HomeMachadka Faafinta Diinta Islaamka oo Xarunta Agoomaha Hargeysa gaadhsiiyey 200 oo kursi

Machadka Faafinta Diinta Islaamka oo Xarunta Agoomaha Hargeysa gaadhsiiyey 200 oo kursi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 07 February, 2012 (SLpost)- Machadka Faafinta Diinta Islaamka, ayaa deeq qalab ah oo dhan laba boqol (200) oo Kursi, shalay gaadhsiiyey xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa, qalabkaas oo ay hore u ballan-qaadeen Masuuliyiinta Machadkaasi.

blankMunaasibad loo sameeyey wareejinta Qalabkaasi oo lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo isagu deeqdaas guddoomay, Guddoomiyha Machadka Faafinta  Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtoyada Aamina Maxmuud Diiriye, Agaasimaha Xafiiska Siyaasadda iyo Xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir ku Simaha xarunta Agaasimaha Agoomaha, Masuuliyiin ka socday Ururka Haweenka  ee NAW iyo marti sharaf kale oo badan.

blankGuddoomiyiha  Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), oo ugu horay ka hadlaya halkaasi ayaa sheegay inay Kaalmadqani tahay mid ay hore u balan qaadeen oo ay Oofinayaan, isla markaana ay doonayaan inay ku caawiyaan Xarunta Agoomaha ee Hargeysa. “Alaabtan aanu u keenay Xarunta Agoomaha, waxay ahayd mid aanu hore u ballan-qaadnay maalintii aannu Dharka keennay oo uu ILLAAHAY noo soo sakhiray, waana Laba Boqol oo kursi, immikana waxaannu ku dedaali doonnaa sidii aannu Miisas-koodii u heli lahayn, waxaannu tegeynaa Xarunta nalaga Xukumo ee Nairobi ku taalla. Markaas ayaannu ku odhan doonnaa Madaxda Machadka Faafinta Islaamka, waxa loo baahan yahay Miisaskii, haddii kale waxay noqonaysaa Alaab kala dhiman.” Sida aayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge).

blankKu-simaha Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa   Canab Xasan Nuur oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegtay inay aad ugu mahad celinayaan Machadka Faafinta Islaamka ee Deeqda u keenay, isla markaana ay ka guddoomeen.

Agaasimaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo iyadina halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay si fiican ula shaqaynayaan Machadka Faafinta Islaamka, isla markaana ay aad ugu mahad celinayaan Kaalmada fiican ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinti Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, isyada oo sheegtay inay Machadkani yihiin qaar ku dadaalaya inay wax taraan Caruurta Aagoomaha ah eek u jira Xarunta Agoomaha aadna ay ugu mahad naqayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex  Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo ugu dambayntii ka hadlaya goobtaasi ayaa sheegay inay Kaalmadani tahay mid wax ku ool ah oo wax badan ka tari doonta baahida ka jirta Xarunta Agoomaha ee Hargeysa , isaga oo uga mahd celiyey si ay isugu xilqaameen inay wax taraan Caruurta Agoomaha ah eek u jira Xarunta Agoomaha Hargeysa, waxaanuu ugu dambayntii ka guddoomay 200- ee Kursi ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinta Diinta Islaamku.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories