HomeMachadka Faafinta Islaamka oo Kulan-Diimeed u Qabtay Ardayda Jamacadaha Burco

Machadka Faafinta Islaamka oo Kulan-Diimeed u Qabtay Ardayda Jamacadaha Burco

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawgala Somaliland, ayaa dorraad kulan-diimeed wacyi-gelin ah u qabtay qaar ka mid ah ardayda wax ka baratada Jamacadaha Burco, Golis iyo Addis ee xarunta gobolka Togdheer.

Kulan-diimeedka machadka Faafinta Islaamku soo qaban-qaabiyey oo ku qabsoomay Hotel Deero ee magaaalada Burco, waxa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolka, Guddoomiyaha Machadka, Culimada machadka, waxgarad iyo ardayda Jamacadaha, waxaaana lagaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin tahriibta, waxbarashada, qabyaalada iyo is-qarxinta,

Ugu horayn waxa kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), waxaanu faahfaahin ka bixiyay kulankaas, isaga oo hadalo dar-daaran ah u jeediyay ardaydii kulankaas ka soo qayb gashay, waxaanu yidhi, “Maanta maaha markii ugu horaysay ee aanu kulan diini ah oo noocan oo kale ah aanu ku qabano magaalada Burco lakiin marar badan ayaanu hotelka iyo jaamacadda Burcaba ku qabanay, anaga oo waayeel iyo dhalinyaraba la kulanay oo wacdiyo diini ah u qabanay, markaas maanta ujeedada aanu dhalinyaradan iskugu jirta wiilashada iyo hablaha aanu kulan diimeedkan ugu qabanay waxa weeye in culimada machadku baraarujin diinteenu ina farayso ay idin jeediyaan, taas oo ku saabsan tahriibta,  waalid caasiga iyo is-qarxinta oo intooduba ah aafo dadka somaliyeed haysata, wadankeena Somaliland-na waxaa imika si xad-dhaaf ah ugu soo badanaysa tahriibta, markaas dadkaas tahriibayaa waxa keliya ee ay u socdaan waa risiq doon, risiqoodana ilahay waxa uu qoray iyaga oo 120 habeen uurka hooyadood ku jira ee waa inaad ilahay aamintaan oo aad naftiina halaaga aad ku tuuraysaan iska ilaalisaan dhalinyarow.”

Guddoomiyaha Machadka Faafintu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Dhalinyarada waxaan kaloo ka wacyi gelinayaa inay diinteena sida ugu saxsan isku dayaan inay u fahmaan oo ay ka tagaan wixii diiniya xaaraan ah sida is-qarxinta oo ah shay aan bananayn.”

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ahna ku simaha Guddoomiyaha Md Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo isaguna ka hadlay kulankaas, ayaa  dardaaran u jeediyay ardaydii kulankaas ka soo qayb gashay. “Halkan waxaa fadhiya arday ka kala socda saddex jamacadood oo burco ku yaala, waxaana tihiin aqoontii wadanka iyo gobolkaba, markaas waxan idinkula dardaarmayaa inaad wixii diinteenu inaga reebtay aad ka foojig nataan waayo imika waxyaabaha beryahan khaatiga laga taagan yahay waxa ka mid ah tahriibta oo waatanoo dhalintii waa iska dhaqaqayaan iyaga oo naftooda halaag iyo silic marinaya, markaas waxaan idin soo jeedinayaa inaad arimaha caqli fiican ku dartaan,” ayuu yidhi Md Ubaxle.

Sidoo kale waxaa kulankaas muxaadiro diini ah ka jeediyaya Sheekh Mawliid Axmed Xasan oo dhalinyarada halkaas isugu timi u iftiimiyay waxa ay diinta islaamku ka qabto arimaha tahriibta, waalid-caasiga iyo is-qarxinta. “Diinta islaamku waa diin balaadhan oo nasteexo iyo wanaag ku dhan yahay, waana diin si cad inoogu sheegtay wixii la raacaayo iyo wixii laga tagaayo markaas inaad nafta binu adamka la dhibo oo waxaan ilahay bananayn loo gaytso waa shay xaaraan ah,” Sidaaas waxaa yidhi Sheekh Mawliid, waxaanu intaas ku ladhay, “In qofku dhiig binu adam oo aan banyan inuu dilo oo uu naf jaraa waa dambi aad u weyn, waxaase ka sii daran inaad naftaadii iyo nafa kale aad qudha ka jarto oo aad isku dhex qarxisaa waa xaraan waana dambiyada ugu culus ee qof galo, markkaas waxaan dhalinyarada ka wacdinayaa inay ka foojignadaan arimahaas khadarta ah.”

Gebo gebadii, ardaydii kulan diimeedkaas ka soo qayb gashay ayaa su’aalo kala duwan waydiiyay culimadii muxaadirada diiniga ah u jeedisay, halkaas oo jawaabo kaafiya laga siiyay waydimahoodii.

Machadka Faafinta Islaamka, ayaa inta badan dhalinyarada kala duwan ee gobollada Dalka u qabta kulan-diimeedyo laga wacyi-gelinayo looguna bayaamiyo waxa ay Diinta Islaamku ka qabto Aafooyinka Tahriibta, Waalid-caasinimada iyo Fekerka Is-qarxinta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories