HomeMadaxdhaqameed Gaashaanka U Daruuray Qorshaha Turkiga ee Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxdhaqameed Gaashaanka U Daruuray Qorshaha Turkiga ee Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)- Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland ayaa ka hadlay shirka Turkigu qorsheeyay ee ah in madaxdhaqameedka Somaliland metelaan Somaliland wada hadalna la galaan madaxda dhaqanka Somalia.

Madaxdhaqameedkan ayaa ka sakow deedafaynta shirka Turkiga waxay deedafeeyeen hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xiiray oo ku hadla afka dhaqanka Somaliland, balse waxay sheegeen inaanu afkooda ku hadli Karin, maadaama aanay jirin madal bahda dhaqanku iskugu timid oo ay afhayeen kaga dhigatay  Suldaan Xiiray.

Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi  oo ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay inaanay ka qayb galayn wadahadalada labada dal.

“Maaha markii ugu horeysay ee uu Turkigu qadiyadan soo dhiraadhiriyo,halkan waxa noogu yimid wefti marka horeba qorshaha Turkigu lahaa oo Xassan Sheekh dabada ka waday nimankaa aan dawlada lahayn ee Amison ilaaliso”Suldaan Xassan.

Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi waxa uu sheegay inay qalad tahay in la is barbar dhigo Somaliland iyo Somaliya isla markaana ardaayo loo kala jajabiyo.

“Maaha in Somaliland oo qaran ah oo intaasi soo jirtay ardaayo loo eego marka horeba sharci maaha,shaqsi waxbaan ka hadlayaa leh oo madaxdhaqameed ayaan ahay leh ma jirto,meel aanu cid u wakiilanay ma jirto,meel Salaadiin iskugu timid oo ay cid u wakiilatay ma jirto” ayuu yidhi Suldaan Xassan Suldaan Cabdiraxmaan

Waxa iyaguna goobtaasi ka hadlay  Suldaan Sabayse, Boqor Raabi iyo hoggaan dhaqameedkale ayaa dhammaantoodba muujiyay in Turkigu ka dhan yahay qaddiyadda Somaliland, sidaasi darteedna aanay sinnayn Somaliland iyo Somalia.

Dawlada Turkiga ayaa wadda qorshe wada hadalkii Somaliya iyo Somaliland loogu wareejiyo Madaxdhaqameedka,iyadoo dhinaca kalena arintaasi Somaliland ku gacan saydhay.

Dhinaca kalena Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa ganafka ku dhuftay hadal haynta in Turkigu uu wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya u soo wareejinayo dhinaca madaxda dhaqanka ee labada dal, taas oo uu ku tilmaamay in aannay Somaliland ahaan aqbali doonin haddii xataa Caalamka oo idili isugu yimaado qaddiyada wada hadalka. Suldaanku waxaa uu qorshahan jiritaankiisa ku maseeyey dhacdo ku taxan sooyaalka colaaddo muddo hore dhex maray dadka Turkiyiinita ah iyo dawladaha carabta, taas oo uu wada hadalka Xamar iyo Hargeysa ku dhereriyey.

“Wallaahi waxaan u arkaa arrintaasi (wada hadalka madaxda dhaqanka Somaliland iyo Soomaaliya) arrin qaldan in ay tahay, sababtoo ah wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay quus ka gaadheen ayay damceen inay ku soo dhex noqdaan madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dee siyaasiyiin maaha, ee waa  waa niman dhaqan soo jireen ah haysta,” sidaasi ayuu yidhi Suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories