HomeMadaxda Wasaaradda Beeraha oo soo Kormeeray Dhul Beereed Ka Tirsan Gabiley

Madaxda Wasaaradda Beeraha oo soo Kormeeray Dhul Beereed Ka Tirsan Gabiley

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Gabiley(SLpost)-Wefti uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa maanta kormeer ku sameeyey xidhitaan iyo wax qabasho lagu sameeyey dhul beereed laago ku samaysmeen oo ku yaala deegaano hoos yimaada Gobolka Gabiley.

Weftiga Agaasimaha Guud hogaaminayey oo ay ka mid ahayeen Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha gobolka Gabiley ee Wasaaradda Beeraha C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Concern Worldwide.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha oo deegaanada beeralayda ah ee uu kormeerka ku sameeyey ka mid ahaayeen Botor, Geed Abeera, Ilinta/Guriga Cad iyo Sitiile ayaa waxa ay dadka deegaanku ka warameen noocan beer wax ka qabasho ee lagaga hortagayo nabaad guurka iyo dooxyo ka dhex dilaaca beeraha, kuwaasi oo ka bilaabma laago yar yar oo beerta ku samaysma.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay mahada ALLE ka dib u mahad celinayaan hay’adda Concern Worldwide oo ka taageertay wasaaradda wax ka qabashada beerahan, isla markaana xidhitaan laagaha beeraha ka samaysma iyo beerta oo nidaam casriya loogu diyaariyo biyo qabatinka ku samaysay beeraha deegaanadan.

“Waxaan halkan aad uga mahad celinayaa hay’adda Concern Worldwide oo geed abeera ilaa Bandiska oo aanu soo soconay ku samaysay wax ka qabasho oo halkan beero ayey ahaan jireen wax se looga guuray dil dilaacyo ay ku sameeyeen daadadku, imika se marka la qabtay waxa laga yaabaa inuu qofkii beertay ku soo noqdo” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha, Cabdilaahi Ismaaciil Faarax.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “Abaaro ayaa taagan cid kale u caban maynee ILAAHEY ayeynu u cabanaynaa oo baryada ILAAHEY aynu ku noqono oo isaga dambi dhaaf iyo inuu raxmadiisa inoo shubo waydiisano, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaynu maanta wax qabsano oo beerta ayaa la inoo xidhayaa ee aynu jaadka aynu kharashka yar ee ina soo gala ku bixinayno aynu iska dayno oo aynu wax wada qabsano”

Muxumed Axmed Qawdhan oo ka mid ah dadka deegaanka Botor oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa ka waramay waxa uu u qabto mashruucan beeraha wax lagaga qabanayaa waxa uu yidhi “Mashruucan waxa uu noo qabtaa inuu beeraha noo xidho oo shaqaalaha ka shaqeeyaa waa dadka deegaanka intii cagaftu qaadan lahaydna dadkayaga ayay gashaa, markaa waa laba fa’iido”.

Isuduwaha Gobolka Gabiley C/risaaq Sh. Muxumed Gaboobe oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi “Muhiimada laga leeyahay hawshan waxa weeyaan in qofka beeralayda ah garto in xooga uu isticmaalayaa uu kiisa yahay oo dhaqaale lagu siinayo, isla markaana si uu hadhaw u sii wato wax ka qabashada beertiisa iyo ka hortagida in beertiisu ay noqoto daad biyo mareen ah, waxaanan uga mahadnaqayaa hay’adda Concern Worldwide oo naga aqbashay wax ka qabashada arintani”.

Eng Mubaarig Maxamed Maxamuud Oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda Concern Worldwide ayaa sheegay in ay hay’adoodu tahay mid yar balse aan hawl qabad yarayn, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Meelahani waxa ay ka mid yihiin beeraha ay hay’addu ka shaqayso waana hay’ad yar oo hawl qabad badan, balse waxa ay qabanayso Wasaaradda Beeraha kala tashata”.

Weftiga ayaa kormeer ku sameeyey goobaha beeraha laaguhu ku soo socdeen wax laga qabtay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Botor, Geed Abeera, Ilinta/Guriga Cad iyo Sitiile

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories