HomeMadaxda Dhaqanka Gobolka Awdal Iyo Xukuumadda Oo Uu Isa Seeg Siyaasadeed U...

Madaxda Dhaqanka Gobolka Awdal Iyo Xukuumadda Oo Uu Isa Seeg Siyaasadeed U Bilaabmay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa  (SL.Post) Madaxdhaqameedka reer Awdal iyo xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay u bilaabmayaan maalmo cusub oo isa seeg siyaasadeed ah, ka dib markii ay madaxda dhaqanka gobalkaasi ku dhawaaqeen shir Borama ku qabsoomaya 28-ka bishan.

 

thumbs

 

 

Shirkaas ayay madaxda dhaqanku ku sheegeen inuu yahay mid wada tashi, waxaanay xildhibaanada guurtida iyo wakiilada ugu jira gobalkaas ugu baaqeen inay shirkaas wada tashiga ah ka qayb galaan.

 

 

Madaxda dhaqanku waxay xildhibaanada ku adkeeyeen inaanay shirkaas ka maqnaan, iyagoo ka gaabsaday inay cadeeyaan ajandaha shirkaas, balse ay ku soo koobeen arrimo muhiim ah oo dadka iyo dalka khuseeya.

 

 

Dadka qaar ayaa shirka ku tilmaamaya mid ay odayaashu doonayaan inay ku soo bandhigaan mawduuca saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, halka ay dad kalena qabaan in shirka sidoo kale lagu soo bandhigi doono tabashooyin la xidhiidha saami qaybsiga xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kaalinta reer Awdal.

 

 

Jawaabta Xukuumadda.

 

 

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag shirkaas uga hortimid. Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa shacabka Somaliland ka raaligeliyay dhawaaqaas ka soo yeeshay madaxda dhaqanka gobalka Awdal, waxaanu yidhi “Waxaan ka yara xumahay ama aan dareen la qaatay ka raalli-gelinayaa ummadda reer Somaliland Odayaasha reer Awdal ee hadlay inaan loo arkin inay ka xun yihiin Walaalohooda soo biiray ee reer Sool ee dalka iyo dadka ku soo biiray ee Qarannimada Somaliland soo dhammaystiray.”

 

Mudane Saylici wuxuu intaas raaciyay  “Waxa laga yaabaa halmaan hadal kuma jiree inay wax isku yar beegmeen, waxaana qurux badnayn oo innagu badan halkaan Xisbiyo iyo nidaam iyo intii isku afkaar ah tartankeennu ahaan lahaa, aynu u badannay Reer Hebel, Reer Hebel annana waa shiraynaa, oo Faankeenniba noqday Qabyaalad buu noqday, taasna uma baahnin ee inaan horumar, nabad iyo asxaab ku tartanno ayaynu u baahannahay.”

 

 

Gunaanad

 

Lama oga in madaxdhaqameedka Awdal ay u suurtogeli doonto inuu shirkaasi qabsoomo iyo in xildhibaanada ay baaqa u direen ay ka geli doonaan.

 

Hase yeeshee haddii uu shirkaasi qabsoomo iyo haddii kaleba, waxa muuqata in isfaham waa’ siyaasadeed oo muddo huursanaa uu u bilaabmayo madaxda dhaqanka Awdal iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories