HomeMadax-dhaqameed ka hadlay Isku-day dil oo lagu fuliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Madax-dhaqameed ka hadlay Isku-day dil oo lagu fuliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed gobolka Hargeysa ayaa ka hadlay dhacdadii shalay laysku dayay in lagu khaarajiyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Maxamed Durraan oo shalay subax niman hubaysani ku dhaawaceen isaga oo Salaadda Subax ka soo baxay.

Suldaan Axmed Cismaan (Cadde-gudde) iyo cuqaal ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa si adag u cambaareeyay falkii lagu toogtay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan.

blankSuldaan Axmed Cismaan(Cada Gude) oo shirkan jaraa’ id ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan canbaaraynaa falkii foosha xumaa ee lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex, umada somaliland waxaan leenahay meel aynu ka soo gudubnay yaan laynagu celin, maslaxada umaduna kuma jirto waxa maanta dhacay oo kale balse waxay ku jirtaa nabad galyada iyo dawladnimada.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Wixii aynu shalay dhisanay hadii maanta la doonayo in la baabiiyo oo gacanta laga hadlo waxaynu noqonaynaa dad wax badani ka xumaadaan, waxaanan leeyahay xukuumada waa in si degdega loo hor keeno sharciga cidii ka danbaysay falka lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi jeex, shacabkana waxaan u soo jeedinayaa inay nabad gelyada ilaaliyaan.”

Sidoo kale, waxa shirkaasi ka hadlay Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir oo falkaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo ammaanka dalka wax u dhimaya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Nabad gelyadu waa shay aad u qaaliya waana laf dhabarta ay dalka somaliland iyo dadkiisuba ku nabad iyo caanaba maaleen.”

“Waa markii koowaad ee ay Hargeysa ka dhacdo in masuul ka tirsan masuuliyiinta qaranka lagula kaco fal xun, anagu waxaanu muujinaynaa inaanu si aad ah uga xun nahay falka lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka, falkaana waanu canbaaraynaynaa cid kasta oo ka danbaysayna waxaanu leenahay falkaasi ma aha mid laydin kaga hadhayo,”ayuu yidhi Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir.

Sidoo kale waxa iyaguna si adag u cambaareeyay falkaasi kuna baaqay in sharciga la horkeedo dadkii fuliyay iyo kuwii ka dambeeyayba. Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore, Caaqil Cali Faarax Yuusuf, Caaqil Maxamed Xaashi,Caaqil Jaamac Cabdi Axmed iyo Caaqil Aadan Caabi Fidhin.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories