Home“Madal Sharci-darro Iyo Raytoow, Horumar Mooyee Halis Ma Arkaynno….W/Q: Ismaaciil Cabdi (Jig-Jigaawi)

“Madal Sharci-darro Iyo Raytoow, Horumar Mooyee Halis Ma Arkaynno….W/Q: Ismaaciil Cabdi (Jig-Jigaawi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa dhab inay Somaliland qaadatay oo ku dhaqanto hanaanka Dimoraadiga ah oo ku dhisan nidaamka doorashooyinka iyo Habka axsaabta badan,Waa dhab inaynu jid dheer usoo maray Marxalado kala duwan oo miisaankooga lahaa,oo ay kamid Ahaayeen dibu heshiisiin ,axdi qarameed,iyo kacaa kuf Badan,sidii ay Somaliland cagta u saari lahayd dhabbaha Dimoqraadiyadda,ilaahay mahadi haka gaadhee nidaamkaadsi Waxa uu noqday mid si weyn oo baro-dheeraysiisay in badan Oo Ka mid ah bulshooyinka dunida,taasoo beesha caalamku ay Inoo qireen indhahoodana soo jiidatay kuna soo jeedisay Somaliland,in kastoo xoogaa dhaawac ah, ay u geysatay Xukuumaddi udub oo halkii ay shan sano kadib qaban lahayd Doorashada ay si xadka ka baxsan,illayn sannad iyo sanad iyo Badh la garaye,afar sanadood oo sharci darro ah oo doorasho La’aan ah ku haysatay awoodda.

Iyadoo hadaba ay sidaasi tahay Somaliland-na, dhismaheedu Sidaasi aynu soo sheegnay salka ugu hayo nidaamka Dimoqraadiga ah, ayaa hadana waxa aan marnaba meesha laga Saari Karin,qof kasta oo wax kala garanaya, wadankiisa Jecel,indheer-garad ah, ama doonaya inaanu indhaha iska Ridin’e,sida saxda ah u fikiro,aanu kollayba meesha ka saari Karin,xaaladaha waaqiciga ah ee imaan kara,kuwaasi oo ka Dhasha,ama ay keenaan had iyo goor, duruufaha ku xeeran Somaliland,ha noqoto xag dhaqaale,ha noqdaan kuwo la socda Waayaha mandaqada aynu ku naallo iyo guja-gujaynta cadowga Badan ee Somaliland leedahay,ha noqdaan oo kale,daba-giijiska Aynu kala kulanno,cidaha innaga taageera doorashooyinka,iyo Weliba sidoo kale dalkeenan j.Somaliland oo aan ilaa haatan Dunida ka haysan aqoonsi caalamiya., dhammaan Waxyaabahaasi iyo in badan oo kale oo aanan halkan ku Xusin,waxa ay ka mid yihiin arrimaha dabarka ku noqon kara in Wakhti sar-go’an lagu dhammaystiro dhammaanba qaabkii ay u Wareegi lahayd cajalada doorasho xiligeedii ku Qabsoonta,haddii ay tahay diiwaangelinta madaniga ah,tii cod-Bixinta iyo hawlgalkii finalka ee qabashada doorashooyinka.

Waa kuwaas waxyaabaha loo baahan yahay inuu ka garaabo Caqliga fayoobi,ku xisaabtamo oo maanka ku haysto ka Siyaasiga sheeganaya ee dalkan iyo dadkiisa dani ka hayso,

Shacbiga Somaliland waa dad wax ka bartay oo ay macalin u Ahaayeen duruufihii iyo waayihii qallafsanna ee isaga Danbeeyey teer iyo qaadashadii calanka sanadkii 1960kii markii Xorriyadoodu booraanta ku dhacday,taasina waxay ka dhigtay Bulshada inay ku sifoobaan kuwo aqoon dheer u leh,meel Dheerna ka hilaadin kara,ujoodooyinka iyo hadafka,nin kastoo Siyaasi u sheegta,ama xadhig qabiil oo uu dadka ku kala Faquuqayo ha u soo raaco,ama caroog ha afuufo uu wax ku Dhaleecaynayo ummadana doonayo inuu kaga marin habaabiyo Heerka fiican ee ay somaliland maanta marayso.e, Waxa u Fiicnaan lahayd in raga noocaayi dadkooda iyo dariiqa Wanaagga dib ugu soo noqdaan.waxaana wax lala yaabo ah in Kuwa Hammuunta kursigu illowsiiyay waaqaca ee uu ka mid Yahay xildhibaan rayte ay ku hadaaqaan wadamadii jaarkaa Xuduuudahoodii xidhay,dunidii way inagu soo Oodantay,dimoqraadiyaddii baa wax loo dhimay iyo waxyaabo La halmaala.

Waxaan qabaa weedhaha noocaasi inay nusqaan, fadeexad iyo Ceeb ku yihiin Rag sida RAYTE oo kale aqoon Sheeganaya,waxaanan odhan lahaa adeer wadamada jaarka ah Ee aad sheegaysaa, iyagay u gaar tahay hadba waxa ay ka Yeelayaan xudoodahooda,iyo xidhiidhka ay la wadaagayaan Wadamada kale,sida ay somalilandba ugu madaxbannaan tahay Maamulkeeda iyo arrimaheeda u gaarka ah,intaasi oo shir oo Caalami ah oo dunidu ku khasbayso inay Somaliland ka Qaybgasho ayaad xog ogaal u tahay oo hadana madaxwaynaha Lasoo marsiin waayay inuu ka qaybgalo,tanina waa sidaas oo Kale axmed siilaanyana wadamada kale siyaasadooda uma Yeedhiyo,xidhiidhka caalamka somalialand la Leedahayna,markhaati uma baahna maanta ,inuu meeshii ugu Sarraysay gaadhay abid,mudadii uu madaxwayne siilaanyo Talada hayay,Waxa raytoow aanan garanaynba wax aan u Dhigo,diyaaradda khaaska ah ee madaxweynuhu kaga dhoofo Dalka ,ee sida rakaabka ma raaco Ethiopian airline,iyo jubba Airways,madaarka hargeisana lagu baadhin isaga iyo Wasiiradiisa,waa tusaalaha ugu hooseeya ee aan kaa siin karo Inuu sharaftii haybaddi qaranka kor usoo qaaday,waxa uu Inkirayaa RAYTE in shanta sano ee uu sheegay ee uu leeyahay Ka hor xidhiidhkeennu wuu ka wanaagsanaa sidan imika, inay Somliland-ba heerka ugu hooseeya derejada nabadda ugu Qiimaysnayd qaramada midoobay,iyadoo la meeqaam ahayd BAQDAAD IYO MUQDISHO,Waxa aan caad saarayn RAYTOW Inaanad doonayn ciddii ku talaabsata horumar ee dalkan iyo Dadkiisa wax u qabata ,Si la mid ah, sidii aad uga hor timi in Ceerigaabo oo ah gobolkii lagaa soo doortay, in waddo loo Sameeyo,taasoo taariikhda kuu gashay,dadka reer ceerigaabo Iyo guud ahaan Somaliland-na xasuusan yihiin.

Ta dimoqraadiyada ayaa timi oo had iyo goor RAYTE iyo kuwa Kalee mucaaradku ku cel-celiyaan in wax loo dhimayo

Taas waxa inagaga filan,dardaarankii uu siyaasiga ruug Caddaaga Ah,ee CUMAR CARTE QAALIB,ilaahay cimrigiisa ha Dheereeyee Ka yidhi 1997kii markaasoo la waydiiyay maxaad Kula talin Lahayd dadkaaga reer Somaliland,maadaama ay ka Gudbayso Marxaladdi axdi qarameedka una gudbayso Nidaamka Dimoqradiga ah,waxa uu kaga jawaabay cumar Carte,talo Bixin,taariikhda gashay,oo ahayd hanaanka Dimoqraadiga ahi Waa nidaam ay samaysteen dunida Galbeedku,waa nidaam Suuro gelinaya inay shacbigu awood u yeeshaan inay soo Doortaan hadba hogganka ay talada dalka ku Aaminayaan,sidaasi awgeed way fiican tahay inaynu qaadanno Nidaamkaasi,hase ahaatee waa nidaam loo soo waariday Dalkeenna,waxa uu wiiqaa midnimadii dadka,kolka ay axsaab u Qaybsamaan,taasina waxay khatar gelisaa ujeedadii hadafka Guud ee qaranka,waa in dadka la isku hayaa oo lagu dabbakho Dimoqraadiyadda xikmadii odayaasheenna,dhaqankeenna iyo Sida aynu u noolahay,iyo hadba duruufaha iyo waayaha jira.

Xikmaddaasi kasoo maaxatay maskaxda ruug caddaa Siyaasadeed oo intuu heer qaaradeed ka gudbay heer caalami Soo ahaa nus- qarnigii u danbeeyey ayaa nagaga filan,

Isku soo wada duuboo waa lagama maarmaan in sidii iyo habkii Loogu tala galay doorashooyinku ay uga qasoomaan Dalka,iyadoo geesta kalana kolba wixii xaalad ah aan laga Dudbaynin balse ay lagama maarmaan in la isu kaashado.

By:Ismaaciil Cabdi, Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories