HomeMadaxda Shirkada SOMA OIL Oo Lala Xidhiidhinayo Al-Shabaab

Madaxda Shirkada SOMA OIL Oo Lala Xidhiidhinayo Al-Shabaab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka Cunaqabateynta Saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritereya ayaa dalalka UK iyo NORWAY ka codsaday inay xog ka siiyaan xidhiidhka isgaadhsiinta iyo bangiyada mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Shirkada SOMA OIL oo la baadhayo inay xidhiidh toos ah laleeyihiin kooxda Al Shabaab.

1

Shirkada SOMA OIL oo hore sanadkii 2013 heshiis ula gashay Dowlada Somaliya dhanka sahminta batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyey warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in shirkadaasi ay laluush ku siisay Dowlada Federaalka dhinaca heshiisyada mashruuca batroolka, isla markaana la sheegay in Dowlada UK ay wax ka ogeyd arrimahan.

Madaxa Sare ee shirkada SOMA OIL ninka lagu magacaabo Michael Howard oo ka tirsan Golaha Odayaasha ee Baarlamaanka Ingiriiska ayaa hore usoo noqday Madaxa xisbiga hada talada haya ee Conservative Party. Waxaana weli ku socda baadhitaan uu wado xafiiska la dagaalanka musuq maasuqa ee UK oo loo yaqaan Serious Fraud Office (SFO).

Waxaa hadda soo baxaya xog dheeraad ah oo ku aadan xubnaha kale ee madaxda ka ah Shirkada SOMA OIL oo hada la sheegay in la helay xoog muujineysa in uu jiro xidhiidh laga shaki qabo oo ay la leeyihiin kooxda AL Shabaab.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa qoraal bishii lasoo dhaafay ay u direen Dowladaha UK iyo NORWAY ka codsadeen inay kala shaqeeyaan baadhitaanka lagu wado qaar kamid ah madaxda Shirkada SOMA OIL.

Qoraalka Guddiga Qaramada Midoobay oo ay todobaadkan heshay saxaafada ayaa wuxuu la xidhiidhaa nin lagu magacaabo Xasan Khayre oo ah Soomaali kamid ah Saamileyda shirkada SOMA OIL, isla markaana ah madaxa shirkadaasi ee xafiiskooda AFRIKA, ninkan ayaa heysta basaboor dalka Norway ah.

Waxaa waraaqdan markii ay taariikhdu ahayd 17 February 2016 (bishii lasoo dhaafay) loo diray Safiirada UK iyo Norway u fadhiya Qaramada Midoobay inay jawaab kasoo bixiyaan codsiga ka yimid Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in mid kamid ah dowladaha Afrika ay ka heleen xog la xidhiidha isgaadhsiinta  uu isticmaali jiray Xasan Khayre oo la sheegay inay muujineyso inuu jiro  xidhiidh  laga shaki qabo uu la lahaa kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab iyo kooxo kale oo aan magacooda la sheegin, Guddiga ayaa sidoo kale waraaqdooda ku sheegay in ay Xasan Khayre ka codsadeen inuu usoo gudbiyo diiwaanka iyo xogta bangiyadiisa si loo eego dhaq dhaqaaqa lacagtiisa balse waa uu diiday Xasan Khayre inuu xogtaasi bixiyo.

SOMA Oil ayaa qoraal kooban oo ay u gudbisay jariirada caanka ah ee The guardian, waxay ku beenisay wararkan oo ay ku tilmaantay kuwo sharaf dil ah, waxaanay sheegtay inaanu Xasan khayre wax xidhiidh ah la lahayn Al-Shabaab.

XigashO Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories