HomeMacalin wax ka dhiga Kulliyad u gaar ah dadka aaminsan Mad’habta Catholic...

Macalin wax ka dhiga Kulliyad u gaar ah dadka aaminsan Mad’habta Catholic oo iska casilay si uu Raysalwasaare ku-xigeen uga noqdo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankLondon (SLpost)- Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah kulliyadaha ay wax ka bartaan dadka haysta mad’habta Catholic ee dalka Ingiriiska ayaa ka yaabiyey asxaabtiisii iyo ardaydiisii ka dib markii uu ku fashilmay inuu dugsiga ku soo noqdo fasaxii ka dib, maxaa yeelay waxa uu shaqo cusub ka helay dalka Soomaaliya isaga oo loo magacaabay ku-xigeenka Raysalwasaaraha Dalkaas.

Shabakadda wararka ee Somalilandpost.net oo ay u suurto-gashay inay hesho macluumaadka la xidhiidha noloshiisii Ingiriiska iyo sida uu shaqada ku helay, Maxamed Ibraahim oo 64 jir ah waxa uu labadii sanno ee u dambeeyay bare ka ahaa Kulliyadda Newman Catholic College ee bariga magaalada London.

Si kasta ha ahaatee, Mr. Ibrahim oo si weyn lug u yeeshay siyaasadda dalkiisa, waxa dib loogu yeedhay inuu jago sare ka qabto dawladda ku-meel gaadhka Somalia ee reer galbeedku taageero taas oo loo soo bandhigay dhammaadkii xagaagan.

Maamulaha kulliyadda uu ninkan ka tirsanaa oo lagu magacaabo Richard Kolka oo ka hadlaya markii ugu horreysay ee uu ka war helay mid ka mid ah shaqaalihiisa  oo siyaasadda  u janjeedhsaday ayaa yidhi, “Waxaan markii ugu horreysay ka maqlay arrinka Maxamed mid ka mid ah shaqaalaha kulliyadda oo Soomaali ah kaas oo ii sheegay in loo magacaabay jago muhiim ah oo siyaasadeed.” Isaga oo hadalkiisa raaciyay, “Waxaan magaciisa ka baadhay internetka, dabadeed waxa ii soo baxday in loo magacaabay ku-xigeenka raysalwasaaraha Soomaaliya, taasina waxay igu dhalisay layaab iyo u-qaadan-waa.”

blankMr. Kolka waxa uu sheegay in tallaada uu ninkani ku dhaqaaqay aanay daacadnimo ku salaysnayn. Waxa uu xusay in Maxamed la soo xidhiidhay bishii August isaga oo u sheegay inaanu ku soo laabanayn shaqada oo loo magacaabay raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

“Waan u hambalyeeyay, laakiin waxay ahayd inuu qirto inay ka mid tahay xaaladaha aanad mararka qaar rumaysan karin,” ayuu yidhi Maamulaha kulliyaddu.

Mr. Ibrahim waxa uu iscasilaaddiisa ku sheegay in dalkiisa looga yeedhay loona soo bandhigay inuu  laba xil isku qabto – Raysalwasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha Dibadda.

blankFarriinta Email-ka ah ee kula soo xidhiidhay kulliyadda ayuu ku sheegay, “Waxa si lama filaan ah la iiga yeedhay dalkayga intii aan ku gudo jiray fasixii xagaaga wakhti dalkaygu dhex dabbaalanayo dhibaatooyin bani’aadnimo sida abaaro iyo macaluul. Mar kasta waan xusuusnaan doonaa Newman Catholic College mana illaabi doono asxaabtaydii aan isku wanaagsanayn.”
Waxa uu u ballan-qaaday inuu dugsiga soo booqon doono marka uu London yimaaddo ka dib marka uu ka soo qayb galo Fadhiga Golaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York dhammaadka bishan.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories