HomeMadaarka Hargeisa shaqo culus ayaa laga qabtay, shaqo ka sii culusina way...

Madaarka Hargeisa shaqo culus ayaa laga qabtay, shaqo ka sii culusina way u dhiman tahay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kamaan qaybgalin, goobjoogna maan ahayn, furitaankii Madaarka Caasimada Hargeisa uu xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo maalintii 17 Aug 2013. Hase yeeshee,markii aan dhegeystay hadalada Masuuliyiintii ka hadlay xaflada furitaanka ee ay kaga waramayeen hawlaha laga qabtay Airportka, isla markaana aan daawaday sawirada Maqalka iyo Muuqaalka leh ee laga soo gudbiyey Madaarka Caasimada Hargeisa, weliba aan xog waraystay xubno xog-ogaal u ah mashruucan dib u dhiska Madaarka, waxa ii soo baxdey in Garoonka shaqo culus laga qabtay mudadii uu xidhnaa.

Sidaa daraadeed waxaan halkan ka amaanayaa dhamaan cidii hawshaa suurtogalisay hadday tahay dawlada Kuwait oo lacagta bixisay, Wasiirka Duulista Mudane: Maxamuud oo hawshan ka masuul ahaa iyo dhamaan shaqaalihii ka hawlgalayba.

HASE YEESHEE, taa macnaheedu maaha in hawshii Madaarku u baahnaa oo dhan la qabtay, balse waxaan odhan karaa hawshaa la qabtay mid ka sii culus ayaa dhiman oo la`aanteedna aan shaqada Airportku dhamaystirmi karin ama qabyo noqonayso taas oo ah kordhinta dhabaha diyaaradaha ama runwayga.

Waxa qaacido guud oo Aviationka ah, in mar kasta oo Jawiga/Cimilada Airportka ku xeerani sii kululaatoba, ama Jooga/Cabirka Airportku badda ka sareeyaa sii kordhoba, inay diyaaradu u baahanayso dhabe/runway dheer oo suurtogaliya inay la duusho culayska ay sido.

Tusaale ahaan; Dubai Airport (DXB) wax badan kama sareeyo jooga badda (Elevation) waaba 19m/62ft oo keliya, hase yeeshee waxa uu ku yaalaa dhul cimiladiisu kulushahay, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan noqotay in la dheereeyo 2da dhabe ee diyaaraduhu ka haadaan kuwaas oo kala ah 4000m (4KM) 12L/30Riyo 4447m (4.5KM )12R/30L.

Tusaale kale; Addis Ababa Airport (ADD) wuxuu badda ka sareeyaa 2325m oo u dhiganta 7627ft sidaa daraadeed dhabihiisa diyaaraduhu ka haadaan/degaan waa la dheereeyey waana 3800m (3.8KM) taas oo suurtogalinaysa in diyaaradaha waaweyn oo xamuul culus sidaa ay isticmaali karaan.

Marka aan u soo noqdo Hargeisa International Airport (HGA), cabirka/jooga uu badda ka sareeyaa waa 1348m oo dhiganta 4422ft, halka dhererka dhabaha diyaaraduhuna yahay 2438m oo u dhiganta ku dhowaad 2.5KM.

Sida Wasiirka Duulistu sheegay weli ma dhamaystirna dhabaha diyaaraduhu isla markaana wuu ka gaaban yahay dhererka ay u baahan yihiin inta badan diyaaradaha dhexe ee ay ka midka yihiin A320 family sida A318, A319, A320 iyo A321 ama B737 group sida B737-300, B737-400, B737-600, B737-800 iyo B737-900 iwm.

Sida Madaarku hadda yahay waxa ku isticmaali kari lahaa diyaaradihii Ruushku farsameeyey ee shirkadaha Soomaalidu isticmaali jireen kuwaas oo muddo dheer inoo ahaa gaadiidka qudha ee aynu isticmaalo sida AN-24iyo IL-18, balse hadda diyaaradaasi waa la joojiyey isticmaalkooda, ogaantayna shirkadaha Somalidu may haysan diyaarado kooban oo toos uga soo duuli kara Dubai/Sharjah/Jeddah oo ka degi kara Hargeisa Airport.

Sidaa daraadeed, Ethiopian Airlines waa shirkada keliya ee hadda ka degi karta garoonka Hargeisa, iyada oo isticmaali doonta diyaaradaheeda yar yar ee Bombardier Q-400 loo yaqaano,kuwaas oo qaadi kara ugu yaran 70 qof oo isugu jira Business iyo Economy class, taas oo ka dhigaysa inay shirkadaasu heshay fursad qaalli ah oo ay ku soo jiidan karto rakaab badan oo doorbidaya inay diyaarad ku yimaadaan Hargeisa, halkii ay kaga iman lahaayeen Bus ka soo qaaday Berbera marka ay diyaaradaha Somalida halkaa kaga degaan.

Sidaa daraadeed, kordhinta dhabaha diyaaradaha ee Madaarka Hargisi waa lagama maarmaan, inta hawshaasi suurtogalaysona, shirkadaha diyaaradaha ee Somalida waxa la gudboon inay raadiyaan tabtii/xalkii ay ku ilaashan lahaayeen rakaabkooda si aanay uga wareegin, iyaga oo sameynaya soo jiidasho badan sida qiime-dhimis tigitka ah, miisaan badan oo dadka loo ogolaado inay qaataan iwm.

Waa Qalinkii:

Cabdikariim Cali Baarjeex

BA (Hons) Aviation Management

Bristol, United Kingdom

baarjeex@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories