HomeMadal Kulmisay Aqoonyahan iyo Dibloomaasiyiin Caalami ah oo lagu Soo bandhigay Guulihii...

Madal Kulmisay Aqoonyahan iyo Dibloomaasiyiin Caalami ah oo lagu Soo bandhigay Guulihii iyo Gol-daloolooyinkii Doorashadii Goleyaasha Deegaanka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London, 12 June, 2013 (Ogaal)- Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee ka qayb-qaatay Doorashii Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland, ayaa madal laysku arkay oo lagu marti-qaaday Aqoonyahanno, dibloomaasiyiin iyo Daneeyayaasha Arrimaha Dimuqraadiyadda Afrika, waxa ay ku soo bandhigeen warbixin lagu soo koobay guulaha dhanka doorashooyinka iyo hirgelinta Dimuraadiyadda Somaliland, gaar ahaan Doorashadii u dambaysay ee Goleyaasha Deegaanka.

Warbixintan oo maanta lagu soo bandhigay Jaamacadda London, ayaa waxa lagu faah-faahiyey, qal-qaloocii ku jiray habkii loo maamulay doorashadii deegaanka iyo dhaliilihii ay goob-joogga u ahaayeen ee doorashadaasi wadatay, waxaana si wadajir ah u daadihinayay Dr Gabrielle Lynch oo ka tirsan Jaamacadda Warwick, Richard Dowden oo ka socda Royal African Society, Ayan Mahamoud oo ka tirsan Ururka Fanta iyo dhaqanka ee Kayd iyo Dr Michael Walls oo ka tirsan University College London.

Marti qaad guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland u fidiyeen kormeerida doorashooyinka hay’ada Progressio iyo University College London qaybteeda qorshaynta horumarinta oo hor kacayay 50 xubnood oo kormeerayaal beesha caalamka ka kala socda, ayaa ahayd talaabo daba socotay hannaankii doorashooyinka ee beesha caalamku u kormeertay doorashooyinkii dhacay 2002, 2005 iyo 2010-kii.

War-saxaafadeed hay’adda Progressio maanta ka soo saartay Warbixinta lagu soo bandhigay qaabkii ay u qabsoontay doorashadii Goleyaasha Deegaanka Somaliland ee lagu soo bandhigay Jamacadda London University College, ayaa lagu bilaabay sidan:, “Daba-yaaqadii bishii November 2012 Somaliland waxay hore u sii qaaday talaabo hor leh oo dhinaca horumarka dimcuqraadiyadda ah,  kadib  markii ay qabsadeen doorashaddii labaad ee golayaasha deegaanka ah.

Talaabadani waxay ahayd mid naadir ku ah horu-socodka, sida ay ku sheegeen warbixin ay soo saareen maanta goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee doorashooyinka ka howl gallay (the International Election Observer (IEO) mission).

xaqsoor SupportersDoorashooyinkan oo ay ka qayb gallayeen 2368 murashax oo u tartamayay 379 kursi, iyadoo da’da tartameyaashana hoos looga dhigay 26 jir, gudiga (IEOs) waxa si weyn u soo jiitay ,markii ay indhaha saareen dhaliyaro iyo haween tiro badan oo loolanka qayb ka ah.

140 haween ah oo tartanka ku jiray, ayaa 10 kamid ahi ku  guulaysteen kuraastii ay u tartamayeen, tiradan oo noqonaysa laban laab mid ka badan dumarkii ku soo baxay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee tan ka horeysay oo dhacday sanadii 2002-dii. Waxaanay warbixintu hoosta ka xariiqday inay arintaasi muujinaysay horumarka dowladda Somaliland ka samaysay dhinaca sinaanta raga iyo dumarka iyo xuquuqda haweenka.

In kastoo warbixintu ka dayrisay qaabkii dadku ugu noqnoq deen cod dhiibashada, hadana waxay dhinaca kale gudigu amaaneen dedaalkii dhalinyarada ka howl gallaysay goobaha doorashooyinka oo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwo dugsaday hufnaan iyo dhabar adayg xad dhaaf ah.

Dhacddada kale ee dhiirigalinaysay in dadku ku noq-noqdaan codaynta ayay warbixintu xustay, in ahayd, khadkii loogu tallo gallay inuu ilaaliyo inay dadku dhiibtaan hal cod wax ka badan, oo aan ahayn mid fiican oo ka hortagi karayay sidii aanay howshaasi u dhici lahayn.

Waxa kale oo ay qireen in arinta kale ee suuro gallisay inay dadku hal cod wax ka badan bixiyaan ahayd, diiwaan gallin la’aanta shacabka ee goobaha cod bixinta, oo waxay hoosta ka xariiqday warbixintu in haddii qof ku guulaysto inuu fartiisa ka nadiifiyo gacantu, uu si fudud uga codayn karayay goob kale oo codayntu ka dhacaysay.

Guddiga kormeerayaasha ahi , waxay warbixintooda ku dareen tallo ay u jeediyeen madaxda Somaliland, inay isticmaalaan hanaan adag oo diwaan gallineed kaas oo ka hor tag u noqda  sidii aanay ku noqnoqosho uga dhici lahayn doorashooyinka dambe ee dalku gallayo.

Qayb kamid ah gudiga oo gudaha wadanka ku hadhay, kuwaas oo aan iyagu ka bixin bishii December, waxay soo tabiyeen, in kastoo la tiriyey laguna dhawaaqay natiijaddii doorashada, hadana taasi inaanay noqon mid joojisa cabashooyinkii asxaabta qaranka.

Waxa soo baxay waraaqihii codaynta oo qaarkood la waayay iyo siyaasado guracan oo lagu isticmaalay wakhtigii codayntu socotay oo ay cabasho xoogan ka bixiyeen qaar ka mid ah xisbiyaddii ku tartamayay.

26 kii December, ayay warbixintu xustay in asxaabta qaar badan oo kamid ahi isku biireen , natiijooyinkiina aqbaleen, laakiin mid kamid ah todobadii ugu waaweynaa xisbiyadu inaanu aqbalin doorashooyinkii cabashooyina ka keenay, waxaana nasiib darro noqotay bay tidhi warbixintu, in arintaas cawaaqibkii ka dhashay ay keentay xataa in dad naftooda ku waayaan.

Xaflad la qabtay oo ay ka soo qayb galleen badi xisbiyaddii ku tartamay doorashooyinkuna, waxa lagaga dhawaaqay in Kulmiye, Wadani iyo Ucid ay hantiyeen tiraddii ugu badnayn saamiga codadkii laga dhiibtay gobolada Somaliland, waxaanay natiijaddaasi keentay in saddexdaas xisbi ku guulaystaan saddexda xisbi ee qaranka diiwaanka u gallaya, kuwaas oo ku tartami doona doorasho kasta oo la gallo tobanka sanno ee soo socota.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories