HomeMacalin: Haddii Lagu Hagraday Waa In Aad Hadashaa

Macalin: Haddii Lagu Hagraday Waa In Aad Hadashaa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Wasaarada maaliyadu in muddo ah waxay la kulmaysay madaxda wasaaradaha, hay’adaha kale ee dawlada iyo talisyada ciidamada kala duwan si qolo kasta loo la eego miisaniyada ay wasaarada maaliyada u soo gudbiyeen si loo diyaariyo Miisaniyada qaranka ee 2016, in kasta oo shaqaalaha iyo ciidamadu rajo ka qabeen in sanadkan mushaharka loo kordhiyo waxa la xaqiijinayaa in aan waxba loogu darin miisaniyada xataa lama soo hadal qaadin in wax la kordhiyo.

 

Bal dib u xusuuso balanqaadkii Kulmiye ee ahaa in mushaharka loo kordhin doonan 300%, balanqaadkas oo qof kasta hunguri galiyey xata ilaaladii gaarka ahayd ee madaxweynihii hore waxay codkoodii siiyen Kulmiye doorashadii Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa 2010, maantase waxay u arkaan in uu ahaa balanqaad been ah oo lagu khiyaameyey.

 

Si kasta ahaate macalamiintu nolol ahaan waxay ka sii liitan shaqaalaha kale, korodhsiimadii mushaharka ee ahayd 100% macalinka waxba uma ay  kordhin sababta oo ah boqolna waa laga jaray, boqolna waa loo kordhiyey.

 

Shaqada ama wax soosarka (out-put) macalinka niyad jabsan waxay ka muuqata tayada waxbarashada dugsiyada dawladu maamusho oo maraysa heerkii ugu hooseysay ee soo mara waxbarashada Somaliland, waxay ka liidataa wakhtigii ardayda wax ku baran jirtay fasalo saqafku ka maqan yahay ama kuraasidu ahayd daasadaha madhan ee caanaha.

 

Dugsiyadii dumay waa la dayac tiray kuwo kalena waa la dhisay laakiin ardayada dugsiyada dawladu ma helaan sacado ku filan oo ay wax ku bartaan, maalamaha qaar waxa la waaya macalinkii xiisadaha lahaa sababta oo ah wuxuu ka dhexeyaa dugsiga dawlada iyo kuwa private-ka ah sidaa awgeed surto gal ma ah in ardayda loo dhameystiro manhajkii sannad dugsiyeedka loogu talo galay.

 

Hadaba wasaarada waxbarashadu dhaliisha tayo xumada waxbarashada, cabashada ardayda iyo waalidka waxay ku dambabastaa in imtixaanka shahaadiga  ah ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sarre imtixaanka ay wada gudbaan oo aan qofna ka dhicin, natiijadaasi oo isla marka saameyn ku yeelata tayada Jaamacadaha Somaliland, waana khalad weyn ama dambi ay wasaaradu ka gashay nidaamka waxbarashada dalka.

 

Xukumada madaxweyne Siilaanyo dan kama laha tayada waxbarashada, waxay ka doorbidaa tirada badan oo waliba la sii buunbuuniyo si ay ugu faanto.

Si kasta ha ahaate macalinka Somaliland ma helo mushaharkii iyo xuquuqdii uu ku lahaa dalkiisa, inkasta oo dhaqaalaha dalku yar yahay hadana macalimiinta looma waayeen mushahar ka dabooli kara baahiyaha asaasiga ah ee nolosha haddii miisaniyada si haboon loo qorsheyn lahaa ama loo maamuli lahaa, laakiin xukumada madaxweyne Siilaanyo waxay mudnaanta siisa meelo aan mudnayn, sida labatan hay’adood iyo ‘Commission’ oo wax shaqo ah oo muhiim ah dalka u qaban marka laga reebo shanta hay’adood ee distoriga ah hase ahaate mid kasta waxa loo qoondeyaa miisaniyad la mid ah ama ka baddan inta loo ogolaado wasaarado waaweyn oo shaqo muhiim ah u haya dalka.

 

Ujeedada hay’adahan loo aasaasay waxay ahayd in rag mansabyo loogu sameeyo iyo mushahar baddan oo fadhiga lagu qaato, hawlwadeenada hay’adaha iyo Commission-nada bishii waxay qaataan gunno, mushahar iyo xuquuqo kale oo marka laysku geeyo 10 jibaar ka badan mushaharka macalinka sidaasi darteed waxa lagu tilmaami kara in ay yihiin cayayaan ku nool dusha (parasite) macalinka cawlan, hawlwadeenada daalay ee wasaarada Caafimadka iyo askari wakhti kasta heegan ku jira.

 

Dadka cilmiga dhaqaalaha wax ka yaqaana waxay is waydiiyaan aqoonta, ujeedada, iyo doorka gudiga wasiirada ah ee u xilsaaran siyaasada iyo isu-dheelitirka dhaqaalaha dalka, waayo waxay meesha ka saari la hayeen hay’adahan la degay dhaqaalihii dalka ama  waxa lagu kala dari lahaa wasaaradaha.

 

Si kastaba ha ahaate macalin haddii lagu hagraday waa in  aad hadasha oo codkaaga la maqalaa, sootii hore loo yidhi : ”Nin aan hadal hooyadii qadisay”.

 

Runtii macalimiintu waa xoog aan idhaha laga lalin Karin ama dhawaaqooda dhegeha laga fureysan Karin, laakiin waxaan u maleynayaa in aanay awoodooda garan oo aanay isba ogeyn sidaasi daradeed waxaan ku baraarujin lahaa bal in ay is tijaabiyaan si ay quwadooda u arkaan ama loo tix-galiyo.

 

Cabdiraxman Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories