Home"Madaxda dhaqanka ee labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha...

“Madaxda dhaqanka ee labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi”- Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqo khasaare nafeed sababta oo laba beelood oo walaalo ah maanta ku dhexmartay Deegaan ka tirsan Degmada CeelAfweyn ee gobolka Sanaag.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada,  waxa uu Md Biixi laba dhinacba ugu baaqay inay joojiyaan colaadda isla markaana wixii ismandhaaf ah lagu dhammeeyo wadaxaajood iyo isu tanaasul.

12Warsaxaafadeedka ayaa lagu yidhi,  “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa baaqaasi ku yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalaya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah.

Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo caruurta, sideedaba dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkeena kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah  ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.

Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi, una hoggaansamaan ciidamada amniga ee ku hawlan arrintaasi garab buuxana ku siiyaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqaygaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban arrintaasina faraya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaasi  ee loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan,” sidaas lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories