HomeMac-hadka Faafinta Islaamka oo ka jawaabay qaylo-dhaan ay u gudbiyeen Weriyeyaal laga...

Mac-hadka Faafinta Islaamka oo ka jawaabay qaylo-dhaan ay u gudbiyeen Weriyeyaal laga sii-daayey Xabsiga Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Deeq muhiim ah oo isugu jirta Maro-kaneecooyin, Raashin iyo Saabuunaha nadaafadda Jidhka iyo Dharka oo loogu talogalay Maxaabiista ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu wareejiyey Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Saraakiisha Maamulka Xabsigaas.

blank

Mucaawinadan oo ka dhalatay xaalad ay ku arkeen Xabsiga Weriye Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Boosh oo ka tirsan Royal TV mar dabayaaqadii bishii hore ee February halkaasi lagu xidhay, ka dibna dedaal ay u galeen sidii wax looga qaban lahaa uu ka aqbalay Mac-hadka Faafinta Diinta Islaamka qaybtiisa Somaliland, waxaanay Deeqdaas oo maanta lagu wareejiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland oo ay weheliyaan Saraakiisha Xabsigu ay ka koobnayd Deeq 220 xabbo oo Maro-kaneeco ah, 15 Gadbadood oo Bariis ah, 5 Kiish oo Daqiiq ah, 3 Jirikaan oo Saliid ah, 200 xabbo oo Saabuun dhar ah iyo 288 xabbo oo Sabuunta jidhka ah.

blankXaflad lagu kala wareegay alaabtaasi oo lagu qabtay maanta xarunta Xabsiga waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Asluubta, Wakiilka Mac-hadka Faafinta ee Gobolka Maroodi-jeex, Taliyaha Xabsiga dhexe, Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta SOLJA oo ay wehelinayeen labada weriye ee arrintan ka hawlgallay.
Ugu horreyn Xasan Cumar Xasan oo ka mid ah labada weriye ee hore loogu xidhay xabsiga oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in inkasta oo baahiyaha ka jira xabsiga ay aad u badan yihiin ay iyagu dadaal u galeen sidii kuwii ugu muhiimsanaa ee ay arkeen muddadii ay ku jireen, kadibna uu ka aqbalay Mac-hadka Faafinta Islaamku.

Wakiilka Mac-hadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi-jeex Sheekh Xasan Qorane Cali, ayaa ka war-bixiyey hay’adooda oo uu sheegay inay xarumo ku leedahay sagaal ka mid ah gobol dalka, kana shaqayso ka wacyigelinta dhallinyarada ee falalka isqarxinta iyo caawimada meelaha baahan.

blank“Xabsiyadu waa qayb muhiim ah oo nabadgelyada ka mid ah, Ilaahay qofka bini’aadamka ah wuu karaameeyey haddana haddii dambi galo in la xabiso ama wixii kale ee shareecadu ku xukunto lagu qaado ayey diintu bannaysay. Maxbuusku dadka in la caawiyo Ilaahay Qur’aanka ku sheegay ayuu ka mid yahay, markaa waxaan baaq u dirayaa ganacsatada, hay’ad Islaami ah iyo dadka wanaagsanba wixii la heli karo in la xabsiyada la caawiyo.”

Taliyaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa Cumar Siciid ayaa soo dhaweeyey mucaawanadaasi, isagoo si weyn ugu mahadnaqay Mac-hadka Faafinta Islaamka iyo labada weriye ee dadaalkooda ay ku timi.

“Labada weriye oo afar casho xabsiga ku xidhnaa maalintii ay ka baxayeen ayaan u yeedhay oo aan ku idhi maxaad aragteen, waxay igu yidhaahdeen xabsigu baahiyo iyo dhib ka jirta ee waanu gurmanaynaa, way hawlgallee Alle ha ka jasaa’isiiyo, markaa waxaan arkayaa maanta in aad geedkii hadhsanayo. Wadaniyadu maaha uun cun oo cab, soco oo qaado, hel adigu waxaad doonayso, laakiin waxa weeye ummaddaada u tabac oo kale ha u tabco, intaas oo la isku geeyey ayaa macno samaysa. Waxa iyaguna mahad leh inta u dhego nuglaatay oo ah Mac-hadka Faafinta Islaamka,” ayuu yidhi Teliye Cumar Siciid, waxaannu intaa ku daray “Xabsiyada baahiyo badan baa ka jira, dadkeenu waxay u haystaan in hay’ado wax siiyaan ee waxba ma siiyaan, hay’adda WFP ayaa ugu dambaysay oo waxay joojiysay bishii January ee sannadkii 1998-kii ayaa ugu dambeeyey, dawladda oo keliya ayaa gacanta ku haysa oo maalintii qofka maxbuuska ah siisa 8000 shillinka Somaliland ah.”

blank

Hoggaanka Ciidanka Asluubta Siciid Yuusuf Cilmi oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa ku tilmaamay muhiimada mucaanadaasi u leedahay xabsiga, gaar ahaan maro-kaneecada oo uu sheegay in baahi weyn ay u qabeen maxaabiista xidhani.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Mr. Cawil Galaydh oo xafladaasi soo xidhay, ayaa ammaanay dadaalka labada weriye ee xabsiga laga sii daayey sameeyeen oo uu xusay inuu ka mid yahay faa’iidooyinka warbaahintu leedahay iyo tallaabada Mac-hadka Faafinta Islaamku qaaday oo ku tilmaamay mid wadanimo.

 “Siyaasadda Wasaaradda Caddaaladda u qorshaysani waxa weeye in xabsiyada waddanka laga dhigo qaar heer caalami ah iyo in Ciidanka Asluubtu uu noqdo mid tayo badan oo aqoon sare leh. Xukuumaddu way u qabataa xabsiyada wixii karaankeeda ah oo ciidammada ayaa heegan u ah, dawada iyo cuntada ayaa la siiyaa, laakiin waxa loo baahan yahay oo aannu baaq u diraynaa in dadweynaha reer Somaliland ee hantida leh meel kasta oo ay joogaan sida ay sadaqada ugu bixinayaan goobaha khayriga ah sida masaajidada iyo cusbitaallada inay ku darsadaan xabsiyada oo ka mid ah meelaha halbowlaha u ah nabadgelyada waddanka.”

blankWaxa kale oo xafladaasi ka hadlay Hoggaanka Hawlaggalada Xabsiyada Ciidanka Asluubta Cabdiraxmaan Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Xuquuqal-insaanka Wasaaradda Caddaaladda Mr. Weli iyo Xoghayaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo dhammaantood ammaanay mucaawanadaasi Mac-hadka Faafinta Islaamku bixiyey iyo dadaalka weriyayaashu sameeyeen.

SLpost News Desk

Hargeys, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories