HomeMadal ay ku midoobeen Aqoonyahanka & Dhalinyarada Qurbejoogga Somaliland oo ku taliyey...

Madal ay ku midoobeen Aqoonyahanka & Dhalinyarada Qurbejoogga Somaliland oo ku taliyey in Si deg-deg loo joojiyo Wada-hadallada Soomaaliya iyo Sababta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Gole lagu magacaabo Somaliland Global Diaspora Forum oo ay u midoobeen Aqoonyahan iyo Dhalinyaro u dhashay Somaliland, ayaa bayaan ay soo saareen maanta ku soo bandhigay talooyin ku aaddan wada-hadallada Soomaaliya, waxaanay baaq u direen Xukuumadda Somaliland, dowladda Farmaajo iyo Raysal-wasaaraha Ethiopia.

blankBayaanka oo ay ku saxeexan yihiin Guddiga Sare ee Golaha SGDF, waxa ay caddeeyeen inaanay jirin wada-hadallo lala geli karo Soomaaliya oo ay sheegeen inaanay ka jirin nidaam maamul oo ay ka go’antahay inay wada-hadalladu sii socdaan isla markaana meteli kara Shacabka Soomaaliya.

War-saxaafadeed lagu faafiyey bayaanka SGDF oo xambaarsan xog-ururin iyo documentiyo iftiiminaya geeddi-socodkii wada-hadallada Somaliland & Soomaaliya iyo natiijada uga soo baxday cilmi-baadhis ay sameeyeen, ayaa u qornaa sidan:-

“Somaliland Global Diaspora Forum, oo ah madal ay ku midaysan yihiin xubno ka mida qurbajoogga reer Somaliland oo kala jooga dalal kala duwan oo caalamka ah, waxay xog-raadin iyo wada-tashi ka sameeyeen arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia, iyaga oo diiradda saarayey kulanadii hore u qabsoomay natiijooyinkii ka soo baxay iyo waxa laga filan karo wadahadallo cusub oo ku sii socda jidkii hore, haddaba waxaa kulanadayadaas nooga soo baxay:

  1. In kulanadii hore ee soo socday muddo ku dhow toddoba sano aan wax natiijo ah laga gaadhin, taas bedelkeeda aan la dhaqangelinin heshiis kasta oo la gaadhay.
  2. In Xukuumadda Soomaaliya aanay daacad ka ahayn wadahadalada taas oo ay markhaati u noqon karto xubnaha ay u xulatay wadahadalada oo ah kuwo loo haysto eedo kala duwan oo ay ka galeen Somaliland.
  3. In Dawladda Somalia aanay lahayn qorshe qaran oo ay ku gasho wadahadalada, sidoo kalena aanay daacad ka ahayn midnimada ay raadinayso taas bedelkeeda ay ka shaqaynayso arrimo sii kala fogaynaya labada shacab ee Somaliland iyo Somalia.
  4. In Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia uu ku hawlan yahay inuu la macaamilo madaxdhaqameedka iyo ganacsatada Somaliland, si uu u hareer maro nidaamka dawliga ah, arrintaas oo burburinaysa kalsoonidii ay soo dhiseen madaxdii ka horraysay xukuumadda haatan ka dhisan Somalia.
  5. In Dawladda Somaliland aanay lahayn wax qorshe ah oo bulshadu ogtahay oo ku aaddan wadahadalada iyo sida loo waajahayo natiijo kasta oo soo bixi karta.
  6. In Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo haatan doorweyn ka ciyaaraya wadahadalada labada dhinac, inuu fududaysanayo arrimaha dhexyaalla Somaliland iyo Somalia, isla markaana uu u arko arrin si degdeg ah loo dhamayn karo, taas oo horseedi karta xasilooni darro, haddii wax khaldamaan.
  7. In Wadamada Beesha Caalamku inay hawlohooda ku koobeen inay daaha dabadiisa ka taageeraan.

Haddaba Golaha SGDF wuxuu soo jeedinayaa baaqan:

  1. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo wadahadalada,
  • Si wakhti loogu helo in madaxda labada dhinac ay la dagaalamaan oo u xakameeyaan xanuunka COVID-19 ee haatan ka dillaacay Somaliland iyo Somalia.
  • Si fursad loo siiyo in shacabka Somalia ay soo doortaan xukuumad cusub oo geli karta wadahadal, maadaama xukuumadda haatan joogta uu wakhtigeedii dhammaanayo sannadkan.
  • Si wakhti loo siiyo in shacabka Somaliland ay soo doortaan gole baarlamaan oo la socon kara arrimaha wadahadalada, maadaama sannadkan dhammaadkiisa la filayo inay Somaliland qabato doorashada Baarlamaanka.

2. Waxaan ugu baaqaynaa Somalia inay joojiso qorshaha kala furfurka ee ay ugu gacan haadinayso cid kasta oo ka soo horjeedda Somaliland, taas oo soo celin karta nacayb iyo cadaawad cusub oo labada shacab dhex marta.

3. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ee ku guulaystay jaa’isadda Nabadda, inuu ka shaqeeyo tallaabooyin taageeri kara xasiloonida gobolka, ee uu ka taxadiro in la fududaysto arrimaha dhexyaalla Somaliland iyo Somalia ee la dhamayn kari waayey muddo soddon sano ah.” Sidaas ayay ku sheegeen Bayaankooda.

HALKAN KAGA BOGO WARBIXINTA AY SOO SAAREEN SGDF OO DHAMMEYSTIRAN

[pdf id=79995]

 

 

Allaa Mahad Leh

Guddida Sare ee Golaha SGDF
Khadar Axmed Xasan, Francem globalsomaliland@gmail.com
Maxamuud Haid (Qori), Canada, Mhaid911@gmail.com
Axmedfure, Canada, axmedfure@gmail.com

Official contact email of Somaliland Global Diaspora forum:

globalsomaliland@gmail.com
https://www.facebook.com/Somaliland-Global-Diaspora-Forum
https://www.twitter@globalDiaspora1

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories