HomeMadax-dhaqameedka iyo Wax-garadka Beelweynta ARAB oo Bayaan Ka soo Saaray Xaaladda Siyaasadeed...

Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka Beelweynta ARAB oo Bayaan Ka soo Saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ka Xilkiisu dhammaadaa Xoog kuma haysan karo, Ka Xilka doonayaana, xabbad iyo Xajiin kuma qabsan karo” – Bayaanka

Hargeysa (SLpost)- Shir wada-tashi ah oo ay maanta isugu yimaaddeen Salaadiinta, Ugaaska, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Wax-garadka iyo dhalinyarada Beelweynta Arab Sheekh Isaxaaq, ayaa laga soo saaray Qodobbo muhiim ah oo khuseeya xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo.

blankShirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddiga Af-garad ee Beelaha Arab, waxa lagu faaqiday xaaladaha siyaasadeed, Dhaqaale iyo bulsheed ee xilligan ka jira dalka, waxaana laga soo saaray bayaan xambaarsan qodobbo gundhig u ah mowqifka Beelaha ka taagan yihiin xaaladda dalka.

Qodobbada ka soo baxay shirka Beel-weynta Arab,  waxa lagaga digay in xaaladda ammaanka dalku loo waxyeeleeyo dano gaar ah, waxaanay Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqeen  inaanay ka gudbin xayn-daanta kalsoonida Shacabku u siiyey inay ku hoggaamiyaan siyaasadda dalka.

blankShirka wada-tashi ee Beelweynta Arab oo maanta ku qabsoomay Hotel-ka Ramaada ee magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:-

  1. In la weyneeyo Cabsida ALLAH (SWT) oo loo soo noqdo.
  2. Nabadgelyadu waa Nimco ALLAH (SWT) innagu maneystay, waana hanta umadda ka dhaxaysa oo lama taabtaan ah, sidaa awgeed:-
    • Xukuumadda iyo Xisbiyada waxaanu leenahay, ma tihidin Xaqlayaal iska leh dalkan iyo dadkan. Xilli go’an ayaa la idiin doortay xilka aad umadda u haysaan, iyadoo la idin xurmeedyey oo laydinka xushay umad badan.
    • Ka Xilkiisu dhammaadaa Xoog kuma haysan karo.
    • Ka Xilka doonayaa, xabbad iyo Xajiin kuma qabsan karo, waxaananu leenahay waar umadda ka xishooda.
  3. Qodobbada sharci ee laysku hayo ee muranka dhaliyey ee nin walibana sida uu doono u fasiranayo, waxaanu ku talinaynaa inaydaan idinku isku akhiriyin ee waa nin loo celiyo hay’adaha ku shaqada leh iyo sharci-yaqaanno dhex-dhexaad ah.
  4. Madaxweyne, wuxuu Illaahay masuul kaaga dhigay dalka iyo dadkaba, sidaa darteed, waxa lagaa doonayaa dulqaad, caddaalad iyo la-tashi ballaadhan oo aan ahayn inta kugu xeeran si dalku uga samato-baxo muranka siyaasadeed.
  5. Waxaanu halkan kala hadlaynaa saddexda habrood ee aanu isku haybta nahay ee hantidii umadda ka dhaxaysayna kaligood isku koobay, xukuumadda iyo xisbiyadii Qarankana qabiil u rogay, waxaanu leenahay Ha ogaadaan in dalka lala leeyahay, dushana laga ilaashanayo.
  6. Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan beelaha darafyada iyo Beelaha gudaha ee kale, wixii qaranimada waxyeelaya inaynu dhinac uga soo wada-jeedsanno, ugana wada hawl-galno, waxaananu idinka xaal-marinaynaa hadallada xanafta iyo xajiinta leh ee warbaahinta la isku marinayo.” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay shirka wada-tashi ee Beelweynta Arab Sheekh Isaxaaq.

blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories