HomeMacno Dawladeed iyo Qabiil waa Kala Maane, bal Maxaa Macaanka iyo Nimcada...

Macno Dawladeed iyo Qabiil waa Kala Maane, bal Maxaa Macaanka iyo Nimcada kaa Maydha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxaynu la wada soconaa kaalinta ay saxaafaddu kaga jirto dalka ama mihnada ay dalka ugu fadhido, runtii waxaa wax lala yaabo ah wariye ka tirsan TV-ga caalamiga ah ee ay bulshaddu ku dhaadato in suxufi yari ka majaro habaabiyo hayaanka iyo halganka ay ugu jiraan saxaafadda xorta ah.

Waxayu ognajay in suxufi ku sifoobay cadaalad, in uu umadda u soo bandhigo warar xaqiiqo ku dheehantahay iyo in uu ummaddana uga faa’iideeyaan dhanka horrumarka iyo gaadhsiinta hadba waaqiciga jira, ee ma aha in loo adeegdado hab qabiilaysan.

Qaraal lagu baahiyey jariiradda Waaheen, cadadkeedii Sabtida ee taariikhdu ahayd 01/10/2011 fariinta akhristaha ku daabacay wariyahaasi, qoraal uu si caadifadaysan oo qabyaaladi ku dheehan tahay ugu taageeray maddaxda taladdda dalka ku jirta oo ay isku hayb yahiin, taasoo uu si indho la’aani ku jirto uga leexday waxa uu suxufi ku sifoobay, waxaanad moodaa in uu ka baxay saaxaadda oo ay ahayd in ummadda loogu adeego hab cadaaladi ku dheehantahay. Waxaanu Tv-ga caalamiga ah kula talinaynaa in ay wariyaas ka fogeeyaan in uu ummadda u qabto doodaha, taas oo keeni karta khatar iyo hoos-u dhacna ku keeni karta TV-ga caalamiga ah ee HCTV.

Waxa kale oo aynu ogsoonahay habka iyo hanaanka uu Xisbiga kulmiye ugu guulaystay hoggaaminta dalka, taasoo ka timi dareen shacbi iyo xisbiga oo ummadda ku raacday barnaamujka siyaasadeed ee xiliga u qornaa, maantana Dawladda Axmed Maxamed Siilaanyo u hoggaaminaayo aanay habayaraate ku fadhiyin barnaamijkii xisbiga iyo ka shaqsi ee madaxwayne. Waxaynu ka dharagsanahay maanta halka ay marayso arrimaha nabadgalyada dalka, arrimaha dibadda iyo arrimha bulshadda Somaliland.

Hadaynu soo qaadano ammaanka dalka waxaynu la soconaa maanta sida ay u xoogaysatay SSC da nabad diida ah iyo in lagu talo jiro in Buuhoodle, Cayn iyo Sool laga Hirgaliyo Maamul-gobaleed iyo in ergayga gaar ah ee Soomaaliya ku hawlan yahay sidii Somaliland uu u kala goyn lahaa, kaasoo ah Saaxiibka madaxwaynaha hadda taladda haya.

Waxa kale oo aynu ogayn in ciidamo shisheeye ay si badheedh ah u isicmaaleen oo ka soo gudbeen xuduudeena, taasoo aan abid ka dhicin xukumadii hore wakhtii ay taladda dalka hayeen.

Waxa kale oo aynu ka dharagsanahay in dalku u baahan yahay ictiraaf buuxda, wadadda kaliya ee loo mari karaana ay tahay in IGAD ku qancino qadiyadda Somaliland iyo Saaxiibadda Somliland, haday dalal yahiin iyo haday shaqsiyaad ba yahiin, taasina waa mid ay xukuumada Siilanyo ku fashilantay. Waxaa kale oo dalka soo maray abaaro ba’an oo umadda u gaystay khasaare isugu jira naf iyo maalba, taasoo aanay xukuumadu wixii yaraa ee hordhaca ahaa mooyaane aanay shaqo kale ku yeelan, halka ay lacagtii ummaddan baahan laga ururiyey ay Somaliland u dhashay in Sheekh Shariif ugu yeedho waa hordhaca calaamadaha nabadaynta Soomaaliya, taasina ifafaale u muujisay wadamadda u olaleeya Soomaali wayn.

Waxaa kale oo lama ilaaban ah in xumuumdda hadda joogta ay xukumaddiihii hore ku eedayn jireen, wax qabad la’aan iyo in hantida ummadda la burburinayo, waxaynu la soconaa in wasaarada qaar ay ka baxeen dhismayaasha ay ku jireen oo ay uga yaaceen dayac baanay lahayn iyo qaar hadda gacanta lagu hayo oo la xaraashayo, taasina kow ka tahay hantida ummadda ee la boobayo.

Waxa kale oo ay ummaddani la soctaa qandaraasyadii qaranka halka ay mareen iyo cida loo xil saaray. Hadaba waxaan kula talin lahaa ummadda laxejeclaysa Somalialnd inay u soo gurmaddaan dalka iyo dadkaba

Waxaan ku soo gababaynayaa Tix uu tiriyey Abwan Dhirbaaxo jin.

Hunuun iyo hanaan haduu hadal wax keenayo

Dhaaxaad hadhuub madhan nala horjoogtay

Waxaad maanta haysaad shalay fidin lahayde

Wanagii haraad ugu bakhtinay hogashii dayreede

Waa taad horwayntii baho ugu heshiiseene

Haleeladii irmaanayd nin   kamu heline

Waydinkan hanbayn xeedhyihii wada hagoognaye

Maantana ayaad hodi shaalad heertay dunidee.

Waa qalinkii Maxamed Xuseen Jaamac (Roodhi)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories