HomeMADASHA: Talaa idinka gedmane, wax isu-geegeysta! – W/Q: Maxamuud Walaaleeye

MADASHA: Talaa idinka gedmane, wax isu-geegeysta! – W/Q: Maxamuud Walaaleeye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Salaanta islaamka ka dib, odhaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda ‘Hadii lagu sheego, waa la is-sheelaa-hadii lagu sheelana, waa la is-sheegaa’. Waxaan uga socdaa, isla markaana halkan hoose ku bayaaminayaa qodobo  ka mid ah waxqabadkii xukuumada wakhtigan tallada dalka haysa ay ku guulaysatay:

  • Bedelaada lacagahii Giimbaarta gobolka Togdheer iyo gobolka Sanaag oo shalay ka bilaabmatay bedelaadeedu, isla markaana hore culays cafimaad iyo mid dhaqaale ku haysay bulshada gobolka Togdheer iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland, afar sannadoodna xukuumadii ka horeysay miisaaniyadda ku dartay, balse lagu takri falay dhaqaalahii loo qoondeeyey.
  • Waxbarashadii aasaasiga ahayd oo lacag la’aan laga dhigay, kana qaaday culays laxaad leh oo saarnaa qoysaska dan yarta ah, halka qoritaankii dhalaanka cusub ee yaryar sare u kacday.
  • Kordhinta mushaharooyinkii shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qaranka, oo dhinaca kale kaalin muuqata ka qaadatay sare u kaca xaalada nololeed ee bulshada Somaliland, maadama ay heleen korodh dhaqaale u saamaxa inay cunto nafaqo leh ku iibsadaan, halka xilligii hore suurtogal u ahayn.
  • Bilowga weji cusub oo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland raadinteeda loo galay, bulshada caalamkuna markhaati ka noqotay wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya oo siman, halka xilliyadii hore mid loo arkayey.
  • Helitaanka maalgashi dibedeed oo kheyraadka dalka sidii looga faa’idaysan lahaa loo bilaabay, inkastoo qaar kaloo badan sifooyin guracan iyo danaysi shaqsi u dabreen fulintooda indhow-garad!
  • Korodhka miisaaniyadda Somaliland oo joogtay ilaa ixdan milyan dollar, wakhtigan cagaha la gashay laba boqol oo milyan, iyadoo korodhkaasi ku yimi beekhaaminta cashuuraha la qaado ooh ore dariiqyo kale mari jiray
  • Bixinta darajooyinka ciidamada kala duwan ee Somaliland, oo muddo 22 sannadood xukuumadihii dalkan soo maray u yeelan wayeen ku-dhac dhaqangelinteeda, sababo kastoo isku qanciyeen.

MohamoudHaddaba, akhristayaal, ilaahay waxuu inoo siiyey garaadka inaan ku kala soocno xaalad kastoo innagu soo korodha wanaag iyo xumaan ama ku qiimayno xaqiiqadeeda, sidaa darteed, waxaa mudan inaad is-barbardhig  ku samaysaan qodobo kooban oo ka soo qaatay waxqabadka xukuumada Madaxweyne Axmed Siilanyo hogaaminayo muddadii saddexda sannadood ee xilka haysay ku guulaysatay hirgelintooda iyo eedo culus oo koox la baxday madasha wada-tashiga u jeediyeen xukuumada, caddeymo la’aan!:

  • Dhaqaalahii dalku curyamid ayuu ku dhow yahay, dakhligii dalkuna hoos ayuu u sii dhacayaa!  Bal adba..Intii xukuumadu tallada qabatay waxa yimi dib-u dhac khatar ah oo dalku galay?
  • Goleyaashii qaranka ee xeer-dejinta oo noqday shaambad dannaha lagu gaadho(Yaa eedeeda leh hadday jirtaba! Ma xukuumada?)
  • Garsoorku waxuu noqday maxkamado loogu adeego dannaha xukuumada (Berrigii xisbiga KULMIYE mucaaradka ahaa ayaan maqli jiray…cadceedaa kululaatay…kulmiyaa ka dambeeyey…immika qoladan dhawaaqoodu ma u eegyahay).
  • Qaabka mansabyada lagu helo ayaa noqday mid la’ yaab leh (halka kooxdan qaarkood muddo aan sii fogeyn ka sii maqnaayeen xilal xukuumadani u magacowday…)
  • Foolxumo ka dhacday qabashadii doorashooyinkii deegaamada, halka xubno ku jira kooxdani hormood ka ahaayeen in doorashooyinkaa lagu galo diiwaangelin la’aan, balse markii ay ku hungoobeen, immika dhaleecaynteeda bilaabay sida (cad-yahow ama ku cunay ama ku ciideeyey)

Ma soo wada naqili karo eedo aan daliil keliya lahayn ee kooxdani u jeediyeen xukuumada, laakiin, ‘Alif wax-ma-leh iyo wuu leeyahay wadaadow adigaa lagaa hayaaye’ la yidhee, sidoo kale, kooxdani waxay aaraartooda ku qorteen “Madashu waxay hawlahooda iyo talaabooyinka ay qaadayaan u marayaan hanaan sharciga dalka waafaqsan, wax dhisaya oo aslaaxinta bulshada ka shaqeynaya, halka saddaro kalena ay ku qoreen inay ku baaqayaan shirweyne qaran oo xukuumada, xisbiyada, goleyaashu ka soo qeybgalaan? Waa maxay awoodoodu…bal adba?

Ugu dambayn, siday ku tilmaanteen dhibaatooyin keli ahaantood u muuqday waxa lagu sixi karaa wada-tashi iyo isu-tanaasul, miyaanu hadafkoodu u muuqan koox doonaysa inay ku ajburaan wada xaajood xukuumadu la gasho? Maxayse  dheer tihiin ummada iyo ama annigaba…ee is-taawiyeen?

Haddaba, Hadii innaba qoraalada kooxdaasi badhkood xaqiiqada ku dhisnaan lahaayeen waxay isu-dhigi lahaydeen madal fikrado iyo aaraa’ wax toosineed uruurisa, ka dibna u gudbisa hay’adaha ay khusayso, isla markaana dhaliil kastoo u muuqata ugu gudbiya sida ugu haboon iyadoo cadeymo la taaban karo wadata

Waxaan kaga baxayaa MADASHA: talaa idiinka gedmane-wax isu-geegeysta!

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories