HomeMadax-dhaqameedka Awdal oo sheegay inay gacanta ku hayaan Arrin Suldaan Wabar, Shacabka...

Madax-dhaqameedka Awdal oo sheegay inay gacanta ku hayaan Arrin Suldaan Wabar, Shacabka gobolka iyo Xukuumaddana baaqyo u jeediyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)- Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa sheegay in arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ay gacanta ku hayaan, isla-markaana iyagga laga war sugo, waxaanay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay Ciidamadda ay geysay Boorama dib uga soo celiso.

Salaadiintan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Boorama ayaa waxa kale oo ay Shacabka iyo Dhalinyaradda ku dhaqan Gobolka Awdal ugu baaqeen la ilaaliyo Nabadgelyadda.

salaadiinta AWdal“Arrinka Suldaan Abubakar Wabar ku saabsan anaga ayaa gacanta ku hayna hawshaasi si Nabadgeliyo ah ayaanu ku dhamaynaynaa, Waxaanu u sheegaynaa dhamaan Shacabka gaar ahaan Dhalinyaradda Magaaladda Boorama ku dhaqan in aynu ilaashano Nabadgelyadda,” sidaa waxa yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay Ciidamadadda ay dib uga soo celiso Boorama, waxaanu yidhi “Suldaan Wabar Xabad ma ridin ay Ciiddamo ku soo dulaan, Xabadna ma ridi karo mana ridin, wuu hadlay Nin af ka hadlayna wuxuun-baa la odhan. Xukuumaddu duulaankan ay soo qaaday ha la noqoto, Ciiddamada-na Xeryahoogii ha ku celiso namana wadda qabto waar la soo hadla iyo Hubka Magaaladda ay Ciidamaddu la dhex-wareegayaan nama qabato.”

Sidoo kale, waxa shirka jaraa’id ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo baaq nabadgelyo u jeediyey dhalinyarada gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, waxaanu ku baaqay in ciidamada Qaranka laga saaro magaalada Boorama.

“Waxaanu ugu baaqaynaa Shacabka in Nabad-gelyadda si cad loo xaqdhawro lana ilaaliyo, waxaanu u sheegaynaa Ummadda Dal iyo Dibad-ba ha joogaane cidii taladda gacanta ku haysaa waa Odayaasha waana in looga dambeeyo, in waxaanay ogayn la gelin baan ku dardaaraynaa. Suuqa Boorama ee la yaac-yaacayaa in dhib ay leedahay mooye in aanay faa’ido lahayn-baan idin sheegayaa. Waxaanu ku boorinaynaa Ciidamadda kuwa Magaalada jooga maahe kuwa kale ee cusub ee yimid Magaalada inay ka baxaan, Shalay waanu la kulanay Wasiirada intii joogtay waxaanu u sheegnay in Ciidamadda wixii hore maahee kuwan dambe Magaaladda laga saaro, haddana waxaan Warbaahinta u marinaynaa ha laga daayo yaan kacdoon la abuurin.”

Waxa kale oo uu ka hadlay dhalinyaro iyo xildhibaanno la xidh-xidhay oo loo dhaadhiyey Xabsiga Mandheera, waxaanu yidhi, “Dadweynaha waxaanu leenahay idinkuma ogin, idinkama aqbalayno Inan yar oo dur-duriya cid aanu ka yeelaynaa ma jirto. Dhalinyaraddii la xidh-xidhay warka na soo gaadhayaa waxa uu leeyahay Mandheera ayay ku xidhan-yihiin, halkan (Boorama) Jeelayashii-baa ku yaala, haddii ay Dembi geleen Maxkamad ayaa la geyn-karaa arrintaas waanu fahmi-weynay ee hanalooga soo jawaabo.”

“Dadkana wixii Dembi leh iyo wixii aan Dembi lahayn halka ay xaq u leeyihiin ha la saaro, Gobolna Gobol kale Kiiskiisa laguma qaadi-karo,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanku.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories