HomeMadax-bannaanida Somaliland iyo Baadi-doonka Cusub ee Soomaalinimada

Madax-bannaanida Somaliland iyo Baadi-doonka Cusub ee Soomaalinimada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankAragtida iyo fikirka ah “Pan Somalism” waxa uu ku dhashay dhulka Somaliland oo uu ka hana-qaaday; waa dhaxal iyo hanti ay leeyihiin dadka reer Somaliland oo laga dhacay laguna dhibaateeyo wakhtigan.

1960-kii dadka reer Somaliland waxa ay u jihaysteen ka-dhabaynta aragtidoodaas iyagoo huray dawladii curdinka ahyd. 30 sanno ka dib dadka reer Somaliland waxa ay  mar labaad hureen naf iyo maal iyagoo dib u qeexaya fahanka iyo macnaha “Pan Somalism”. Rog-rog badan kaddib, waxaa la isla qaatay in madaxbanaanida Somaliland tahay seeska cusub ee lagu baadi dooni karo aragtida “Somali Wayn”.

Somaliland waxa ay sidaa ku noqotay qaabka cusub ee Somali isugu iman karto, balse Somaliland cid kuma bogaadin tallaabadaas, waxaa lagu qaaday dacaayad ah in dadka reer Somaliland yihiin midnimo diid, waxaana loogu heshiiyay sidii meel kasta looga cuna-qabatyn lahaa xaqa ay leeyihiinana loo duudsiin lahaa.

Somaliland isma ay dhiibin, Soomaali rejada iyo iftiinka ay eegato ayay noqotay ee tusaalaha u ah, horumarkasta oo Soomaalida kale ku tallaabsatana waa waxa uu noqday mid Somaliland  jeexday. Tusaale hadaan soo qaato, go’aankii ay Jabuuti ku qaadaty in ay dawlad noqoto waa mid ku qotomay  waaya-aragnimadii dhibkii reer Somaliland soo gaadhay. Sidoo kale, Soomaaliya  waxa ay qaadatay  nidaamka federalismka iyadoo ka dheehatay nabadda iyo xasiloonida dadka reer Somaliland gudahooda  ka gaadheen.

Somaliland laguma baqo galin karo aragti ay dhaxalkeeda leedahay mana yeelayso in cid kale ka sheegato una isticmaasho in lagu dhibaateeyo dadkeeda.

Reer Somaliland ha ogaadan dhaxalkooda iyo halganka muqaddaska ah ee ay ku jiraan, ha gaadhsiiyaan Soomaalida kale in madaxbanaanida Somaliland tahay sida qudha ee lagu heli karo fikirka muqadaska ah ee Soomaalinimada (Pan-Somalism).

W/Q : Abdirahman Mustafe Ali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories