HomeMadaweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Casri ah oo Shiradda...

Madaweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Casri ah oo Shiradda Deero Group Hirgelisay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray Dhisme Casri ah oo loogu magac-daray Deero Mall kaas oo ay hirgelisay Deero Group of Companies isla markaana laga furay noocyo ganacsi oo kala duwan,

Dhismahan oo ku yaala Jidka Wadnaha Caasimadda, gaar ahaan ka-soo-horjeedka Guriga hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa munaasibaddii xadhig-ka-jaristiisa ka soo qayb-galay, Wasiirkii hore wasaaradda Ganacsiga wakhtiganna ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta Md. Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Jaamac, Wasiir ku-xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole, Abwaaniin iyo Marti sharaf badan, waxaanay dhamaantood ku dheeradeen muhiimada uu dhisman casriga ah u leeyahay dalka.

deero mollUgu horayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkada Indha-deero Group Mustafe Xaaji Cabdi Cawad oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda hirgelinta dhismahan iyo qaybaha kala duwan ee shirkada, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,“Dhismahan aad arkaysaan waxa aanu ugu talo galay inuu qayb ka qaato bilicda caasimada iyo shaqo abuurka dhalinyarada Somaliland oo ah waxyaabaha loo baahan yahay in kor loo qaado shaqo la’aanta haysa dhalinyaradeena. Waxaanu  ka kooban yahay 50 meheradood, laakiin immika waxa shaqaynaya 20 meheradood, taasina waxay ina tusaysaa inta qof ee ka shaqaynaysa. Shirkadda Indha-deero Group kuma eka oo kaliya Deero Mall ee waxa ay leedahay qaybo kale oo ganacsi, sida soo dejinta Badeecadaha kala duwan iyo dhoofintaba yo waliba Hotelo waaweyn oo casriya oo ay ku leedahay magaalooyinka waaweyn.”

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Maxamed Shukri Jaamac oo isaguna halaas ka hadlay ayaa yidhi, “Hamigu muu ahayn hami ganacsi oo kaliya ee wuu ka ballaadhnaa. Guud ahaan-ba Madaxweyne iyo Wasiiradaba  ganacsatada Somaliland marka ay yihiin faraskii gaadhiga  Somaliland jiidayey in xafladahooda la soo camiro oo la dhiirigaliyo waa waajib. Waayo horumarka ay samaynayaan waa ka ay Somaliland ay samaynayso.”

deero moll2Wasiir ku-xigeenka Wasaarada ganacsiga iyo Maal gashiga caalamigaha Md. Bashiir Cabdi oo isaguna munaasibadaas ka hadlay, ayaa Shirkadda Indho-deero ku tilmaamay shirkadaha ugu horreeya ee ka qayb-qaata adeegyada horumarinta arrimaha bulshada. “Shirkadani Tariikhda ay ku leedahay dalkan waa mid aynu ka dheregsan-nahay oo soo martay mar xalado badan oo dib u diskii aynu dalkan ka galnay waynu og-nahay kaalinta ay ganacsatadu ay ka gashay. Dhaqaalihii ku baxay Bariijka burco inta ugu badan waxa bixisay shirkada Indhadeero Group,” ayuu yidhi Bashiir Xariir.

Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo ku hadlayey magaca Shirkadaha  kala duwan ee uu kulmiyey dhismahan, ayaa yidhi. “Sidaynu ka war-qabno warbixin ay diyaarisay Wasaaradda qorshayntu waxay kobaca dhaqaalaha ku sheegtay  ee dalkeena inuu yahay ganacsiga xorta ah, markaa tan aynu maanta u fadhinaana  waxay ka mid tahay ganacsiga xorta ah.”

DEERO MOLL3Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo geba-gebadii munaasibadda hadal kooban ka jeediyey madasha xadhig-ka-jarista dhismahan, ayaa ganacsatada Somaliland ku booriyey inay ku dedalaan sidii ay dalka wax uga soo saari lahayeen, waxaanu u mahad-celiyey shirkada Indhadeero Group ee dhismahan casriga ah hirgalisay, waxaanu yidhi,“Runtii Moolkan waa kii koowaad ee noociisa oo kale laga hirgaliyo Somaliland, markaa dhamaanteen waxay noo tahay sharaf, waxaanan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa shirkada Indhadeero Group ee hirgalisay dhismahan aadka u quruxda badan. Horumarka la gaadhay Hargeysa ayaad ka garataa, Hargaysina maaha tii hore, waa Hargeysa caasimad ah.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories