HomeMadaxtooyada Oo Go’aansatay Inaanu Madaxweyne Siilaanyo Mar Kale Jawaab Kale U Qorin...

Madaxtooyada Oo Go’aansatay Inaanu Madaxweyne Siilaanyo Mar Kale Jawaab Kale U Qorin Guddoomiye Cirro Iyo Qodob Kale Oo Ay Uga Wareegtay Burinta Go’aankii Golaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Madaxtooyada Somaliland ayaa qorshaysay inay weji kale uga wareegto jawaabta ay ka  bixinayso dhambaal uu guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cirro dib ugu celiyay Madaxweyne Siilaanyo, oo isaguna hore ugu soo celiyay go’aan ay golaha wakiiladu ka gaadheen kiraynta iyo wareejinta haamaha shidaalka Berbera. Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay qorshaysay inaanu Madaxweyne Siilaanyo mar kale dib ugu celin guddoomiye Cirro qoraal jawaab celin ah, waxaanay doorkan madaxtooyadu ciyaaraysaa kaadh kale oo ah in xildhibaanada taageersani mooshin geeyaan golaha wakiilada.

Markaas ka dib xildhibaanada muxaafidka ah ee golaha wakiilada ayaa diyaariyay mooshin ay doonayaan inay ku soo celiyeen go’aankii ay golaha wakiiladu ka gaadheen wareejinta haamaha shidaalka Berbera. Xildhibaanada muxaafidka ah ayaa la filayaa inay maanta guddoomiyaha golaha wakiilada u gudbiyaan mooshin ay saxeexeen oo ay ku dalbanayaan in dib loogu noqdo go’aankaas ay golaha wakiladu hore uga gaadheen haamaha shidaalkaas, kaas oo si adag uga cadhaysiiyay xukuumadda iyo taageerayaasheedaba.

Mooshinkan maanta la gudbinayo waxa saxeexay tiro xildhibaano ah oo gaadhaya 40 mudane. Xildhibaanada muxaafidka ah ayaa la sheegay inay diyaarsadeen tirada lagu gudbin karo mooshin, lamase garanayo sida uu sharciyan ugu suurtogeli karo, maadaama oo uu go’aankaas hore ahaa go’aan uu golaha wakiiladu gaadhay.

Waxase la saadaalinayaa inuu mar dambe golaha wakiilada ruxi doono loolan awoodeed iyo siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan-cirro, kaas oo soo noolayn doona uun muranadii siyaasiga ahaa ee dalka iyo bulshadaba wareeriyay.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories