HomeMaca salaama

Maca salaama

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

mada dhabankayga ka socotaa waa yeelkeed, bal may xinjiro dhiig ah noqoto. Danba kama lihi sankayga duufka ka hooraya, bal muu malax noqdo. Murugta i haysaa may sun noqoto, aan ku go’ee. Adduunyada hal mar maan ka tago oo la i waayo. Habaar ka sii wayn kan iminka i haystaa muu igu habsado. Dhulku muu ila go’o ama iga go’o. Aniga oo nool maa la i aaso. Waxba yaan la igu tukane, miyaa degdeg la iigu tuuro iilka. Iyada oo aan la ii naxariisan miyaa sida maro xun oo calal ah ama xabbad dhagax ah la igu magoojiyo. Dhulgariir miyuu dhaco oo dunidu isku dhalaasho. Masiibooyin tiro beelay miyuu Ilaahay darandoori u soo daayo. Dhammaantood miyey aniga, kaliday oo cad oo madaw, igu dul basbeelaan. Qiyaamaha la sheegaa hadda inuu kaco wacnaan lahaydee. Dadka Ilaahay miyuu kala xisaabo oo badhna biyaha naarta qudh-qudhsiiyo kadibna cadaabo, badhka kalena jannadiisa miyuu ku casuumo. Inta uu cadaabta ku guray miyuu aniga lambar wan iga dhigo, si aan naftayda uga aargoosto. Wax aan hore u jirin oo aan magac iyo muuq toona lahayn maan iska ahaado. Qasaaraha aan dunida la joogo, bal maan dhan uun ula dhaafo.

Magaaladii aan ku noolaa markii aan ka soo baxayey, cid i qabata ayaan waayey. Xadhig in la igu tigtigo ama jeelka la ii taxaabo ayaan ku rayn lahaa. Sidaasi haddii ay dhici lahayd sidan maanta dhacday may dhacdeen. Qofkii aan maalintaa ahaa ayaan ahaan lahaa, halka aan maanta qof kale ka ahay. Madax-adaygii aan ku socday dartii madaxaygu wuxuu istaahilaa in la iga gooyo. Kelidii inta meel loo la baxo in la rarmiyo oo raran lagu deebiyo ayuu ku wacnaa. Sidaas ayaa abaalkiisa ah illaa laga waayo. Naciima-qallaafadii cagaha marmarootay ee waxan oo dhan ila soo doonatay, halaag iyo hoog adduunyo Ilaahay in uu hal mar u wada dhammaystiro ayey ahayd. Iyadu maanta midh ma qabto anna meeli iima noola. Toddobadii wiil ee nala socday, saddex madaxa ayaa laga toogtay, laba dhexda ayey ku soo dhinteen, midna waa la qafaashay. Kaa la qafaashay in iminka jidhkiisa la sarrifay oo la furfutay ayaan u malaynayaa. Shantayadii hablood, mid waanu waynay, midna dhexda ayey ku soo go‘ day, midna iyadoo nool ayaanu iskaga nimi markii ay socon kari wayday, aniga iyo mid kale ayaa soo hadhnay. Labadayada waa nala qaatay. Rag ayaa meel cidlo ah nala tagay oo naga soo go’ay. Sidii laga yeeli jiray ee abaalkoodu ahaa dadka is nacay, sidayada oo kale, ayey naga yeeleen. Allaylehe baga.

Keliday, habeenkii koowaad, siddeed iyo toban nin ayaa isa ga kay degay. Intii wixii ka dambeeyey waan suuxay oo dunida waan iskaga dheelmaday foolxumadeeda iyo waxa ka dhacaya. Way ii wanaagsanayd sidaasi, waayo aniga oo nool ayaa la i cunaayey oo jiidhkayga la googoosanayey. Markii aan soo baraarugay lug ayaa i jabnayd, wajigayga oo dhamina wada nabar ayuu ahaa. Dad i ma helin ee bahallo ayaa i helay. Saaxiibaddaydii kale, iyadu ka maba ay soo noqon koomadii oo sidii ayey kaga hoyatay adduunyadan uraysa. Ilaahay in uu iga dabageeyo, ama iyada booskeeda igu beddelo, ayaan niyadda ka jeclaa. Waayo in aan noolaado ma doonayo. Warqaddani waxa ay ugu dambayn doontaa wax afkayga ka soo baxa. Xilligga aad akhriyeyso warqaddan, aniga indhahaygii ciid ayaa gashay, waayo waan dhintay. Gacantayda ayaan isku dilay. Warqaddan haddii aad maydkayga ka dul hesho, fadlan la xidhiidh ciddaydii. U sheeg in aanay i cafin aniguna aanan naftayda cafin doonin.  Maca salaama.

Khadar Cabdi Cabdilaahi

Vienna, Austria

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories