HomeMachadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Ardayda Dugsiga Boodhinka ah ee...

Machadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Ardayda Dugsiga Boodhinka ah ee Xaaxi

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xaaxi (SLpost) Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland ayaa kulan-diimeed u qabtay Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Muuse Cabdi oo ah iskuul  boodhin ah oo ku yaala Tuulada  Xaaxi oo ka tirsan Gobolka Daad Madheedh.

mfi4
Kulankaas oo lagu qabtay xarunta Iskuulka oo ku yaala duleedka Tuulada Xaaxi, kuna saabsanaa ka hortaga xansha xumadda ka soo horjeeda diinta islaamka sida Is-qarxinta, Tahriibta iyo Waalid-inkaarnimadda, iyo macalin caasinimada, sidoo kale Machadka Faafinta Islaamku waxa uu taakulo wax qabad u fidiyay Iskuulka, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha machadka faafinta islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf, Wakiilka Machadka ee Gobolka Daad madheedh, culimo, Ardayda Dugsiga iyo macalimiinta.

mfi

Ugu horayn waxaa kulankaas hadal ka jeediyay Maamulaha Dugsiga Sheekh Muuse Cabdi Maxamuud Daahir Caraale, waxaanu sheegay in Dugsigan boodhinka ah ay dhigtaan arday ka badan 250 arday oo ka kala yimi goobo kala duwan oo ka tirsan Somaliland, taas oo uu sheegay inay gacanta ku hayso Hay’ad wadani ah oo la yidhaahdo Sumbul “Ardayda ku xaraysan Dugsigan Sheekh Muuse Cabdi ee Boodhinka ah waxay ka badan yihiin 250 arday, waxaana gacanta ku haysa Urur la yidhaahdo Sumbul oo ay ku midoobeen aqoon yahano iyo sheekhyo ka tirsan Somaliland, sidoo kale Dugsigani waxaa la bilaabay 2008-kii, waana dugsi hoose dhexe.” Sidaas waxa yidhi Maamule Maxamuud, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Machadka Faafinta Islaamka ee halkan nagu soo bookhday ee Ardayda iyo Macalimiinta kulan-diimeedka u qabtay waa mid aanu u baahnayn waayo ardayda waxbaanu barnaa oo diinta waanu barnaa, maadigana waanu barnaa, in muxaadirooyin loo jeediyo oo intan oo culimo ahi iskugu yimaadaan waa mid anaga iyo Ardaydaba nagu duxaysa oo wax badan noo taraysa, tanina maha tii ugu horaysay ee Machadkani maanta oo uu wax badan taray iskuulka iyo mid uu hore u taray oo muxaadiro iyo taakulo kale way jirtay, waxanan leeyahay Machadka waa inaad nagu soo noqo-noqotaan oo aad ardayda xaga diinta nalaga dhistaan.”

mfi3Guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Machadka Faafinta Islaamku u taagan yahay ka wacyi gelinta bulshada wixii diinta iyo dhaqanka ku xun “Machadkan Faafinta islaamku waa machad ka shaqeeya arimaha diinta, waxaanu xooga saaraa inuu bulshada qaybaheeda kala duwan u qabto wacdiyo iyo kulamo diini ah oo ku wajahan fahanka saxda ah ee diinteenu qabto, waxaana Machadku ka hortagaa fahanka khaldan ee laga fahmo diinta waayo waxaa imika dunida ku soo kordhay dhaqamo bulshada ku cusub oo ah in qof muslim ahi dad muslim ah isku qarxiyo isaga oo is leh waad saxan tahay, taas oo aynu og nahay inay tahay halaag qofka u horsaydaysa naar iyo in q      qofku toobada ka dhaco, waxa kaloo Machadku xooga saaraa sidii dhalinyrada tabriibta looga wacyi gelin lahaa, taasna waxaa sameeya culimo Machadka ka tirsan oo jooga dhammaan Gobolada Dalka.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Maxamed Cabdi.

mfi2Sheekh Kayse Maydal Cabdi oo ah Wakiilka Machadka ee Gobolka Daad Madheed ayaa muxaadiro diini ah u jeediyay Ardayda dhigata Dugsiga Boodhinka ah ee Xaaxi, waxaanu dardaaran u jeediyay Ardayda iyo Macaliminta Dugsigaas “Diinteena suubani waxay inoo sheegtay in qofku wixii ay ka reebtana laga tago wixii ay fartana la raaco markaas macalimiinta waxaan u soo jeedinayaa inay ardayda diinta baraan oo ay xooga saaraan barashada xadiisa iyo culuumta diiniga ah.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Kayse, waxaanu intaas ku ladhay “Diinteenu waxay reebtay in qofku naftiisa dilo nafa kalena dilo, taas oo imika ay dhacaan in dad is-qarxiyaan oo ay dilaan dad aan waxba galab san oo masaakiin ah, markaas hadii dadku diinta si fiican u bartaan ubadkoodana baraan waxa imanaysa in wixii xaaraana ee inaga reeban aynu ka hadhayno.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories