HomeMadaxtooyada oo Casho-sharaf ku maamuusay 790 Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa...

Madaxtooyada oo Casho-sharaf ku maamuusay 790 Arday oo ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa caawa munaasibad ku kulmiyey ku dhowaad siddeed boqol oo arday oo maanta ka qalin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa.

Casho-sharafta oo Wasiirku ku maamuusay 793 Arday oo ka qalin-jabiyey Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa caawa ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa noqonaysa xafladii Afraad ee wasiir Xirsi muddo laba biood gudahood ah u qabto in ka badan Saddex kuan oo arday oo ka qayb-galiyey Jaamacadaha Camuud ee Boorama iyo Admas, Gollis, ALPHA iyo UoH oo ku yaala Hargeysa.

DSC_0016Munaasibadda Casho-sharafta ah waxa ardayda kala qayb-galay Wasiirka Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa, waxaana ugu horeyn waxa Ardayda la hadlay Af-hayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo Ku dardaaray inay muujiyaan dedaal karti ay noloshooda iyo qarankooda uga faa’iideeyaan Cilmiga ay barteen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof Cabdi Gaas oo munaasibadda ka hadlay, ku Xukuumadda amaanay dadaalka ay ku horumarinayso waxbarashada iyo taakulaynta ay u fidiso Jaamacadda Hargeysa, isaga oo wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ku amaanay kaalinta uu ka qaato taageerada jaamacadda.

Wasiir ku-xigeenka Kalluumaysiga Somaliland oo ka mid ah dhalinyarada xilalka ka haya xukumadda madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey doorka dhalinyaradu ku leedahay hay’adda kala duwan ee dawladda oo ay xilal ka hayaan.

DSC_0054Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa ardayda ku dhiirigeliyey inay ilaashadaan dalkooda ay aqoonta ku barteen isaga oo ardayda dareensiiyey fursadda da’a yarta u heleen inay dalkooda wax ku bartaan. Waxa uu wasiirku dhalinyarada uga digay aafooyinka tahriibta iyo balwaduhu ka midka yihiin.

Sidoo kale, waxa halkaasi hadallo mahadnaq u badan ka soo jeediyey xubno ka tirsan ardayda qalin-jabisay oo uu ka mid yahay Sheekh Yuusuf iyo Prof. Aadan Xaaji Cali Shire oo ku hadlayey Afka Macalimiinta.

Ugu dambayntii, Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan oo gunaanadkii ka hadlay, ayaa ardaydan illaahay uga baryey inuu ka dhigo qaar aqoontooda ku anfica noloshooda iyo dalkooda. “Xukuumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay dhiirigalinta da’a yarta, annaga oo hadh iyo habeenba ay ku delaalayna sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinta,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

DSC_0005 DSC_0012 DSC_0020 DSC_0023 DSC_0028 DSC_0030 DSC_0033 DSC_0048 DSC_0052 DSC_0054 DSC_0060 DSC_0065 DSC_0068 DSC_0072 DSC_0074 DSC_0078 DSC_0087 DSC_0096 DSC_0101 DSC_0103 DSC_0109 DSC_0111 DSC_0125 DSC_0128 DSC_0133 DSC_0137 DSC_0145 DSC_0150 DSC_0167 DSC_0168

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories