HomeMadaxda Qaranka oo Shacbiga Goobo Kala Duwan Salaaddii Ciidda Kula Tukaday

Madaxda Qaranka oo Shacbiga Goobo Kala Duwan Salaaddii Ciidda Kula Tukaday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargaya(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta salaadda Ciidal Adxa awgeed la ciiday shacbiweynaha reer Somaliland, isaga oo kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha waxa ku wehelinayey madax kale oo ay ka mid yihiin shaqaalaha madaxtooyada iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.

Khudbad hambalyo uu shacabka u dirayey iyo duco iskugu jirta ayuu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka markii salaadda laga baxay.

Intaa kadibna waxa uu madaxweynuhu shacbiga ku qaabiley qasriga madaxtooyada oo ay bulshada qaybeheeda kala duwan safaf dhaadheer u qaleen gacan qaadka madaxweynahooda qaranka isaga oo uu madaxweynuhuna kusoo dhawaynayey waji furnaan iyo “Ciid Mubaarak”.

 

Geesta kale Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan xubno golaha wasiirada ah ayaa shacbi tiro badan kula tukaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium. Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Awdaahir, wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiirka beeraha ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta shacabka kula tukaday Hargeysa Stadium.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo hadal kooban u jeediyay bulshada Salaadda Ciidal Adxa u yimid garoonka ayaa ku dardaaray ilaalinta ammaanka oo uu sheegay inay ka mid tahay nimcooyinka Illaahay ku galladay bulshada Somaliland ee gayiga Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa ay kaga tilmaaman yihiin.

Waxa uu hambalyo iyo duco u diray shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibadba jooga iyo shucuubta islaamka ah isagoo u rajeeyay mustaqbal fiican iyo horumar.

 

Dhammaan madaxda kala duwan ee saddexda gole, saddexda Xisbi iyo madaxda gobolada ayaa iyaguna meelo kala duwan kula tukaday shacabka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories