HomeMadaxtooyada Oo ka Jawaabtay Eedo uga Yimid WADDANI Iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka

Madaxtooyada Oo ka Jawaabtay Eedo uga Yimid WADDANI Iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost) – Madaxtooyada Somaliland, ayaa difaacday safarkii madaxweynaha iyo weedhihii madaxweynuhu ka yidhi madaarka Cigaal, kadib markii xoghayaha warfaafinta Waddani naqdiyay socdaalka iyo hadalka Madaxweynaha “Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay safarkii madaxweynuhu wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo qaranka waxtar u ah,  waxaanu ahaa safar rasmi ah, guulna ku soo dhammaaday,”Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

 

 

Afhayeenku isagoo la hadlayay xisbiga WADDANI waxa uu yidhi “Waxaase la yaab leh in markii uu madaxweynuhu soo noqday, garoonka diyaaradaha ayuu ka hadlay, hadalkiisuna wuxuu la xidhiidhay  sida caadiga ah  marba munaasibadda la jooggo ayuun baa laga hadlaa, waxaanu madaxweynuhu ka hadlay safarkii uu ku soo maray  dalalka  Ireland, Britain iyo imaaraadka carabta. Af-hayeenka xisbiga Waddani wuxuu yidhi madaxweynuhu dadkii ayuu la hadli kari waayay, waa nasiib darro in mucaaridnimadda laga dhigo in wixii afkaaga ku soo dhacaba aad la sare joogsato.

 

 

Waxaanan leeyahay haddii aad u haysataan in madaxweynuhu uu xisbiga Kulmiye oo keliya madaxweyne u yahay, sidaas ma aha, ee waxa uu madaxweyne u yahay xisbiga Waddani ee aad ka hadlaysaan, xisbiga UCID ayuu madaxweyne u yahay, qaranka Somaliland oo dhan-na madaxweyne ayuu u yahay.  Marka madaxweynaha lala hadlayana waa in lagula hadlaa af-asluub leh, oo waxtari karra.”

 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul, oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani waxaanu leenahay Kulmiye wuu heshiiyay,  laakiin idinku barnaamijkiinii siyaasadeed ee aad ugu tallo gasheen in aad tartanka kaga qayb gashaan ummadda u soo bandhiga. Weli may dhicin in xisbiga Waddani barnaamijkiisa uu soo bandhigo, balse barnaamijkiisii wuxuu noqday naqdin iyo hadalo af-lagaado ah oo uu madaxweynaha iyo xukuumadiisa u jeediyo. Midda kale marka wax la dhaliilayo, waxaa la naqdiyaa nidaamka maamul, hase yeeshee shaqsi waxba lagama sheego, waayo waxay si fool xun wax uga sheegayeen  madaxweynaha qaranka. Markaa waxaan leeyahay xisbiga Waddani dawladnimadu sidaas ku dhismi mayso, oo  madaxweynaha qaranka Somaliland  inta uu dalka maalin qudha u qabtay, haddii uu Waddani dhammaantii isku-wada tagtaan kuwiinan wax ka sheegayaa, weligiin u qaban maysaan.”

 

 

Dhinaca kale, Af-hayeenka madaxweynaha waxa  uu ka hadlay  haamaha shiidaalka Berbera oo ay dhawaan xukuumadu ku wareejisay shirkaddo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo sidoo kale  xaaladda ka taagan magaaladda Berbera. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda oo ka soo jeedda gobolka Saaxil, oo caawa (xalay) warbaahinta ka hadlayay oo yidhi xukuumadu nabadgeliyo darro ayay ka wadaa Saaxil,   waxaan leeyahay xildhibaankaasi dawladu nabadgeliyo darro ma waddo, balse iyada ayaa nabadgeliyadda ilaalisa, haddii aad ummadda reer Saaxil wakiil ka tahay sida aad u turjumatay ma aha, waxa wanaagsan ee bulshadda Saaxil lala doonayo, iyo horumarka laga doonayo ayaad wax ku darsan lahayd.

 

 

 

Waana nasiib darro in ninkaasi xildhibaanka ahi, uu sidaas u hadlo, oo uu umadda sidaas u kala geeyo, oo uu reer Berbera kiciyo aad baan uga xumahay. Dawladuna awoodaha ay leedahay ayay shacabkeedda ugu talinaysaa, kuwaasi oo ah kuwii ay ugu hiiliyeen markii ay codka siiyeen. Kana tegi mayso ee hawlaha iyo waajibaadka ay u xil-saaran tahay way qabanaysaa. Taasi cidna waydiin mayso oo waa waxyaabaha uu dastuurku awoodaha u siiyay. Shacabkeedana way u tudhaysaa, wixii dalka iyo dadkeedaba cadow ku ahna way ka difaacaysaa.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories