HomeMachadka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay Haweenka Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka...

Machadka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay Haweenka Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceel-Afweyn (SLpost)- Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa shalay kulan-diimeed u qabtay haweenka ku dhaqan Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Kulankaas oo ku saabsanaa fahanka saxda ah ee diinta Islaamku ka qabto wanaagga dhex mara dadka muslinka ah , waalid-caasinimada, in caruurta ka baro diinta saxda ah iyo is-jaceylka umad muslinka ah dhexdeeda, waxaana lagu qabtay  kulankaas Magaalada Ceel-afweyn, waxaana ka soo qayb galay Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Sanaag Sheekh Cawil faatax Shirre iyo Haweenka Degmada Ceel-Afweyn.

blankSheekh Cawil Faatax Shirre  oo duruus iyo muxaadirooyin diini ah kulankaas ka jeediyay, ayaa si faahfaahsan uga waramay waxyaabaha diinta suuban ee Islaamku ka qabto in dadka Muslinka ahi wanaag dhexdooda dhigaan, isla markaasna jaceylka u dhexeeya xoogeeyaan “Kulankan diiniga ah ee aynu iskugu nimi waxa weeye sidii aynu iskugu baraarujin lahayn diinteena suuban sida loo baahan yahay in loo fahmo, looguna dhaqmo waayo diintu waa diin xooga saartay sidii dadka muslinka ahi isku jeclaan lahayeen.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cawil Faatax, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Magaalada Madiina ayaa abaari ka  dhacday Nin sheekh ah ayaa yidhi aniga oo habeen masaajidka fadhiya oo berigaas masjidku laydh badan muu lahayn oo madaw  ayuu ahaa markaas nin  ayaa ii soo galay markaasuu mara-yar dhigtay kaabadaha Masaajidka wuu tukaday markii uu salaadii dhamaystay ayuu ilahay dhariyay oo uu yidhi ‘Ilahow roob shub’ siduu ninkii ilahay u barayay isaga oo halkii aan ka kicin ayuu roobkii soo daatay oo si weyn u da’ay, markaas taasi waxay ku tusaysaa in qofka muslinka ah ee dhawr soon ee wanaagsan dadkana aan dhibin, ilahayna raali ka yahay la aqbalaayo ducadiisa.”

blankSheekh Cawil Faatax Shirre, waxa kaloo uu Haweenka kulan-diimeedkaas ka soo qayb galay kula dar-daarmay sidii ay caruurta iyo bulshada dhexdeeda xooga u saaraan barashada Diinta “Waxaa haboon in qofka muslinka ahi uu is-xisaabiyo oo qofwalba naftiisa dib ugu noqdo oo uu yidhaahdo maxaad ku fiican tahay, ma xaga sadaqada, ma xaga barashada diinta, ma xaga wanaag farista dadka, taas marka uu qofku la yimaado ayuu garanayaa waxa uu ku wanaagsan yahay iyo waxa uu ku xun yahayba, taasina waxay keenaysaa in qofku hagaajiyo halka uu ka liito.”

blankUgu dambayntii Sheekhu waxa uu haweenka u soo jeediyay in ay caruurtooda ay xooga saaraan sidii diinta saxda ah loo bari lahaa, taas oo uu sheekhu sheegay in Haweenku uga ogaal badan yihiin raga oo iyagu gacanta ku hayaan caruurta.

Gebo gebadii kulan-diimeedkaas haweenkii ka soo qayb galay waxay Sheekha waydiiyeen su’aalo kala dunan, halkaas oo uu sheekhu jawaabo ku haboon ku siiyay haweenka.

SLpost News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories