HomeMac-hadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Wax-garadka degmada Baligubadle

Mac-hadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Wax-garadka degmada Baligubadle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

DSCN0855Balligubadle (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawgala Somaliland, ayaa kulan-diimeed wacyi-gelin ah u qabtay Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Kulan diimeedkaas oo lagu qabtay hotel Al-Xayaat ee Baligubadle, ayaa lagaga hadlay kaalinta ay ka qaadan  karaan waxgaradka ka wacyi gelinta bulshada arimaha dhaqan-xumada iyo waxa diinta islaamku ka qabto  ee ay ka mid yihiin in si khalad ah lo fahmo diinta, waalid caasimiga, is-qarxinta iyo adeecid la’aanta  dhexdooda, waxaana ka qayb-galay guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka, culimada Machadka, Maamulka Gobolka Hawd iyo waxgarad ka kala yimi daafaha Magaalada Baligubadle.

MACHADKA FAAFINTA (2)Ugu horayn waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Machadka ee Gobolka Hawd Cumar Jamac Ducaale,  waxaanu sheegay inuu soo dhawanayo culimada ka socota Machadka Faafinta Islaamka ee booqashada ku tagay Magaalada Baligubadle, waxaanu carrabka ku dhuftay inay farxad weyn u tahay isaga iyo bulshada deegaankaas ku dhaqan inay soo booqtaan qaar ka mid ah culimada ugu waaweyn wadanka Somaliland.

MACHADKA FAAFINTA (1)“Maanta farxadweyn ayay noo tahay inay na soo booqdaan weftigan ballaadhan ee uu hogaaminayo guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Mooge ee uu ka mid yahay Sheekh Carab ee safarkaas dheer noo soo galay sidii ay bulshada reer Baligubadle wacdi Diini ah ugu jeedin lahaayeen oo kulanka ballaadhan u qabtay waxgaradkii iyo akhyaartii ugu mudnaa Magaalada Baligubadle, taas oo iyaguna ay u sii gudbin lahayeen dadweynaha ay wakiilka iyo waalidiinta u yihiin waayo wax la isk sheego waxaa ugu faa’ido badan kelmada ku saabsan wacdiga diini ah, markaas waa inaynu wax ku qaadanaa oo aynu dhagaha u dhaadhicinaa,” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar.

DSCN0882Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi yuusuf (Mooge) oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhawaynta ay kala kulmeen Maamulka, culimada iyo dadweynaha Magaalada Baligubadle ee Gobolka Hawd, waxaanu yidhi, “Halkan waxaad ku fadhidaan intii ugu tunka weyndayd Gobolka Hawd, sababta aanu idinku soo xulayna waxa ay tahay maadam oo aad xuduud deggen tihiin in cid walba idiin soo talaabi karto oo imikaba waa taas aad qabateen waxaas oo khamri ah ee aad sheegteen, markaas sidaas oo kale waa inaad foojigo gaar ah u yeelataan waxa idin soo gudbaya oo aad bulshadiina fahansiisaan waxyeelada idinka iman karta waddamada aynu jaarka nahay.”

DSCN0880Sidoo kale, waxaa kulankaas diiniga ah ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Hawd Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Diiriye, waxaanu  sheegay inuu soo dhawaynaayo kulan-diimeedkan uu qabtay Machadka Faafinta Islaamku, “Ka Wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa dadaalkan uu wado Machadka Faafinta Islaamku ee ay bushada ka wacyi-gelinayaan in diinta si khalad ah loo fahmo, waana wax u sheeg loo baahan yahay oo dadweynah wax u taraya, hadaanu nahay bulshadan reer Baligubadle-na waa mid aanu aad ugu baahanay waana inaad noo soo noq-noqtaan.”

DSCN0872Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodijeex Sheekh/Garsoore Xasan Qorane Xaaji Cali oo ka mid ah culimada  Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa halkaas si balaadhan uga war bixiyay xurmada ay diinta islaamku  siisay ilaalinta nafta bini’adamka, waxaanu sheegay in dad dhalinyaro ahi ay si khalad ah diinta loo fahansiiyo oo markaas qaadaan tabaalo ka soo horjeeda diinta.

DSCN0863Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo muxaadiro dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaas, ayaa ka soo qayb-galayaashii kulankaas u sheegay inay carruurtooda diinta si fiican u baraan. “Waxaan idin soo jeedinayaa inaad ubadkiina aad gacantiina ku haysaan oo aad diinta bartaan waayo masuuliyad ayaa idinka saaran inaad xooga saartaan barashada diinta, waxaan la idinka baahan yaahay inaad bulshada ka wacyi gelisaan waxyaabaha fool-xumada keenaya ee aan ku haboonayn diinteena suubban, waxaana habboon inaad fahanka diinta si sax ah loo qaato,”  ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo muxaadiro dheer halkaas ka jeediyay.

DSCN0867Ugu dambayntii, waxa kulan-diimeedkaas hadal ka jeediyay ku-simaha Badhasaabka Gobolka Hawd ahna Guddoomiye ku xigeebka Md Khadar Xasan Xirsi, waxaanu sheegay inay ka maamul ahaan xoogga saareen sidii ay u xoojin lahayeen guddida ka shaqaysa ka wacyi gelinta bulshada wixi Diinta ka soo horjeeda. “Mac-hadkan faafina Islaamka ee Baligubadle yimi maaha markii ugu horaysay ee ay yimaadaan marar horeba waa noo yimadeen oo dib inay noogu soo noqdaana waanu sugaynaa, waxaanan idin sheegaynaa ka maamul ahaan waxaanu xoogga saaraynaa inaanu magaalada ka cidhib-tirno wixii xumaan ah waayo waxaanu degen nahay xuduud, xuduudkuna dhibtiisa ayuu leeyahay oo cid wal oo xumaan iyo fisqi waddaa waa ku soo galayaan, markaas dadaal dheeraad ah ayaanu gelaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hawd.

DSCN0856

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories