HomeMadaxtooyada oo iska fogaysay Eedaymo loogu jeediyey Taageerada Urur-siyaasadeeddo gaar...

Madaxtooyada oo iska fogaysay Eedaymo loogu jeediyey Taageerada Urur-siyaasadeeddo gaar ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horreysay iska fogaysay eedaymo loogu soo jeediyey inay daaha dabadiisa ka hagayso furitaanka Ururro siyaasadeed oo maal-gelintooda ay leeyihiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Somaliland.

blank
Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda Madaxtooyada

Warsaxaafadeedkan madaxtooyadu isku difaacayso oo uu ku saxeexan yahay Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Md. Bashiir Cabdi Xariir (Gabbad), waxa lagu sheegay inaanay xukuumaddu wax taageero ah ku lahayn furintaanka Ururrada siyaasadeed ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka lagaga dhawaaqayay.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Ma jirto Ururo siyaasadeed oo ay Madaxtooyada Somaliland si gaara u taageerayso Furitaankooda sida ku soo baxday Saxaafada Qaarkeed  Wararkaasi sal iyo Raatoona malaha

Xukuumada way usiman yihiin ururada cusub  ee hada la furayaa, sidii ay xukuumadu horeba u balan qaaday, waxaanay halkan ku beeninaysaa  hadalada Mala’awaalka ah ee umada lagu jaho -wareerinayo ee ku saabsan in xukuumadu gacansaar la leedahay Ururada qaar kood.

Waxa aan cidna ka qarsoonayn in ay xukuumadu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee kulmiye oo aanay u baahnayn xisbi / urur kale oo ay ku tiirsato.

Weftigii Xukuumada ee Dhawaan Burco tegay oo aan ka mid ahaa  waxa ay hawshoodu ahayd ka qaybgalka Munaasibada Ciidal Od-xa oo  ay bulshadooda Gobolka Tog-dheer kala qayb galeen , manay jirin cid ku lug leh hawlo ururo siyaasadeed oo ay la kulmeen ama Xaflado ay ka qayb galeen.

Waxanan umada uga digayaa in aanay u dhegtaagin wararka aan la hubsan  ee ay baahiyeen saxaafada qaarkood oo aan ka fiirsan hadalada waxyeeli kara Mil-gaha Saxaafu lahaan jirtay, oo Meel ka dhac iyo cebayna ku ah Masuuliyiinta  qaranka  xilka u haya Umadoodana u adeegaya.”

Bashiir Cabdi Xariir

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka

Goleyaasha iyo Dadweynaha ee Madaxtooyadda JSL.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories