HomeMadaxda Midowga Dalalka Midowga Yurub oo Karantiil Galaya

Madaxda Midowga Dalalka Midowga Yurub oo Karantiil Galaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa is karantiilaya kaddib markii Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, laga helay Xannuunka Covid-19.

Mr Macron, oo 42 sano jir ah, ayaa is karantiili doona muddo toddoba maalmood ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Elysée Palace.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay ka qeyb galay dhowr kulamo oo heer sare ah, oo uu ku jiro kulankii Midowga Yurub.

Kaddib markii laga helay, dhowr kale oo hoggaamiyeyaasha Yurub ah, oo uu ku jiro Ra`iisul Wasaaraha Spain, ayaa sheegay inay is karantiili doonaan.

blank“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta laga helay Covid-19,” Aqalka Elysée ayaa sidaas sheegay subaxnimadii shalay.

Xaaska madaxweynaha Faransiiska Brigitte Macron, oo 67 jir ah, ayaa is karantiileysa balse lagama helin wax calaamado ah.

Weli lama oga sida Mr Macron uu ugu dhacay fayraska balse isagoo xafiiskiisa ku sugan ayuu sheegay inuu kala ogaanayo cidda uu si dhow ula kulmay.

Madaxweyne Macron ayaa Salaasadii todobaadkan martigeliyay madaxda guddiyada baarlamaanka Faransiiska, Isniintiina wuxuu martigeliyay xubno ka tirsan Urur Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka ee OECD oo ay ku midoobeen dalalka horumaray ee dunida oo badankoodu ka tirsan yihiin Qaaradda Yurub.

Toddobaadkii la soo dhaafay, isaga iyo inta badan hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa shir uga qeyb galay Brussels.

 

Yaa kale ee u baahan inuu Karantiil galo

Dadka kale ee is karantiilaya waxaa ka mid ah madaxa Golaha Yurub Charles Michel, Ra`iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez iyo Xoghayaha Guud ee OECD Angel Gurría, oo dhammaantood toddobaadkan la kulmay Madaxweyne Macron.

Mr Sanchez ayaa laga waayay fayraska, balse sida Mr Macron, gurigiisa ayuu ka soo shaqeyn doonaa isagoo karantiil ku jira.

Ra`iisul Wasaaraha dalka Burtuqaal António Costa, oo 59 jir ah, ayaa baajiyay dhammaan safarradii rasmiga ahaa, isaga oo is karantiilaya isla markaana sugaya natiijada, kaddib markii uu Arbacadii Paris kula qadeeyay Madaxweyne Macron.

Ra`iisul Wasaaraha Biljamka Alexander De Croo iyo Ra`iisul Wasaaraha Luxembourg Xavier Bettel ayaa sidoo kale is karantiilaya kaddib markii ay la kulmeen madaxweynaha Faransiiska.

Warsaxaafadeed uu Mr Bettel soo saaray ayuu Mr Macron ugu rajeeyay “ka soo kabasho degdeg ah”.

Ra`iisul Wasaaraha Ireland Micheál Martin ayaa laga waayay Covid-19 balse wuu yareyn doonaa kulamada, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Ra`iisul Wasaaraha Faransiiska Jean Castex, oo 55 jir ah, iyo afhayeen baarlamaani ah oo lagu magacaabo Richard Ferrand, oo 58 jir ah, ayaa sidoo kale is karantiilaya.

Mr Castex, oo aysan ka muuqan wax calaamado ah isla markaana fayraska laga waayay, ayaa lagu waday inuu Khamiista aqalka Senate-ka hor geeyo siyaasadda tallaalka Covid ee dowladda – haatan Wasiirka Caafimaadka Olivier Véran ayaa sameynaya beddelkiisa.

Faransiiska ayaa toddobaadkan dhexdiisa soo afjaray xayiraad lix toddobaad socotay, waxaana lagu beddelay bandow si wax looga qabto kiisaska fayraska ee kordhaya.

Mr Macron ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka qeyb galay shir labo maalmood socday oo ay yeelanayeen madaxda Golaha Yurub, kaas oo maanta soo gabagaboobayay.

Si kastaba, madaxweynaha Faransiiska waxaa loo arkaa inuu kulankii Isniintii ku faafin karay fayraska, sida uu sarkaal sare oo Midowga Yurub ka tirsan u sheegay BBC-da.

Dhammaan tallaabooyinka faya-dhowrka ayaa la ilaaliyay intii uu socday kulantii toddobaadkii hore golahana lama ogeysiin qof ka mid ah ka qeyb galayaasha oo laga helay fayraska.

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa Talaadadii xirneyd maaskarada wejiga iyadoo ku sugan shirka lagamana helin fayraska, saraakiisha Jarmalka ayaa sidaas sheegay kaddib markii ay maqleen warka ku saabsan Madaxweyne Macron.

Haweeney u hadashay madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay in dhammaan safarradii Mr Macron, oo uu ku jiro mid uu 22-ka bishan ku booqan lahaa Lubnaan, la baajiyay.

Xigasho: BBC Somali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories