HomeMadaxii Goobjoogayaasha Caalamka oo Beeniyey Jiritaanka Xidhiidh RASMI oo u La Wadaago...

Madaxii Goobjoogayaasha Caalamka oo Beeniyey Jiritaanka Xidhiidh RASMI oo u La Wadaago Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Bandhiga Buugaagta midna.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga Mr Michael Walls ayaa shaaca ka qaaday inaanay jirin haba yaraatee wax xidhiidh gaar-ahaaneed ama qeyb uu ka yahay maamulka xarunta Xarunta Dhaqanka Hargeysa, iyo Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa.

michell wallsMr. Walls oo galabta waraysi gaar ah siiyey Telefishanka BulshoTv iyo Wargeyska Dawan ayaa sheegay inuu ka xun yahay soo hadalqaadka shirkii Gacanlibaax, isla markaana u noqotay cashar uu ka bartay Somaliland.

Caddeyn kooban oo u sheegay inuu ka bixinayo hadal uu kaga jawaabayey eedo hore loogu jeediyey, oo uu sheegay in sifo khaldan loo turjumay ayuu ku bilaabay hadalkiisa,

“Waa caadi markaad ka jawaabaysid eedo laguu jeediyey, in jawaabtaadu toos u khusayso cidda eedaha kuu soo jeediyey keliya. Waxay nagu eedeeyeen in dad aan ahayn Goobjoogayaasha Caalamigu soo xulayeen goobjoogeyaasha, waa war aan run ahayn; waxay sheegeen inay jireen danno-is-khilaafsan (conflict of interest), taasi waa been; taa cakiskeeda, waxaan ka shaqeynay inaan qof xidhiidh noocnaba la leh xisbiyada tartamayey qeyb ka noqdaan goobjoogeyaasha.”

Michael Walls ayaa sheegay in hadafkoodu ahaa inay ka jawaabaan eedahii loo jeediyey, taasoo uu sheegay inay xaq u lahaayeen, waxaanu yidhi,

“Haddafkayagu waxuu ahaa inaan ka jawaabno eedahii naloo jeediyey, taasoo aan hubo inaan xaq u lahayn, laakiin, xaqiiqdii qodobka aan doonayey inaan sii bayaamiyo intaa wuu ka balaadhnaa, maadama aan doorashooyin badan oo caaalamka ka dhacay qeyb ka soo ahaa, waxaan dhab ahaan u werwersanahay xaalada doorashooyinka Somaliland xilligan, sababtoo ah nidaamka Xisbiyada iyo wadciga qabaa’ilku islama jaanqaadi karaan, waana arrin xaqiiqdii ka jirta labada xisbi ee waaweyn. Wakhtiyadii hore xisbiyadaa deegaano balaadhan ayaa qeyb ka ahaa, balse wakhtigan taasi way soo koobmayaan, taasoo ka dhigan, waxaan ka hadlayaa labadaba KULMIYE iyo WADANNI, doorasho kasta way sii adkaanaysaa, xilliga doorashada marka qolo walba ku tartamayso saaxad kooban, dadkaasi waxay ku khasbanaanayaan inay wax walba ku guulaystaan ama wax walba ku khasaaraan. Taasi waa arrin halis ku ah doorashooyinka, sii jiritaankooduna, arrinka aan doonayey inaan bayaamiyo kaa weeye.

Mr Walls ayaa sheegay inaanay jirin sabab uu jawaabta eedaha loo jeediyey ula doonto madasha Buugaagta, isla markaana ahayd goobtuu ka jeedinayey warbixintii Doorashada halkuu ka jeediyey jawaabta eedahii loo jeediyey, waxaanu yidhi,

“Kama sheegin hadalkayga Bandhiga Carwada Buugaagta Hargeysa, waxaan ku baahiyey Hotel Ambassador, waxaan ku baahiyey xilkayga Madaxii Goobjoogeyaasha, wax shuqul ah aan ku leeyahay maamulka HIBF ma jiro, kuma jiro aasaasayaashii Carwada Buugaagta Hargeysa, kuma jiro guddiga fulinta ururada, weligayna qeyb kama ahayn, taasi iima diidayso inaan ka qeybgalo bandhiga buugaagta, ka qeybgalkeedu waa inay wanaagsan tahay, laakiin uma adeegsan hoy aan ka duulo.”

Hadalka ka dib su’aalo la weydiiyey ayaa u dhacay sidan:

Waxaad sheegtay inaanad wax shaqo ah ku lahayn Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo HIBF, ka waran Red Sea iyo Somaliland Focus?

Ha noqoto Xarunta Dhaqanka Hargeysa, Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta ama Red Sea Foundation, ma jiro xidhiidh rasmi aan wadaagno, kumana jiro golaha sare (Board). Waan taageeraa Bandhiga Buugaagta, waayo waa talaabo wanaagsan, sidoo kale Xarunta Dhaqanku waa wax wanaagsan waan taageeraa, waxa wanaagsan taageeridoodu maaha, qeyb ayaad ka tahay. Somaliland Focus waxa lagu sameeyey London waa mareeg wareed.

Maxaa keenay inaad shirkii Gacanlibaax soo dhexgeliso siyaasada, miyaanay u muuqanayn inaad faraha la gashay siyaasadii gudaha ee shacabka Somaliland, sidoo kale ma jiray kulan rasmi ah ood yeelateen Xisbiga Wadanni ka hor jawaabtaadii?

Waan la kulmay dad kala duwan oo xisbiyada ah, oo fahmay ujeedada jawaabtayda. Waxaan tilmaamay in muuqaalkii Baadigoob loola jeeday inuu fariin u diro shirka, marnaba maan odhan waxaa ka dambeeyey Qabiil hebel? Balse in xisbigu doonayey inuu fariin gaadhsiiyo shirka.

Eedaha laguu jeediyey ma suurtoobi karaan inay dhaawac  gaadhsiiyaan shaqooyinkaaga mustaqbalka ee Somaliland?

Hagaag, ma garan karo, aynu eego. Waxaan qabaa in hawl walba nidaamkeeda leedahay, ma jiro waxaan ka sii sheegi karo mustaqbalka. Waxaan rajaynayaa inaanay ku yeelan, shaqsiyan waxaan qalbi daacad  ah ku caddaynkaraa inaanu jirin cid aan u eexday iyo cid aan ka eexday. dantaydu waxay ahayd doorashada, dantaydu waxay ahayd horumarka mustaqbalka Somaliland, waxaan rajaynayaa inaanay wax saamayn ah ku yeelan dhinacna, laakiin, mustaqbalka lama sii odorosi karo.

Maxaa keenay werwerka aad wakhtigan ka muujisay nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinka Somaliland, mise waxa la odhan karaa waa mid ay keentay buuqii uu dhaliyey hadalkaagii?

Waa u sheegay hore, isla falgalka nidaamka qabiilka iyo doorashooyinka way iska horimaanayaan, marar kala duwan hore waan u sheegay wax cusub maaha, waana xaqiiq jirta, waa dhab maalmahii dhowaa hadaladu way bateen, laakiin, arrinkaa dhabtii igama keenin. Waxaan kuu sheegayaa hadii warkii aan sheegay aanu xaqiiq ahayn, dadku waxay odhan lahaayeen waa Ajaanib wax aan jirin sheegay, waana la ilaawi lahaa; hadii arrimaha aan ka hadlay aanay xaqiiq ahayn, xiisada ma kiciyeen, dad badan oo kalena eedo cusub ma soo jeediyeen. Ma odhanayo Somaliland way guuldaraysatay, waxaan doonayaa Somaliland guulaysata, laakiin, waa waajib I saaran inaan sheego sidaan wax u arko, ka khabiir ahaan.

Gebagebadii ma qoomamaynaysaa odhaahdaadii inaad shirkii Gacanlibaax ku xidhiidhiso siyaasada, ama raaligelin maka bixinaysaa?

Waxaan filayaa in casharkii aan ka bartay noqdo, weligaa Qabiilna ha magac-dhabin. Markaa waad magacowday miyaanay ahayn? Waa ka xumahay waan magacaabay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories