HomeMadaxtooyada oo Xisbiyada Mucaaradka dusha u saartay masuuliyadda Rabshadihii dhimashada iyo...

Madaxtooyada oo Xisbiyada Mucaaradka dusha u saartay masuuliyadda Rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee maanta ka dhacay Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadashay bannaan-bax rabshado khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ka dhasheen oo maanta ka dhacay magaalada Gabiley ee gobolka Awdal, waxaanay masuuliyadda rabshadaas dusha ka saartay Xisbiyada mucaaradku inay ka dambeeyeen.

Bannaan-baxa rabshadaha watay ee ka dhacay Gabiley, ayaa ka dhashay ka dib markii Arbacadii todobaadkii hore Askari ka tirsan ciidanka Qaranku uu magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle ku dilay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsanaa, kuwaas oo midkood u dhashay degmada Gabiley, halka dhagar-qabaha dilka foosha xun geystay uu deegaan ahaan u dhashay degmada Qorulugud.

madaxtooyada (1)Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka xun tahay dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay mudaharaadkaas, haseyeeshee waxa uu masuuliyadda fidmadaasi ku eedeeyey dad dano gaar ah leh oo bulshada ku faafiyay warar been abuur ah oo sheegayay in askarigii habeen hore dilay labada sarkaal ee ciidanka qaranka ka tirsanaa inta la qabtay la sii daayay.

“Waxaanu ka xun nahay khasaaraha iyo dhaawacyadda soo gaadhay illaa toddoba qof oo shicib ah oo dhaawacyo fududi soo gaadheen iyo illaa saddex askari oo boolis ah oo dhaawacyo iyo nabarro ka soo gaadheen dhagaxaantii lala dhacayay ciidanka. Runtii dad fidmo abuur ah oo danno gaar ah leh ayaa warar been abuur ah ku faafiyay dadweynaha oo sheegay in ninkii askariga ahaa ee labada sarkaal ku dilay Qori-lugud inta la qabtay haddana la sii daayay. Waxaan leeyahay arrintaasi waa been iyo waxba kama jiraan ay dad warxumo tashiil ah oo la baadhayaa ay dadweynaha ku marin habaabiyeen,” ayuu Yidhi afhayeenka madaxtooyada oo ka mid ah masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Gabiley oo Dejinta rabshadaha dhacay u tagay gobolkaas.

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay labadii sarkaal ee lagu dilay qori-lugud ay ahaayeen laba masuul oo ka dhintay qaranka Somaliland ee ay u shaqaynayeen, waxaanu yidhi, “labadii sarkaal ee la dilay ma aha laba qof oo shicib ah oo ka baxay beelo ee waxay ahaayeen laba sarkaal oo ka geeriyooday dawladda Somaliland waa in arrinta sidaas loo fahmaa.”

Axmed Saleebaan Dhuxul oo Khadka Telefonka ugu warramayey wariye ka tirsan shabakadda Gudgudenews.com isaga oo ku sugan magaalada Gabiley, waxa uu yidhi, “Xukuumadda Somaliland way u tacsiyadeysay labadii qoys ee ay ka baxeen labadii sarkaal waxaanay xukuumaddu qoysaskaasi la wadaagtay geerida waxaanay balan qaaday in askarigii dilay meel kasta oo uu galo gacanta lagu soo dhigi doono si sharciga loo horkjeeno.”

Mar uu ka hadlayey cidda masuuliyadda rabshadahaas ay xukuumad ahaa ku tuhmayaan, waxa uu intaas u daray, “Jamaal Cali Xuseen waxa uu si cad ugu badheedhay inuu fidmo hor leh ka dhaliyo gobolka Gabiley, waxaana ayaan darro ah in ninka sheeganaya inuu doonayo mansab madaxweyne uu afkiisa ka yidhaahdo wax aan jirin oo xaalad abuur ah, waxa uu Jamaal yidhi askarigii labada sarkaal dilay waa la sii daayay oo baabuur ayaa la siiyay. Ninkaasi waxa uu si badheedh ah u doonayaa inuu nabad-gelyo darro ka abuuro dalka. Waxaanan beeninaynaa warka uu sheegay ah in la sii daayay askarigaasi. Xukuumaddu iyadaa Jamaal ka jeclayd labadan sarkaal ee wadankooda u shaqeynayay, waxaanan shacbiga u soo jeedinayaa inaanay dheg u dhigin hadaladda naxli abuurka iyo kicinta ah ee Jamaal Cali Xuseen ka soo yeedhay,” ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories