HomeMadaarka Hargeysa oo lagu Kordhinayo Xarun Dhismaheedu ku kacayo Boqol Kun oo...

Madaarka Hargeysa oo lagu Kordhinayo Xarun Dhismaheedu ku kacayo Boqol Kun oo Dollar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Jimcihii maanta dhagax-dhigay dhisme ballaadhan oo loo hirgalinayo Waaxda Dab-demiska ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Dhismahan oo isugu jira Hoosooyin loogu talo galay in la dhigo gaadiidka dab-demiska iyo Keyd biyood oo dabka lagula dagaalamo, waxa kharasha ku baxaya oo lagu qiyaasay Boqol kun oo Dollar ($100,000) waxa bixinaysa Xukuumadda Somaliland.

3Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhiga dhismaha, waxa ka qayb galay masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, iyo maamulka Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulista Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibaddaasi ka hadlay ayaa sharaxay baahida loo qabo dhismaha iyo muhiimadda uu u leeyahay ammaanka Madaarka, waxaanu yidhi, “Illaahay ayaa Mahad leh waxaanu maanta dhagax dhigaynaa Xarun cusub oo aynu u samaynayno qaybta da-demiska Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal uu yeelan doono, xaruntani waxa ay ka kooban tahay hoosooyinkii gaadiidka waaweyn ee casriga ah ee aanu Garoonka keenay ay gali lahaayeen ee ku filnaa iyo taangi weyn oo biyood oo gaadiidka dab-damisku ay biyaha ka qaataan wakhtiyada uu dabku jiro, waana qaybta kali ah ee ka dhiman maanta garoonkeena.”

“Xukuumadan maanta uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxay ku dadaalaysaa oo ka go’an in aanu kor u qaadno adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, anaga oo ka duulayna siyaasadda ka Wasaarad ahaan waxa bar-tilmaameed noo ah in aanu Garoonkan caalamiga ah ee Cigaal ee caasimadda aanu casriyeyno, korna u qaadno adeegyadiisa kala duwan dhinaca nabadgalyada, bad-qabka, dhinaca Terminal lada iyo wixi la mid ah,” ayuu yidhi Md Maxamuud Xaashi, waxaanu hadalkiisa sii raaciyey, “Markaa runtii waxaanu ku talo jirnaa in aanu mashruucan dhamays tirno ka hor xilliga Runway-ga diyaaraduhu ku dagaan korodhsiimadeedu uu dhamaanayo iyo Xayndaabka oo immika gebo-gebo ku dhaw, dhamaantiina la qiimayan doono wakhtigaas. Garoonku xilligaa wuxu noqon doonaa garoomada waaweyn ee casriga oo ka mid ah kuwa ugu qiimaha badan Geeska Africa, oo ilaa derejadiisu tahay toban (Category Ten), ujeeddadaas ayaa laga leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo sharraxayey xaddiga maaliyadeed ee dhismaha xarunta loo qorsheeyey, waxa uu yidhi, “Mashruucan waxaa ku bixi doona lacag ilaa Boqol kun oo dollar ah (100.000$) oo dawladda Somaliland ay bixinayso, runtii waxaanu rajaynaynaa in ay si fiican u qabyo tirto shirkadda Daryeel ee dhisaysaa.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories