HomeMadaxa Xafiiska Taysarooyinka iyo Aqoonsiyada D/Hoose ee Hargeysa oo ka warbixiyey Hawlaha...

Madaxa Xafiiska Taysarooyinka iyo Aqoonsiyada D/Hoose ee Hargeysa oo ka warbixiyey Hawlaha Xafiiskaasi Qabto

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa, (SLpost)– madaxa xafiiska taysarooyinka iyo aqoonsiyada dawlada hoose ee Hargaysa Xasan Maxamed C/laahi, ayaa ka warbixiyay hawlaha uu xafiiskaasi u qabto bulshada iyo waxyaabaha uu mudadii uu jiray sameeyay.
Xasan Maxamed C/laahi, oo aanu waraysi gaar ah shalay kula yeelanay xafiiskiisa waxa uu sheegay in xafiisku uu sameeyo waraaqaha dhalashada, taysarada iyo aqoonsiga isla markaana ay sameeyaan rikoodhka qoysaska iyo diiwaan gelinta dadka dhinta.
Xasan Maxamed C/laahi, oo faahfaahin ka bixinaya wakhtigii xafiiskaasi la aasaasay iyo qaybaha kale ee lagu kordhiyay muddadii la sameeyay ka dib waxa uu yidhi “Xafiiska aqoonsiyada dawlada hoose ee Hargaysa waxaa la aasaasay sanadkii 1995-kii horaantiisii, wakhtigaasi oo uu maayarka Hargaysa ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxaana lagu aasaasay saddex qaybood oo kala ahaa qaybta samaynta jinsiyadaha, qaybta dhalashada iyo qaybta sugnaanta qofka, heerar kala duwan ayay soo martay waxaanay hada soo gaadhay heer ay dhamaanba dadka Somaliland ka soo jeedaa asal ahaan meel kasta oo ay joogaanba xafiiskani u adeego.”
Waxa kale oo uu ka warbixiyay hawlaha kala duwan ee uu xafiiskani bulshada u qabto “Imika xafiiskani waxa uu sameeyaa labada waraaqood ee dhalashada iyo taysarada aqoonsiga, dhalashada waxaanu siinaa dadka wixii ka yar da’ada aqoonsiga lagu qaato, dadka waawayna waxaanu siinaa aqoonsiga, waraaqaha qoysaskana waanu samaynaa oo waxaanu leenahay wax la yidhaahdo qaybta ururinta kaydka qoysaska oo aanu ku kaydino buugaag iyo kombuyuutaro, tiradooduna waxay imika maraysaa 17352 ayaanu imika haynaa oo dadku halkan ayay noogu yimaadaan, marka ay u baahdaan waraaqahoodii hore ama in ay kuwo dhalasho samaystaan halkan ayaanu ku samaynaa macluumaadkii oo dhan.” Ayuu yidhi Xasan Maxamed C/laahi.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Bilawgana waxaanu samaynaa degmada masuuliyada iska leh guddoomiyaheeda ayuu qofku u tegayaa macluumaadka ayaa qofka laga diyaarinayaa, qofkuna wuxuu keenayaa caaqilkissa iyo laba qof oo kale oo damiin ka noqda in uu somaliland u dhashay shuruudaha xeerka jinsiyadaha Somaliland iyada oo la raacayo ayaanu nidaamkaa ku samaynaa, qofkaasi inta caruurtiisu tahay ee uu doonayo ayaa loo sameeyaa, qofku marka uu guursado wuu ka baxaa waraaqaha kaydka qoysaska waraaqo gaar ah ayaanu samaysanayaa si isaga iyo caruurtiisa rikoodh loogu sameeyo, markaa waxaas oo dhan halkan ayaanu ku diyaarinaa,Maalintii la bilaabay ilaa maanta rikoodhadii waanu haynaa wax ka qaldamayna ma jiro, waana nidaamka ugu wanaagsan ee loo shaqeeyo.”
Waxa kale oo uu sheegay qiimayn ay sameeyeen guddida doorashooyinka iyo wasaarada arrimaha gudduhu dhawaan in ay dawlada hoose ee Hargaysa ku amaaneen hawsha ay hayaan, isla markaana ay rikoodhka jinsiyadaha ee ay dawlada hoose hayso uu noqonayo halka laga unkayo diiwaan gelinta dadka reer Somaliland si aanu markale qalad u dhicin.
“Guddida doorashooyinka qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha guddaha mar ay dhawaan samaynayeen qiimayn ahayd sidii ay degmooyinka dalka uga diiwaan gelin lahaayeen arrintii diiwaan gelinta mar labaad, taas oo loo noqday in gunta laga soo unko si aanu khaladkii markii hore dhacay mar labaad u dhicin, in dawladaha hoose laga diyaariyo, waanay nagu amaaneen dawlad hoose ahaan, Hargaysana waxaanu imika ka diyaarinay in la sameeyo sida komishanka iyo waraada arrimaha gudduhu sheegeen in deeqbixiyeyaashii loola noqdo oo la sameeyo mashruuc diiwaan gelineed oo soconaya sanad ama wax ka badan, taas oo degmooyinka laga samaynayo xarumo kan dawlada hoose ee Hargaysa oo kale ah, kuwaasi oo qaban doona shaqadii uu kani qabanayay oo kale, laakiin xidhiidh ka dhaxaynayo oo kan dawlada hoose ee Hargaysa laga maamulayo. Markaa waxaanu la shaqaynaynaa waaxda jinsiyadaha ee wasaaradda arrimaha guddaha dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland ama dhoof ha ku baxaan ama ha noqdaan kuwa labada jinsiyadood leh sida jabuuti oo kale waanu u samaynaa, waxa kale oo aanu samaynaa safaaradaha Ingiriiska, Maraykanka iyo Iskandaneefiyanka waanu u dirnaa, waxa kale oo aanu iyagana u shaqaynaa dadka agoomaha ah hay’adaha khayriga ah ee dadka agoomaha lacagta siiyaa waxay ku xidhaan shuruud ah in ay soo qaataan jinsiyada dhalashada Somaliland.” Ayuu yidhi md Xasan.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories