HomeMadaxtooyada Oo Faahfaahisay Kulan saddex Geesood ah oo Dhex Maray Guddida Taakulaynta...

Madaxtooyada Oo Faahfaahisay Kulan saddex Geesood ah oo Dhex Maray Guddida Taakulaynta Abaarta, Guddida 18 May Ee Ka Soo Kabashada Abaaraha Iyo Madax Ka Socday Hay’adaha Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay kulan maanta Qasriga madaxtooyada ku dhex maray labada guddi ee guddida taakulaynta abaarta, iyo guddida 18 May ee ka soo kabashada Abaaraha iyo madax ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay.

099A4874Kulanka oo ahaa kulan balaadhan oo laga hadlayey sidii loo midayn lahaa hawlgalada guddida ka soo kabashada abaarta iyo qorshayaasha Hay’adaha Qaramada Midoobay, isla markaana sare loogu qaadi lahaa wada shaqayntooda, ayaa waxa joogay xubno ka socday labadaasi guddi iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan.

Kulanka ayaa markii uu dhamaaday waxa ka hadlay najiitada ka soo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Axmed Xaashi Cabdi waxaanu yidhi, “Maanta waxa halkan madaxtooyada laba gudi ee taakulaynta abaaraha iyo guddida ka soo kabashada abaartu ay kulan la yeesheen saraakiil iyo madax sare oo ka socda Hay’adaha Qaramada middoobay, kuwaas oo inooga yimid Nairobi, markaa shirku waxa uu daaranaa iyaga qaybtooda ka aadan arrimha ka soo kabashada abaarta iyo maadaama ay iyagu marka horeba barnaamijyo hayaan ay ku caawinayaan dadka, markaa in la mideeyo awoodaha waxqabashad ah iyo barnaamiyada ay iyagu wadaan iyo kuwa dawladda iyo guddida Taakulada ee 18 May ay wadaan, in laysku keeno in xidhiidhinta iyo wada-shaqaynta laysku soo dhaweeyo, in warka  iyo xogta lays dhaafsanayo la xoojiyo oo si joogto ah loo kulmo iyo in iyagu UN-tu maadaama oo ay hayaan khuburo inay inaga caawiyaan dhinaca la talinta, oo ay ina siiyaan khuburo wax ka qabta oo inaga caawiya dhaamamka la qodayo ee ku saabsan ka soo kabashada abaarta.”

099A4873Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena yidhi “Arrimahaas oo dhan si fiican ayaa layskugu afgartay, in la xoojiyo wada shaqyanta in barnaamijyadoodana ay kala mid dhigaan kuwa aynu doonayno iyo sida ay dawladdu  muhiimada u siisay, oo ay u jiheeyaan dhinacaas, waxana lagu heshiiyey in shir dambe laysku yimaado, oo ay wasaaradahii arrimhaas qaabilsanaa sida beeraha, caafimaadka, biyaha, deegaanka iyo qorshaynta oo aad looga wada hadlo sidoo arintaa loo xoojin lahaa, oo si wada-jir ah oo midaysan Dawladda Somaliland iyo qaramada midoobay isu kaashan lahaayeen dadkeena ay caawimadu gaadho iyada oo mid ah.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Xaashi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories