Home"Macsiyada (Dunuubta) dadka samaynaya marka layska qaban waayo way baahdaa, oo dalka,...

“Macsiyada (Dunuubta) dadka samaynaya marka layska qaban waayo way baahdaa, oo dalka, dhirta iyo dhagxaantaba jiidhaa..” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa-(SLpost)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in iimaanka, aduunka, arsaaqda, awooda, aqoonta, dalka, iyo dadkaba ina dhaafin karto macsidu (dunuubta), hadaynaan iska qaban dadka ku jira.

Sheekh Maxamed oo khudbadii shalay kaga hadlayey sababaha dhibaatooyinka dadka bani’aadamka ku dhaca iyo sida loogaga baxi karo ayaa yidhi

“Waxa dalka ka jirta abaaro iyo dhibaatooyin guud ahaan ummadaha islaamka haysta, taasoo mid waliba leeyahay sababo keenay, marka dadku fahmaana kaga bixi karaan, hadii laga noqon waayo ama laga toobad keeni waayana way ka sii daraan mashaakilkaa iyo masiibooyinkaasi.

Mowduuca aynu kaga hadlayno khudbada maanta (shalay) waa raadka (Cuqubada) dunuubta (dembiyada) la sameeyo ay ku yeeshaan dalka, dadka iyo duunyadaba, oo ku yimaada Ilaahay oo la caasiyo, waxay keentaa in nimcadii ilaahay siiyey adoomahiisu meesha ka baxdo, oo dadku ku dambeeyaan waxaa-saanu arki jirnay, maqli jirnay, oo naqaanay, maxaa bedelayba isma weydiinayaan? Ta labaadna waxa weeye in masiibooyin soo bedelaan dheeftii ummadu heli jirtay, sida ilaahay aayad qur’aanka ugu sheegay, “Dheef Ilaahay ummada siiyey ma bedelo, ilaa ummadu bedelaan mahadnaqii Ilaahay, markuu qolo dhibaato la doonana ciddi kama horistaagi karto”

Sheekh Dirir ayaa sheegay in dhibaatooyinka maanta ummadu

 dareemayso ay keentay macsiyadaa, waxaanu yidhi,

“Waxaynu ka dhigan nahay dad ka sheekaynaya dhibaato haysata oon baadhitaan ku samaynayn waxa keenay cudurkiisa, cudurkana dawadiisa gu horeysa waa inaad ogaataa noocuu yahay. Macsiyada iyo dunuubtu waxa ugu horeeya ee dadka ay ka dhaawacaan waa raasamaalka weyn (IIMAANKA) ay jannada ku helayeen hadday ummadu ku gacan-saydhay Ilaahayna wuu ku yareynayaa, sida ilaahay aayadan tusaalaha inoogu soo qaaday, “Waxa jirtay beel degenayd, nabadgelyo haysatay, badhaahde iyo barwaaqo haysatay oo arsaaqadu dhinac walba uga imanaysay, siday ugu jireen ayey nimcadii Ilaahay xadeen (oo sheegeen inaan la siin, hadaanay qawl ku odhana ficil ku muujiyeen) Ilaahayna waxuu ugu bedelay inuu dharkii cabsida iyo gaajada u geliyey, oo abaaro, cadow iyo gaajo ka cabsanayaan, ilaahayna waxuu sheegay inaanu dulmin ee waxii ay sameeyeen ku mutaysteen. Nimcada labaad ee ilaahy ku qaado dunuubta waa nabadgelyada.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in macaasidu ka dhexsaarto dadka sacaadadda uu qofku ka helo raaxadii qalbiga iyo nasashada naftiisa, taasoo qofka ilaahay ku xidhan uu qalbiga ka helo, halka dadka ku gefa iyo gaaladuna ku abuurta werwerka qalbiga, hanti badanba ha haystaane, sida Ilaahay aayad ku sheegay, “Qofka ka jeesta cibaadadayda nolol cidhiidhi ah ayaan geliyaa. Macsiyadu waxay lumisaa nimcada towfiiqda iyo gaadhitaanka halkaad doonayso, sida nebigu CSW xadiis inoogu sheegay, “qofka hamigiisu yahay aduunyada, arrimahiisa wuu kala firdhiyaa, faqrigana labadiisa indhood ayuu saaraa, mana helo waxii looga qoray wax dheer, qofka Ilaahay ku xidhana wuu u kulmiyaa arrimahiisa aduun iyo aakhiraba”

Sheekh Maxamed ayaa yidhi, “Macsiyada dadka samaynaya marka layska qaban waayo way baahdaa, markaa ayey dadka, dalka, dhirta iyo

 dhagxaantaba jiidhaa, oo kharibta ailayn waa sadho iyo sunne, nebi Maxamed CSW waxuu yidhi, isagoo inoo tilmaamaya “dhagaxa Xajarul-aswad ee xaramka yaala, isagoo caanaha ka cad ayaa jannada laga keenay, waxa madoobeeyey duniibta bani’aadamka” raadka macsiyadu (dunuubtu) halkaa ayuu ka muuqanayaa, nebiguna CSW ummadiisa mar walba wuu uga digi jiray aynu ku jirno, maalin ayaa meyd la wado la soo hormariyey, markaa ayuu yidhi “ama wuu raaxaysan ama waa laga raaxaysan” markaa ayuu sii macneeyey oo yidhi, haduu qof islaam ahaa isagaa aduunyada ku dhibanaa oo wuu ka raaxaysan, hadii qof faajir ahaana dadka iyo dalkuba way ka raaxaysteen, qofkastoo faajir ah, walaalkaa, aabahaaba ha ahaadee waa laga raaxaystaa markuu dhinto Nebiguna CSW waxuu yidhi qofkii faajirkaa ahaa jinaasadiisa iska dedejiya.

Sheekh Maxamed ayaa yidhi raadadka macsiyada waxa ka mid ah inay disho quluubta, qofkuna qalbiga ayuu ka nool yahay, waajibaadka Ilaahay inna saarayna waa meelaha laga guto, hadii markaa dadka quluubtu ka dhimato waa qalfoof socda weligood ha isogaadaan ama yaanay is-ogaane, markaa haddaynu soo uruurino waxa aynu u baahan nahay dhamaantood iimaankii, aduunkii, arsaaqdii, awoodii, aqoontii, dalkii, dadkii waxa inna dhaafin kara waa macsidii, intaasi markay kaa xumaadaan, waxaad noqonaysa aqof waalan oo jeel weyn (wadan) iska dhexwareegaya, markaa dadku waa inay ka fekeraan waxa keenay dhibaatada, wadar iyo waaxidba, hadii ummada kii xoolo uruurinaya uu xaaraan, ribbo iyo ummada maalkeeda ka keeno, kii xaragoonayey qaabkii qaalada ku deydo, kii yidhaahda waan istareexayaa balwad bidayo, kii faanaya dhaqanka shisheeyaha iyo daba cararka aragtidooda ku faanayo, dadka sidaa u nool ee afcaashoodii noqotay, side bay Ilaahay wax uga sugayaan? Ilaahay ka quusan maynee, waa inaan toobad keenaa, sidaa ayeynu ku heli karnaa roobka, arsaaqada, urursanaanta, guusha iyo horumarka

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories