HomeMadal Kulmisay Haldoorkii Bulshada oo lagu soo Bandhigay Diiwaanka SAMA-DOON ee Abwaan...

Madal Kulmisay Haldoorkii Bulshada oo lagu soo Bandhigay Diiwaanka SAMA-DOON ee Abwaan JIHEEYE

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeisa,  (SLpost) – Xaflad lagu daahfurayay Diiwaanka SAMA-DOON oo ah buug uu suugaantiisii ku ururiyay halabuurka da’da yar ee Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye)ayaa saaka lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa.
blankMunaasibaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeennadii 1-aad iyo 2-aad ee Somaliland, Muj. Xasan Ciise Jaamac iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Sulaaddiin, Cuqaal, Halabuurro, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo boqollaal qof oo kale.
Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) oo madasha bandhigga SAMA-DOON hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu ku dheeraaday jidkii uu buuggani ifka u soo maray, isaga oo iftiimin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay macluumaadka uu buuggu xambaarsan yahay.
blankAbwaan Jiheeye waxa uu u mahadnaqay shacabka, ganacsatada iyo dawladda dalka Jabbuuti, isaga oo sheegay in markii uu Djibouti tegay uu hayay oo keli ah hindisaha buugga, laakiin ay iyagu (reer-Jabbuuti) ka midho-dhaliyeen fekerkiisii ahaa in buuggani daabacmo.
“Diiwaankan Sama-doon waxa uu ka kooban yahay 522 bog taas oo uu la wadaago Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah gaar ahaan daabacaaddii ugu horreysay (Razmul Cusmaaniya). Waxa uu xambaarsan yahay 63 Maanso oo u taagan 63-kii sannadood ee uu Nebi Muxammed CSW noolaa” ayuu yidhi Ismaaciil Yuusuf Cabdi.
“Sidoo kale diiwaankan waxa ku jira 13 Sawir, kuwaas oo  iyaguna u dhigan ama ku fadhiya macneyaal badan oo ay ka mid yihiin, in xarafka 13aad ee (Alphabet)-ka ingiriisigu yahay, xarafka (M) oo ah xarafka uu ka bilaabmo magaca nabigeennu SCW” isaga oo mar kale dooddiisa cilmiga ah raaciyay inuu tirada 13 uu u doortay maadaama uu  Nebi Maxammed SCW 13 sanno dacwadda Islaamka ka waday magaalada Mecca al Mukarrama iyo maadaama ay gaaladu tirada 13 u taqaanno mid ka turjumaysa nasiib-xumo, laakiin ay xaggeenna ka tahay xubin nasiib leh.”
blankAbwaanku waxa uu sidoo kale sheegay in SAMA-DOON uu ka kooban yahay laba waaxood oo ay qaybta hore ku qoran tahay suugaantiisii, halka ay qaybta 2-aadna tahay manhajka Af-Soomaaliga ee Dugsiyada sare ee Somaliland. Abwaanku waxa uu xusay in uu sidan u sameeyay, kaddib markii uu ogaaday baahida ay ardayda dugsiyada sare ee dalku u qabaan meel marjac u noqota oo ay ka tixraacaan duruusta afka Soomaaliga ah ee fasallada dugsiga sare.
Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi waxa uu u mahad-celiyay shirkadda SBI oo ka iibsatay 1500 oo nuqul oo ka mid ah Diiwaankiisa SAMA-DOON ka mid ah, kuwaas oo ay shirkaddu ugu deeqaday Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, si ay uga faa’iidaystaan ardayda dugsiyada sare ku jiraa.
blankAbwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi ayaa hadalkiisa ku soo gebagebeeyay Maansada Qummaati oo si xeel fog uga warramaysay qeybaha iyo xikmadda ku duugan Qur’aanka Kariimka ah.
Waxa iyaguna madashaas ka hadlay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Muj. Xasan Ciise Jaamac, Abwaan Yuusuf Shaacir, Suldaan Barre X. Xuseen Carraale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Qoraaga Cabdalla Xaaji Cismaan Ceeleeye iyo aqoonyahan kale, kuwaas oo dhammaantoodba ka hadlay qiimaha Afka iyo qoraalka, isla markaasna Abwaan Jiheeye ku hambalyeeyay tacabka uu kaga midho-dhaliyay diiwaan-maanseedka SAMA-DOON.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories