HomeMadal hawl-qabad lagu soo bandhigay oo kulmisay Laba Masuul oo Fiintu...

Madal hawl-qabad lagu soo bandhigay oo kulmisay Laba Masuul oo Fiintu Dhex Miranayso Iyo Jawigii ay ku sugnaayeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirrada Maaliyada iyo Macdanta & Biyaha ayaa markii ugu horreysay tan iyo wakhtigii khilaafkooda caawa ku kulmay qayb Munaasibad balaadhan oo Wakaalada Biyuhu ku soo bandhigaysay Wixii u qabsoomay Sannadkii aynu ka soo gudubnay ee 2011-ka taas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

blankWasiirradan oo labadoodaba ay Wakaaladda Biyuhu ku marti-qaadday inay goob-joog ka noqdaan soo-bandhigidda wax-qabadkooda, ayaa intii ay xafladdu socotay, waxa indhaha dadkii ka soo qayb-galay soo jiitay labada wasiir oo fadhiya laba kursi oo isku xiga isla markaana aan hal mar wax wada hadal ah yeelan, marka laga reebo wasiirrada Macdanta & Biyaha iyo Madaxtooyada oo xansha-shaq hoose wada lahaa. Haseyeeshee, arrinta xiisaha Gaarka ah lihi waxay ahayd in labada masuul oo meel wada fadhiyey uu midba dhinac eegayey si aanay wejiyadoodu isugu dhicin.

Dadkii ka qayb-galay xafladdaas ayaa qaarkood waxay ku macneeyeen jawiga laga dheehanayey Cadho Ururtay oo salka ku haysa khilaafkii Xukuumadda Gil-gilay ee ku dhex maray labadan Wasiir Arrimo dhaqaale taas oo wasiirka Maaliyaddu ku eedeeyey dhiggiisa macdanta iyo Biyaha Lunsi hanti qaran ilaa ay arrintu gaadhay in Hanti Dhowrka Qaranku uu baadhis ku sameeyey wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Wasiirkeeda loo tirinayey leexsashada lacag wasaaradda ka soo gashay shirkado Ajaanib ah.

In kasta oo labada wasiirba ay ka hadleen madasha, haddana midkoodna kamuu hadlin qaddiyaddii la isku maan-dhaafay taas oo loo sibir-saarayo in wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali goobta uga soo qayb-galay inuu kala xakameeyo jawaab-bixin ay labada masuul si badheedh ah ay madashaas ugu gar-naqsadaan.

Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo isagu madashaas ka hadlay ayaa amaan u soo jeediyay maamulka iyo shaqaalaha wakaalada biyaha ee caasimada oo dadaal xoogan sameeyay waxaanu xusay in wasaarad ahaan ay garab joogaan isagoo intaas ku daray in Todobaadyada soo socda ay qorshaynayaan mashruuc ay midowga Yurub maalgelinayso isla markaana kor loogu qaadayo biyaha magaalada Hargaysa sida ceelal cusub oo la qodo iyo dayac tir lagu sameeyo kuwii hore u shaqaynayay.

Wasiirka Wasaarada  Maaliyada Inj Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhiniciisa ka sheegay in wakaalada biyuhu ay horumar la taaban karo ku talaabsatay mudadii uu xilkeeda hayay maareeyaha maamula Ibraahin Siyaad oo ah nin dhalinyaro ah waxaa kale oo uu wasiirka maaliyadu sheegay in wakaalada biyuhu ay dhamaanba ay si haboon isaga soo bixiyeen wixii cashuur ah ee ku waajibay.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in talaabooyinka dhaxal galka ah ee wakaalada biyaha ee caasimada hargaysa u hirgalay ay tahay Tusaale ku dayasho mudan waxaanu xusay in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay taageero muuqata u fidinayso wakaalada biyaha si ay uga soo baxdo waajibaadka ay ummada u hayso waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu ku sifeeyay Maareeyaha Wakaalada biyaha shakhsi hawl kar ah oo ka soo dhalaalay xilkii uu Madaxweynuhu u igmaday.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada Muxumed Aw Cabdi ayaa sheegay in wakaalada biyuhu tahay hay’adaha aan ku jirin miisaaniyada xukuumada dhexe isla markaana sameeyay sharcigii lagu dhaqayay wakaalada kaas oo uu maareeyuhu u soo gudbiyay .

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories