HomeMadaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo Isu Dhiibay dawladda Soomaaliya

Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo Isu Dhiibay dawladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Soomaaliya (SLpost)- Madaxii sirdoonka maleeshiyaadka Al-Shabaab Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi oo hore Maraykanku madaxiisa u dhigay abaalmarin lacageed soo qabashadiisa aya ala sheegay inuu shalay isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ka hawlgala Gobolka Gedo.

AlshabaabSida lagu helayo wararka ka imaanaya gobolka Gedo, Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi iyo mid ka mid ah xoghayntiisa, ayaa la sheegay inay barqanimadii shalay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkan sare ee ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inuu isku soo dhiibaay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, ayaa wararka ku saabsan raaciyeen in laga soo kaxeeyey deegaanka ka baxsan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkaan, oo ahaa madaxii sirdoonka Al Shabaab ayaa sida wararka xaaladiisa la xidhiidha sheegayeen inuu muddooyinkii ugu dambeysay uu khilaaf xoogan u dhaxeeyey Amiirkii Mareykanku dilay ee Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), loona yaqaanay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Dowladda Mareykanka, ayaa bishii June ee sanadkii 2012-ka $3 Milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Sheekh Zakariye, iyadoo cidii nolol iyo geeriba ku keenta loo ballanqaaday in lacagtaas la siinayo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa la sheegay iney doonayaan in lagu wareejiyi sarkaalkaa, hase ahaate waxaa sida wararku sheegayaa diiday ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in loo qaado Muqdisho.

Horay waxaa dowladda Soomaaliya isugu soo dhiibay hogaamiyihii Alshabaab ee Puntland, Sheekh Maxamed Saciid (Atam), kasooo dhowr maalmood ka hor Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu ka saaray liiska dadka loogu yeero Argagixisada.

Dowladda Maraykanka 08 June, sannadkii 2012, u balan qaaday abaal marin lacageed oo gaadhaysa Malaayiin Dollar cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab.

Liiska ballanqaadka maraykanku duldhigeen madaxda ugu sareysay Shabaab ayuu ka mid ahaa, Sh.Zakariye Ismaaciil Axmed Xirsi, Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo loo balan qaaday ciddii soo sheegta halku ku sugan yahay aduun lacageed oo gaadhaysa 3-Milyan.

Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay ururka Al-shabaab sanadkii 2008, waana markii ugu horeysey ee uu Maraykanku lacag u balan qaado cidii keenta xog ku saabsan saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories