HomeMacadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Bulshada Ceerigaabo

Macadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Bulshada Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Macadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa todobaadkan kulan diimeed u qabtay bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

blank

Kulan-Diimeedka oo oo lagu qabtay badhtmaha Magaalada Ceerigaabo, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Macadka Faafinta Islaamka, Wakiilka Macadka ee Gobolka Sanaag, waxgarad iyo dadweyne tiro badan, waxanay kulan-diimeedkaasi ku saabsanayd fahanka saxda ah ee Diinta Islaamku ka qabto  Tabriibka, Waalid-caasinimada, isqarxinta iyo fahan xumida ku timaada barashada Diinta Islaamka.

blankWaxaa ugu horayn kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Macadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo faahaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda iyo shaqada uu Macadku u hayo bulshada islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland, “Anaga oo ka kooban madaxdii sare ee Macadka Faafinta Islaamku, waxaanu safar shaqo ku nimi Gobolka Sanaag oo aanu soo marnay tuulooyin badan oo Gobolka ah, ujeeddada aanu u nimi waxa weeye inaanu dadka ka wacdino Tabriibta, Waalid-caasinimada, isqarxinta iyo fahan-xumida ku timaadda barashada Diinta Islaamka, markaas waxaan idin soo jeedinayaa bulshadiina ka soo qayb galay muxaadiradan diiniga ah ee ay idin jeedinaya sheekh-yada machadku inaad dhugmo iyo soo jeed wanaagsan ku qaabishaan oo aad laabta iyo qalbiga u dhaadhicisaan macaanka ku jira diinteena,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Mooge, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Macadku waxa uu ka shaqeeyaa dhammaan Gobolada Somaliland, waxaanu xafiis ku leeyahay Magaalada Ceerigaabo  oo madaxdiisu halkan inala fadhido.”

blankSheekh Cawil Faatax Shire oo ah Wakiilka Macadka ee gobolka Sanaag oo halkaas muxaadiro diiniya ka jeediyay ayaa tilmaamay faa’iidada ay leedahay ku-dhaqanka waxyaabaha ay waajibisay diinta Islaamku, “Madama oo Diinteenu tahay mid naxariis badan, waxaan idin soo jeedinayaa inaad si sax ah diinta u barataan oo aad xoogga saartaan fahanka saxda ah,” ayuu yidhi Sheekh Cawil, waxaanu intaas ku daray, “Macadku waa machad diini ah oo ka shaqeeya arrimaha Diinta, waxaana inala jooga madaxdii u saraysay Somaliland, safarka dheer ee intaas le’egna waxay u soo galeen faafinta Islaamka iyo inay la kulmaan bulshada reer Sanaag.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories