HomeMachad Caalami ah oo ku Baaqay in Aqoonsiga Somaliland Dan u yahay...

Machad Caalami ah oo ku Baaqay in Aqoonsiga Somaliland Dan u yahay Siyaasadda dunida ee Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington(SLpost)- Machad caalami ah oo arrimaha siyaasadda dunida ka faallooda, ayaa Xukuumadda Maraykanka, ugu baaqay inay taagan tahay wakhtigii ay si rasmi ah u aqoonsan lahayd madax-bannaanida Somaliland, taasoo lagu hambalyeyn doono tallaabada Siyaasadda dhiirran ee ay ku taageerayso dalkan Muslimka ah ee dimuquraaddiga casriga ah.

Sidaa waxa lagu sheegay Warbixin uu soo saaray Machadka Siyaasadaha iyo Xidhiidhada Caalamka ee Maraykanka. Warbixintan oo u diyaariyey Mr. Peter J. Schraeder oo ah Khabiir Madax ka ah Waaxda Siyaasadaha Caalamka ee Jaamacadda Chicago, waxa uu ku sheegay in Somaliland haddii ay hore ula Midowday Soomaaliya, sharciyan ay xaq u leedahay inay dib uga soo noqoto. Qoraalka Warbixintaas oo dheerayd, kuna qornayn Luuqadda Ingiriisida, balse Bahda Wargeyska Himilo Soomaali ku turjuntay waxay u dhignayd sidan:-

“Waxa muhiim ah in la ogaado markii Somaliland xornimada qaadatay inay si rasmi ah u noqotay dal madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ka tirsan, isla markaana aqoonsadeen Shan iyo Soddon waddan oo Maraykanku ku jiro, maalmo ka dibna si aan khasab ahayn ayey ula midowday Koonfurta, si loo abuuro Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Shacabka Somaliland waxay aamminsan yihiin in maaddaama oo Midnimadooda Koonfur aan lagu khasbin, sida Xeerka Caalamku dhigayo ay xaq u leeyihiin inay ka laabtaan haddii lagu hungoobo, sida hore-ba ay u sameeyeen waddamo la aqoonsanaa oo Midoobay haddana kala noqday sida East Timor, Eritrea, Gambia, iyo waddamadii ka farcamay Midowgii Soofiyeeti iyo Yuguslaafiya.

Nidaamka dimuquraaddiga ee Somaliland waxa hore u ammaanay Machadka dhiirrigelinta dimuquraadiyadda iyo Machadka Caalamiga ee Jamhuuriga dood-cilmiyeed ay qabteen September 2006, oo ay ka soo saareen Warbixin ay ku sheegeen; ‘raacitaanka nidaamka dimuquraadiyadda Somaliland, joogtaynta qabashada doorashooyinka, oo dhammaan lagu qanco natiijadoodii, kaalinta ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal, sida ay u tashiilaan kheyrraadkooda kooban, waxyaalahaa iyo kuwo kale oo badani waxay muujinayaan qaan-gaadhnimada nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland oo badi aan laga helin dunnida kale.’

Caqabada kale ee hor-taagan Aqoonsiga Somaliland, ayaa ah in lagu riixay Qaaradda afrika, dadka ka soo horjeeda ayaa ku dooda in Maraykanku sugo inta waddamada Qaaradda Afrika bilaabayaan, tallaabadaas oo hore Ku-xigeenkii Xoghayaha arrimaha dibedda arrimaha Afrika Jendayi Frazer, ugu dhawaaqday, ayey isweydiintu tahay ma muuqataa in Midowga Afrika tallaabadaas ku dhiirranayaan, taa bedelkeedana waa inaanay noqon marmarsiinyo Maraykanku kaga gabbado ka jawaabista arrinka Somaliland.

Wakhtigii Maraykanku aqoonsan lahaa Somaliland wuu taagan yahay, maaha keliya wakhtigii ku habboonaa, balse waa danta siyaasadda Maraykanka. Aqoonsiga Somaliland waxa uu furi doonaa kaalin beesha caalamku ula macaamisho, isla markaana u noqon doontaa cashar waddamadda gobolku (keliya aan ahayn Soomaaliya) ku deydaan, in abuuritaanka nidaam dimuquraaddi shaqeynaya, abaalmarin lagu helo, Maraykankana waa lagu hambalyeyn doonaa qaaditaanka tallaabo siyaasadeed dhiirran ee ku aqoonsado dalkan (Somaliland) Muslimka ah ee nidaamka dimuquraadiyadda casriga qaatay.”

xigasho Himilomedia

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories