HomeMacdarrada Baabuurta lagu Iibiyo oo Caasimadda Looga saarayo dibadda iyo Istaamada Basaska...

Macdarrada Baabuurta lagu Iibiyo oo Caasimadda Looga saarayo dibadda iyo Istaamada Basaska oo goobo kale loo rarayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maayarka Caasimadda oo sheegay in BOQOLKIIBA KONTON (50%) shacabka ku Dhaqan Xaafadaha Hargeysa aanay Cashuurta Bixin

Hargeysa (SLpost)- Macdaarrada lagu iibiyo noocyada kala geddisan ee gaadiidka laga keeno waddamada dibadda oo gudaha Caasimadda ku dhex-yaalla, ayaa loo qorsheeyey goobo ka baxsan magaalada oo loo rari doono.

Maayar-SoltelcoQorshaha dawladda Hoose goobaha cusub ugu rarayso Macdarrada, ayaa ka dambeeyey ka dib markii mid waliba samaystay xayndaab cidhiidhi ku keenay gudaha Magaalada isla markaana ay amni-darro ku sababtay gaadiidka ku xeraysan oo u nuglaaday inay si fudud khasaare uga soo gaadhi karo rabashadaha dhalinyarada xilliyada habeenkii.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelco), sharraxaad ka bixiyey qorshe ay Dawladda Hoose goobo kala duwan oo loogu talo-galay in ay dagaan macradadda Baabuurta lagu iibiyo, goobahaas oo ku yaala darafyada magaalada oo ay dawladda Hoose Leedahay.

Maayarka Caasimaddu waxa uu muddeeyey wakhtiga macdarrada loo rari doono goobaha cusub ee darafyada magaalada ku yaala, isaga oo in aanay jiri doonin macdarad laga furi doono gudaha caasimadda.

“Maanta laga bilaabo wax macrad ah oo Hargeysa laga furi doona ma jirto, dibaddaa loo wada saaraya, waxaanu u diyaaarinay dhulkii Maalgashiga, waana loo diyaariyey dhul ay gaadiidkooda ku iibiyaan, dhulkaasi oo labada Koone ee magaalada ah, laba bilood ka bacdi macrad dambe oo ka furnaan doona ma jirto,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Soltelco oo warbaahinta kula hadlayey Hargeysa shalay.

Maayirka Caasimadu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay inaan macrad laga furan karin Xaafadda Shacabka ee Hargeysa oo ah meesha ay ku yaallaan Macdarrada ugu badan ee baabuurta lagu iibiyo magaalada Hargeysa. Isaga oo dhinaca kalena kaga dhawaajiyey qorshe aan wali lagu dhaqaaqin oo Istaamada Basaska laga raaco loogu rarayo goobo ku habboon.

“Khaasatan shacabka iyo agagaarkeeda, waxa kale oo aanu wadnaa in istaamadda dibadda loo raro oo gaadiidka dibada looga saaro,” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa.

Cabdiraxmaan Soltelco, waxa uu dhinaca kale baaq u jeediyey shacabka magaalada oo uu ku dhaliilay nidaamka cashuur-bixintooda oo aad u liita, isagoo xusay in boqolkiiba 50 shacabka caasimaddu aanay bixin cashuurta ku waajibtay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories