay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi, sida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabbuuti, in ay ka waan-toobaan arrintan.

 Jamhuuriyadda Jabbuuti waa dal ay darisnimo iyo walaalnimo innaga dhaxayso. Shacabka iyo Dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti midna ma mudna af-xumo iyo hadallo aan qaban oo loo mariyo warbaahinta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in mad-madow ku jiro Heshiiska DP World. Waxa kale oo uu sheegay in ummadda loo caddeeyo Heshiisyada ay Xukuumaddu galayso.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxaanu xasuusinaynnaa in Heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka JSL siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawlado, shirkado ama ururro caalami ah. Isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan.

Sida uu dhigayo Dastuurka JSL, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu qiray maanta, Xukuumadda JSL waxa ay awood u leedahay wax-ka-beddelka iyo kaabista heshiisyada, haddii ay u aragto in ay ku jirto dan Qaran. Intaas kaddib ayay marisaa Xukuumaddu Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka.

Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaanu leennahay, “Baroortu orgiga ka weyn, ee onkodoow, xeeshaa dhac”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories